Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 20982 articles
Browse latest View live

GAALKACAYO: Kulan lagu taageeray Maamul u samaynta Jubbaland,lagagana soo horjeestay qadista xayiraada hubka oo ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

$
0
0

Gaalkacayo: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhacay kulan balaaran oo lagu taageeraayey maamul u samaynta degaanada Jubbaland, lagagana soo hrjeeday qaadista Xayiraada Hubka Soomaaliya, Kulankan oo ay kasoo qayb galeen wax garadka,Siyaasiyiinta,Dhalinyarada iyo Haweenka Gobalka Mudug ayaa siweyn looga soo horjeestay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubaka waxaana taageero xooleh loo muujiyey Shirka Magaalada Kismaayo ee Maamulka loogu dhisaayo Dawlada Gobaleedka Jubbaland.

galkac1

gaab

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland xilal kala duwana kasoo qabtay Dawlada Puntland ayaa sheegay inay dhibaato weyn ka imaan doonto hadii la isku dayo in Soomaaliya laga qaado xayiraada Hubka uuna dalku dib ugu laaban doono dhibaatadii uu ku sugnaa sanadihii sagaashameeyadii wuxuuna golaha Amaanka ugu baaqay inay dhagaystaan dhawaaqa kasoo yeeraaya Bulshada iyo Maamulada soomaaliyeed aysan qaadin xayirad hubka, waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya xiligan ka jirin ciidan qaran oo ka kooban dhamaan umadda Soomaaliyeed hase ahaate ciidamada Dawlada Soomaaliya waxaa laga qoraa dad gaar ah ayuu yiri Gaagaab.

 

Dhanka kale Gaagaab ayaa wax lasoo dhaweeyo ku tilmaamay Dadaalka Maamulka loogu dhisaayo degaanada Jubbaland oo tan iyo Buburkii Dawladii Soomaaliya aan lahayn Maamul rasmi ah, wuxuu ugu baaqay Dawlada Soomaaliya inay taageerto Dawlada Gobaleedka Jubbaland ayna joojiso iska indha tirka rabitaanka umadda Soomaaliyeed, Waxa uu sheegay inay Soomaaliya tahay Wadan Federal ah sida ku cad dastuurka Soomaaliya waxaana loo bahayn yahay inay Dawladu taageerto cid kasta oo doonaysa inay samaysato Dawlad Gobaleed ayuu hadlkiisa sii raaciyey.

kenadiid

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan C/qaadir Suldaan Cali Keenadiid wuxuuna qorshaha lagu doonaayo in lagu qaado xayiraada hubka ku tilmaamay mid ka hor dhacaaya mar xaladaha Dalka Soomaaliya, Dalkana dib ugu celinaaya wixii uu kasoo kabanaayey, isagoo arin khtarteeda wadata ku tilmaamay hadii la qaado xayiraada hubka Soomaaliya, wuxuuna suldaanku Golaha amaanka ugu baaqay inay arinkan si aada ugu fiirsadaan ka hor inta aysan u codayn qaadista xayiraada Hubka, Dhanka kale wuxuu siweyn u taageeray qorshaha Maamulka loogu dhisaayo Dawlada Gobaleedka Jubbaland oo u ku tilmaamay mid ku taagan wadadii saxnayd, wuxuuna Dawlada Soomaaliya ugu baaqay inay isgarab taago umadda Soomaaliyeed ee reer Jubbaland oo ka tashanaaya aayohooda.

habr

Waxaa iyaduna halkaas hadalo kulul ka jeedisay Dhudi Yuusuf oo kamid ah ururada Haweenka Gobalka Mudug waxayna wax lala yaabo ku tilmaatay cid wakhtigan ku fakaraysa in xayiraada Hubka laga qaado Soomaaliya, Iyadoo dhan kalena Dadka reer Jubbaland ugu baaqday inay samaytaan Maamul loo wada dhan yahay ayna dhagaha ka furaystaan cid kasta oo doonaysa inay majara habaabiso umadda reer Jubbaldnd, Iyadoo sheegtay inay garab taagan yihiin dadka reer Jubbaland.

Isku soo duubo dadkii kulankan ka hadlay ayaa dhamaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin in wakhtigan la qaado xiyiraado hubka Soomaaliya, Iyagoo taageero balaaran u wada muujiyey Dawlada Gobalaeedka  Jubbaland, Wuxuuna kulankan kusoo aadaaya xili ay Dawlada Puntland sidan oo kale uga soo horjeesatay in la qaado Xayiraada Hubka Soomaaliya ayna taageertay Maamul u samaynta Gobalada Jubbaland.

puntlandpost.com


NEWS YORK: Golaha Amaanka oo si KMG ah u qaaday Xayiraadii Hubka Soomaaliya.

$
0
0

New york: (pp)-  Golaha Amaanka ee qaramada midoobey ayaa si rasmi ah  goor dhawayd u meel mariyey qaraar  xayiraada hubka mudo Hal sano ah looga qaadaayo Dalka Soomaaliya, Sida ay ku dhawaaqday haweenayda Dalka Rushka u fadhisa Qaramada Midoobey waxay 15-Dal ee xubnaha ka ah Golaha amaanka siweyn iskugu raaceen in Mudo hal sano ah Dalka Soomaaliya loo fasaxo Hubka, Qaraarkan ayaa tiradiisu ahayd 2093.

Golaha amaanka oo ka farisanaya xyiraada hubka Soomaaliya

Golaha amaanka oo ka farisanaya xyiraada hubka Soomaaliya

Golaha amaanka ayaa sheegay inay talabaadan u qaadeen si Dawlada Soomaaliya fursad loogu siiyo inay hesho hub cusub oo ay ku qalabayso ciidankeeda si Dalka looga saaro kooda Argagixisada ah ee Al-shabaab, Waxayna sheegeen in si dhow loola socon doono xayiraaada hubka ee Laga qaaday Dalka Soomaaliya

Waxaa arintan si aada u danaynaysay Dawlada Soomaaliya waxaase siweyn uga soo horjeeday dhinacyada kale ee Dalka Soomaaliya oo ku tilmaamay fowdo hor leh oo ka bilaaban doonta Soomaaliya hadii wakhtigan la qaado xayiraada Hubka maadama ciidamada Dawlada Soomaaliya aysan u qaabaysnayn sidii ciidan qaran.

Waa markii ugu Horaysay oo Soomaaliya laga qaado xayiraad hubka mudo ka badan 20-sano oo ay Qaramada midoobay kusoo rogeen Dalka Soomaaliya markii ay dhacday Dawladii Soomaaliya uuna Dalka ka qarxay Dagaalka Sokeeye.

puntlandpost.com

CADAADO: R/Wasaare Saacid oo gaaray Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

$
0
0

Cadaado: (pp)- Raisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacad ayaa gaaray Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyey dadweyne aad u tira badan oo kamid ah dadka degaankaasi iyo weliba Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka arimiya Degmadaasi,

cada

Raisul Wasaare Saacid ayaa labadii maalmood ee ugu dambaysay socdaalo ku maraayey Degmooyinka Gobalka Galgaduud isagoo kulamo la qaadanaayey dadka ku dhaqan degmooyinka uu Gobalkaasi ka kooban yahay iyo Maamulada ka arimiya, wuxuuna raisul wasaaruhu dadka degaanadaas ka codsaday inay Dawladiis taageeraan si ay soomaaliya ugu soo dabaalaan Dawladnimadii luntay 22-sano ka hore.

Inta uu joogo Magaalada Cadaado wuxuu kulamo la qaadan doonaa dadka ku dhqan degmada cadaado iyo Maamulka ximin iyo Xeeb oo ka arimiya halkaasi wuxuuna kala hadli doonaa wada shaqayn dhex marta Dawlada Soomaaliya iyo dadka degaankaasi ku nool, waxaana la filaayaa inuu raisul Wasaaruhu illaa caawa ku sugnaado Magaalada Cadaado .

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dareen farxad leh ka muujiyey imaanshaha Raisul Wasaaraha waxayna sheegeen inay kusoo dhaweeyeen gacmo furan sida uu sheegay Mudane Tiicey oo ah Hogaanka Maamulka ka arimiya degmada cadaado ee ximin iyo xeeb.

puntlandpost.com

MUQDISHO: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Culusow oo soo dhaweeyay ka qadista cunaqabtenta Hubka

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sida ugu wanaagsan usoo dhaweynayaa go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay eek u aadan ka qaadista cunuqabeteynta hubka ee laga qaaday Dowladda Soomaaliya .

Xasan_CulusowMadaxweynaha Xassan Sh. “Waxaa jirto xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas. Golaha Amaanka Go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka cusub ee siyasadeed ee ka jira Soomaaliya.” Cunuqabateyntan ayaa Golaha Amaanka si qeyb ah uga qaadeen Dowladda Soomaaliya.

“Kumanaan Ciidamadda Xooga Dalka oo ay soo tababreen dalalka aan saaxibada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib daro qalab la’aan ayaa caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan . Ciidamadaan ayaa si wada jir ah howlaha amniga ula fuliyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM”

“Dowladda waxey u mahad celineysaa Golaha Amniga , qadarintooda iyo fahamkooda,waxeyna Dowladda Soomaaliya masuuliyad iska saareysaa dhamaan sharciyadda iyo sharuudaha la socda go’aanka Golaha Amniga ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan”

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan dib- u dhiska dalkooda. “Talaabadan ayaa ah guul usoo hoyatay dhamaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyo”.

Isha Warkan : Xafiiska Madaxweynaha DF ee Soomaaliya

Qodobada Heshiiska Dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca oo dhameystiran (Warbixin)

$
0
0

Kadib markii uu safar shaqo ku yimid gobolka Galgaduud Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu la socdo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole (Fulinta iyo Sharci dejinta), waxaa ay kulan ballaaran al qaateen maamulka Ahlu Suna Waljamaaca.

Saacid oo heshiis la saxiixday Ahlusuna

Saacid oo heshiis la saxiixday Ahlusuna

Kulankaas oo daba socday is afgarad ku dhex maray magaalada Muqdisho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu suna oo ku saabsanaa sidii maamulada iy ociidamada ahlsu suna ay uga mid noqon lahaayeen una hoostagi lahaayeen dowladda federaalka Soomaalia.

Munaasabad maanta loo qabtay soo bandhigida heshiiskan ayaa ka dhacday xarunta uu ka deganaa magaalada Caabudwaaq Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid

Heshiis dhex maray labada dhinac wuxuu ka koobanyahay 7 qodob

1. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa halgankii dheeraa ee ay soo galeen Ahlus Suna Waljamaaca waxuuna noqon doonaa mid taariikhi ah.

2. In si waafaqsan Dastuurka iyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamul sameynta iyo federaaleynta dalka laga hirgeliyo maamul goboleed gobolada dhexe, kadib marka ay soo dhameytiranto wixii hindise sharciyadeed ah ee Dastuurku dhigayo.

3. In dhamaan ciidamada Ahlsu Suna, Hubkooda iyo Gaadiidkooda dagaalba lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo ka mind noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidan-nimo.

4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlu suna ku galay la dagaalankii Khawaarijta Al shabaab, kharashkaas oo dhan 5 Million oo dollar, waxaana leysla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.

5.Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlu suna gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.

6. Dowladdu in daryeel u fidiso agoontii iyo naafadii ku wax yeeloobay halgankii dheeraa ee Ahlu sunna uga xoreeysay degaanada gobolada dhexe Khawaarijta Al Shabaab.

7. Dhaqangelinta iyo dabagalka heshiiskaan waxaa loo saarayaa guddi farsamo oo labada dhinac ah mudo labo asbuuc gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiskaas la kala saxiixdo.

Wuxuu dhaqan galayaa heshiiskaan marka ay saxiixaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca.

Qodobada heshiiskan kadib ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu ku dhawaaqay dhismaha maamulo degmooyin iyo degaano hoostaga kuwaasoo hoostagaya dowladda waxayna kala yihiin, Degmada Caabudwaaq, Degmada Dhuusamareeb, iyo degmada Balanbal halka sidoo kale maamulo loo magacaabay degaanada kala ah, Guriceel, Xeraale iyo Dhabad, iyadoo isla saakana lagu dhaariyay degmada Caabduwaaq. waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha kale ee labada gole.

Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinacyada.

1. Cabdikariin Xuseen Guuleed

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

2. Cabdi Cali Fiidow

Waxaa kale oo goob joog ka ahaa.

Guddoomiyaha golaha Fulinta maamulka Ahlu suna Waljamaaca

3. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye

Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu suna Waljamaaca.

4. Sheekh Cumar Shiikh C/qaadir

Guddoomiyaha golaha Talada maamulka Ahlu suna Waljamaaca.

5. H.E. Cabdi Faarax Shirdoon

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Isha Warkan: Xafiiska Raiisal wasaaraha

CADAADO: Maamulka Degmada Cadaado oo sheegay si rasmi ah inay uga mid noqdeen Dawlada Soomaaliya.

$
0
0

Cadaado: (pp)- Maamulka ka arimiya Degmada Cadaado ee Ximin iyo Xeeb ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay ku biireen Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Afhayeen u hadlay Maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay inuu Maamulkoodu si buuxda ugu biiray Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya ayna si toos ah u hoostagi doonaan wuxuuna tilmaamay inay Dawlada Soomaaliya ku wareejiyeen ciidankoodii.

Hagafey oo shaaciyey inay ku biireen Dawlada Madaxweyne Culusow

Hagafey oo shaaciyey inay ku biireen Dawlada Madaxweyne Culusow

Hagafey ayaa sheegay inay Dawlada Soomaaliya kala saxiixdeen hehsiis uuna qodobka ugu muhiimsan ahaa inuu Maamulkoodu toos u hoos tago Dawlada Soomaaliya ayna ciidamadoodii si toos ah uga mid noqdeen Ciidamada Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Waxa uu sheegay inay Dawlada Soomaaliya ka cod sadeen dhawr qodob oo ay kamid ahaayeen inay Ciidamadooda la wareegto Dawlada Soomaaliya iyo inay ka helaan Dawlada Federalka ah xaquuqdii ay ka mudnaayeen dhamaantood waan isku afgaranay ayuu yiri afhayeenkan u hadlay Maamulka Degmada Cadaado.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay isla afgarteen in hal Maamul loo sameeyo Gobalada Dhexe ee Dalka Soomaaliya si loo mideeyo Maamulada tirada badan ee ka jira Gobaladaasi, wuxuuna tilmaamay in degmada Cadaado lagu qaban doono shirweyne ay iskugu imaan doonaan Bulshada ku dhaqan Gobalada dhexe ee Soomaaliya gaar’ahaan Gobalka Galgaduud iyo Koonfurta Gobalka Mudug.

Hagafey ayaa sheegay inay Dawlada Soomaaliya ka codsadeen in Degmada Cadaado ay u magacowdo Gobal maadama ay Degmadu aad u balaarantahay ayna xukunto dhul baxaad leh ayuu yiri mudne Hagafey.

Dawlada Soomaaliya aya u muuqata inay Dadaal ugu jirto sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd Bulshada ku dhaqan Gobalada dhexe ee Dalka Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Koonfurta Soomaaliya.

puntlandpost.com

KISMAAYO: Col. Cabbaas iyo ciidamo u horkacayo oo ka soo dhaqaaqay Diif kuna soo jeeda Kismaayo iyo Xarakada Shabaal oo u ogolaatay in ciidamadaasi gudbaan.

$
0
0

 Kismaayo: (pp)-  Wararka nagaa sooraya Jubbooyinka ayaa sheegaya in Col. Cabbaas iyo ciidan 230 gaaraya oo ku hubeysan gadiid dagaal oo dhan 4, 5 gaari oo xamuul ah iyo gaari booyad ah ayaa shalay ka soo dhaqaaqay degmada Diif.

Col. Cabaas oo Maleeshiyo kala soo dhaqaaqay Gedo.

Col. Cabaas oo Maleeshiyo kala soo dhaqaaqay Gedo.

Ciidamadan ayaa ku u soo jeeda magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose. Ciidamadan oo ah kuwii dowladda uga dagaalgeli jiray gobolka gedo ha yeeshee soo goosashada ciidamadan ayaan weli si macquul ah loo sababeyn iyadoo war hoose ay sheegayaan in ciidamadan iyo Col. Cabbaas ay qeyb ka yihiin raggii hubeysnaa gadoodka iyo qaska ka sameeyay magaalada Kismaayo labo asbuuc ka hor.

Ciidamadan ayaa lagu tuhunsanayahay ineey ka mid yihiin qorshe ay dooneyso dowladda federalka ineey ku majo xaabiso dadaalka loogu jiro in gobollada Jubbooyinka loogu dhiso ismaamul dowladdeed ka qeyb ah nidaamka federaalka ee dastuurka dalka dowladda federaalka loogu dhisay.

Maamulka kumeelgaarka ee Jubbooyinka ayaan weli ka hadlin ciidamaddan uu hoggaaminayo Col. Cabbaas. Col. Cabbaas ayaa wararku sheegayaan inuu haatan ku sugan yahay tuulada Hoosingo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaana laga filayaa maamlmahan inaku soo aadan degmada Kismaayo.

Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo warramay ineey siiyeen marin ciidankan. Tan ayaa lagu fasiri karaa in siyaasadda alshabaab ay tahay cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibka, halka warar kale ay sheegayaan in Alshabaab ay isku siyaasad ka yihiin in la maja xaabiyo maamulka laga doonayo in laga dhiso deegaanka Jubbooyinka.

Xarakada Shabaab  oo aan lagu aqoon siyaasadda noocaan ah ayaa la ogyahay had iyo jeer  ineey aad uga faa’iideystaan isku dhacyada qabaa’ilka taaso haadda u muuqata in arrintu ay halkaas la gashay oo siddaas ay ku taageerayaan Ciidamada la sheegayo inuu wato Col. Cabaas.

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

Shiikhu Nasiib Badanaa !!! W/Q Abdisalaan F Gaas

$
0
0

Sh-Cabduqaadir-Nuur-Faarax-300x2251-150x150Shiikhu Nasiib Badanaa !!!

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Qaybtii 1aad

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، والصلاة والسلام على إمام المرسلين نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين.

Sh Abdulqaadir Nuur Faarax  ALLAAH SWT ha u naxariisto, Jannatul Firdawsa ALLAAH SWT hoy iyo Guriga ha uga dhigo, aamiin aamiin

Shiikha taariikh nololeedkiisa iyo waxqabadkiisa ka sheekayn maayo oo waxaa qalinka u qaatay Culimo iyo Akhyaar iiga awlaysan oo intaan aqaanay in ka badan yaqaanay, wax badana ay khayr iyo wanaag ka soo wada shaqeeyeen ALLAAH camalkooda ha u aqbalo, ayagana ALLAAH khaatumada ha u wanaajiyo shiikha, ayaga iyo anagaba Jannatul firdawsa ha nagu kulmiyo, aamiin,

Waxaanse jeclahay inaan wax ka iraahdo kalimaatka kor ku xusan ee ah mawduuca maqaalkaan yar, ka dibna aan ku soo Gunaanado Tix kalimaat ah oo aan ka iri arintaas,

Shiikhu Nasiib Badanaa !!!!!

Sh Abdulqaadir dilkiisa ka hor waxaa jiray wiilal u hawl galay ceebaynta shiikha, dabagalka shiikha iyo been abuur aan xad lahayn oo ay shaqa maalmeed ka dhigteen

Runtii waxay u muuqatay inay is lahaayeen shiikhaan dharka ka dhiga si ay idiinku fusho danaha aad leedihiin, sababtoo ah waxay ogaayeen miisaanka uu shiikhu leeyahay ALLAAH fadligiis waa u suuroobi wayday oo wax la cayriyo been baa ugu gaabisa

Hadaba qof kasta oo diin leh, caqli yar oo uu kaligiis ku fakarana leh asagoona caqligiisa cid kale u dhiiban si ay ugu jihayso, Wuxuu si cad u arkay sida ALLAAH SWT  ugu garnaqay Shiikha iyo Wiilashii yar yaraa, Dabcan waa inta la ina raaciyay ee inoo muuqata daliil cad oo diinteena ku sugana aan u haysano oo ah khaatumada uu ALLAAH swt u doortay Shiikha, waxaana ka mid ah Nusuustaas.

يقول الحبيب صلى الله عليه وسلم، والحديث رواه الترمذي و أحمد وصصحه الشيخ الألباني في صحيح الجامع ( إذا أراد الله بعبد خيراً استعمله، قيل: كيف يستعمله يا رسول الله؟ قال: يوفقه لعمل صالح ثم يقبضه عليه

Macnaha Xadiiska oo ah ( ALLAAH swt haduu adoomadiisa mid ka mid wanaag iyo khayr la doono camal wanaagsan ayuu waafajiyaa intuusan nafta ka qaadin isla camalkii asagoo ku guda jira ayuu nafta ka qaadaa)

Hadaba marka aynu diinteena iyo nusuusta dib ugu noqono shiikha Cimrigiisa, Cilmigiisa, maalinta la dilay, meesha lagu dilay, saacada la dilay, Camalka uu ku guda jiray waqtiga ay naftu ka baxaysay, Gacanta xaq darrada ku dishay, ALLAAH ayaan idinku dhaarshaye miyuusan nasiib badnayn, miyuusan ALLAAH swt uga hiilin wiilashii shaqada ka dhigtay ee websityada u furtay inay shiikha iyo culimada kalaba ceebeeyaan oo ay maalin kasta ku been abuurtaan,

Hadaba waa Su,aale ma laga yaabaa inay ku cibra qaataan waxa uu ALLAAH swt indhahooda ku tusay oo ma laga yaabaa inay hanuun iyo tawbad keen u noqoto mise shayaadiin baa meel ku xirtay, oo silsilada waawayna baa ibliis ku qabiray,

Arintaasi waxay daliil cad u tahay

1-     In aan shiikha khayr badan ALLAAH agtiisa uga rajayno anagoo nusuustaas ku tiirsanayna

2-     ALLAAH swt inuu sheikh Abdulqaadir khayr iyo wanaag la doonay khaatumo wanaagsanna waafajiyay

3-     In shiikhu ALLAAH ha naxariistee uu ku taagnaa wadada Saxda ah maadaama uu ALLAAH khayrkaas waafajiyey

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!!

Shaqigaan, kuwii soo diray, kan ku farxay, iyo kii u fatwooday oo ku yiri Adiguna mujaahid baad tahay asaguna waa shahiid intuba waa khasaareen, sababtoo ALLAAH swt ayaa kitaabkiisa ku yiri

( وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً) (النساء:93)

ALLAAH swt Wuxuu aayadaan ku cadaynayaa oo macnaheedu yahay in

( qofkii qof ALLAAH rumeeyay ula kac u dila inuu jahannama hoy iyo Abaal gud uga dhiagayo, isla markaana uu ku waarayo, ALLAAHna swt u caroonayo, islamrkaana uu uu naxariistiisa ka dheeraynayo, cadaab aad u waynna aakhira in loo diyaariyay),  intaas oo waciid iyo gooddi ah ALLAAH swt Wuxuu kaga hadlayaa qofkii qof mu,min ah dila,

Shaqigaan iyo inta ayaan darrada la wadaagta waxaa u sii dheer waxay dileen

Mu,min, Shaykh, Caalim, Ciroole ah, Cibaada tan ugu fadli badan u taagan, baytkii ALLAAh swt ku jira, Maalmaha maalintii ugu fadli badnayd, waqti kuu ugu fiicnaa,

Hadaba maalinta ALLAAH swt la hortagayo oo inta Sh Abdulqaadir shaqigaan qadaadka soo qabto markaasna ALLAAH hortiis lagu maxkamadeeyo oo la dhoho maxaad ku dishay shiikhaan waxaa hubaal ah inaysan anfacayn hebel baa I soo diray ama ii fatwooday,

Ibnu cabbaas iyo qaar ka mid culumadii salafka baa ku tagay in qofkaas uusan Tawbad lahayn ayagoo daliishanaya xadiiska uu warinaya Mucaawiyah radiyallaahu canhu oo oranaya,

عن مُعَاوِيَةَ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ :) كُلُّ ذَنْبٍ عَسَى اللَّهُ أَنْ يَغْفِرَهُ ، إِلاَّ الرَّجُلُ يَمُوتُ كَافِراً ، أَوِ الرَّجُلُ يَقْتُلُ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً( ، رواه الإمام أحمد والنسائي .وصححه الألباني في صحيح الجامع

Xadiiskaan oo macnihiisu yahay,

(dambi kasta ALLAAH swt Wuxuu mudanyahya inuu dhaafo marka laga reebo qofkii gaalnimo ku dhinta iyo qofkii qof mu,min ah ula kac u dila).

Waxaa ayaduna meel u taala inta hawshaan ka qayb qaadatay habaarkii kumanaanka qof ee habaarayay ilaa maalintuu hoogaas gacanta la galay, naxdintii ay ka naxeen kumanaanka qof ee uu maalintaas barakaysan ka nixiyay, isha ilmaha yar yar ee aabahood oo aan waxba galabsan uu hortooda ku toogtay,

ALLA Qalbi adkaa oo ayaan daranaa

Qaybtii 1aad halkaas ha inoo joogto

Waa inoo kulanti dambe haduu ALLAAH swt inoo idmo

Iyo Qaybtii 2aad oo aan kaga hadli doono.

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Wassalaamu Calaykum

W/Q Abdisalan F Gas


Madax-weyne Xasan“Hubeey…Federaal noocee ah?!” laakiin dadka qaar baa labo raba..seddex raba! By: Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Shaki la’aan Xasan SHiikh Max’ud iyo kooxda la socota waxay u haystaaan ama talaabadaan cuna qabataynta hubka looga qaaday ay ku tilmaamayaan guul ay dowladda gaartay, sidii aan horayba libta ugu sheegteen aqoonsigii dowladda Maraykanka , hasa ahaatee arrintu ka baaxad weyn kana  xanuun badan wax laysugu hambalyeeyo sida ay madax-weyne Xasan SHiikh iyo kooxdiisa la tahay, waxaana bilowday walaac iyo kala shakin aan la garanayn meel uu ku dhammaan doono.

Mid iyadu way iska muuqaataa oo waxaa loo daneeyay waa suuqyada hubka iyo dalalka ka ganacsada oo shaki la’aan magaca ummadda Soomaaliyeed deyn badan looga soo qaadan doono hub gaboobay oo waqtigiisii dhammaaday, waxaa kaloo iyadana uusan shaki ku jirin in wadamo badan oo uu u horeeyo dalka Turkiga ay hub badan oo aan xisaab lahayn oo ku raagay makhaasiinadooda ay u soo rari doonaan Soomaaliya, haddii ay
doontaba ha uga jeedaan inay dhisayaan cudud Soomaaliyeed.

Waxaana dhaqso kor ugu kacaya saaxiibo badan iyo dulaaliin suuqyada madow ah oo ku soo yaaca Soomaaliya, dalalka deriska ah oo ay ugu horeeyaan Djibouti, Itoobiya, iyo Kenya  ayaa iyagana shaki weyn uu ka geliyaa sugnaanta ammaanka xuddudahooda, waxaana si baahsan faraha uga baxaya  faafitaanka hubka iyo kala iibsashadiisa, waxaana taas gacan ka geysanaya labo arrimood oo muhiim ah; shakigii iyo kalsoono darradii dadka dhex gashay muddadii burburka oo aan wali laga dawoobin, gacanta hubka uu gelayo oo aan ahayn mid mas’uuliyaddaas u taba baran, markaas waxaa suura gal noqon kara khatar kasta inay ka dhalato.

Waxaan iyadana muran ku jirin in deegaano badan oo dalka ka mid ah xasiloonida ka jirta ay qayb weyn ka ahayd hubka oo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gabaabsi gaaray, laakiin waxaa hadda soo noqonaya tartankii hubka iyo ka ganacsigiisii shacabka, ma aha waxyaabaha aan sheegayo in cududaha  golaha ammaanka maamula aysan ka war qabin waliba way inoo xog ogaalsanyihiin wayna u sawirantahay xaaladda iyo saamaynta uu hubka Soomaaliya ku yeelanayo, hasa yeeshee waxaa jira dano innaga qarsoon oo ay dalkeena ka leeyihiin oo taas ku qasbaya, wax dan ahna kama laha xuquuqul-insaan iyo cidddi ay wax ka soo gaarayaan marba haddii ay iyagu danahooda ku gaarayaan sidaas.

DHinaca kale,  kooxda Al-shabaab ee ku caan baxday kharbudaadda iyo duminta ummadda Soomaaliyeed waxay talaabadan ah in la qaaday cuna qabataynta hubka siinaysaa fursad u sahasha inay hub hesho, sidee?…waan wada garan karaan in dhalin yaro badan oo ka mid ah bulsho-weynta dhalin-yada Soomaaliyeed ay hadda xubno ka yihiin Al-shabaab, iyadoo  qaarkood ay cabsi ku qasabtay inay xubno ka noqdaan si ay naftooda u badbaadiyaan kuwana ay yihiin  kuwo la caqli dooriyay oo dadka aan iyaga ka tirsanayn u haysta dad cadow ah, dhalin yaradaas ayaa si baahsan ugu kala jira qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda iyo ciidammada,sidaasoo kale  mehradaha dalka iyo dibaddiisaba Soomaalidu ku leedahay, taasina waxay sahlaysaa in hubku si fudud uu gacantooda ku galo.

Mas’uuliyadda hubkan la rabo in Soomaaliyo lagu fataho waa mid run ahaantii aan la xaqiijin, marka aan sidaas leenahay ulama jeedno in dowladdu aysan mas’uul ahayn laakiin mar haddii kalsoonida shacabka dhexdooda ah ayan gaarsiisanayan inay salka ku hayso kalsooni ay ku qabaan dowladda ay taas macnaheedu tahay  in khatarta hubkaas ka imaan karaysa ay mid weyn tahay isla markaasna aan la hubin gacanta uu gelayo.

Dowladaha waaweyn u ololeyniyay qaadist cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa iyagu agenda-yaasha ay wataan uu yahay mid iska kooban oo waxa ugu muhiimsan ay noqon karaan in kooxda Al-shabaab la dagaalankeeda ay u adeegsadaan dad aan dadkooda ahayn, laakiin uusan marna ahayn in haybadddii qaranimo ee Soomaaliya (Somali Sovereign) ay soo noqoto, ama haddii kale heshiisyada macaadinta ee dowladda federalka Soomaaliya la galay ee sharci darrada ah intaas dhaafsaday, marka u dambaysana dayn innagu soo sheegan doona.

Waxaa iyadana is weydiin ka taagantahay taageerada degdegga ah ee dowladda Maraykanka si cuna qabataynta hubka Soomaaliya looga qaado?! Maxaa is bedelay wax weyn oo qarsoon ayaa jira, dad badan ayaa tuhmaya in Maraykanka aan wax yar laga iibin, nabarkaasna uu yahay doog qarsoon oo Soomaaliya dhex jiifta, waxaan iyadana cadayn dulaalnimmada ay dowladda Qatar samaynayso waxa ay salka ku hayso, iyadoo waliba warar horay u soo baxay ay sheegayeen inay iyada dhaqaalo ku bixiso ururka Al-shabaab.

calasowMadax-weyne Xasan oo asaga sida muuqatay aad u jeclaystay  in cunaqabataynta hubka laga qaado ayaa qorsho intaas ka durugsan oo  ku qasbay arrintaas aan marna sheegin inuu yiraahdo waxaan kula dagaalamayaa argagixiso mooyee, taasoo marka la fiiriyo mujtamaca Soomaaliyeed noqotay Muruqa Laba Suule Ninba Si Ku Ah!…isla markiina waxaa dhashay shaki iyo isu diyaarin colaadda la qiyaasiyo inuu u soo tafo xaytay madax-weynaha. Haa waa madax-weynihii dalka, waa madax-weynihii ay doorteen golihii Soomaalidu soo xulatay laakiin isagoo aan lafo gurin tuhunkii aloosnaa ee dadka Soomaaliyeed la dhex dhigay ayuu bilaabay ololahaas.

Arrinta kale ee culayska weyn ah waxay tahay in madax-weynuhu ku wareersanyahay nidaamka federal-ka ah isagoo waliba dhinaca kalana ku celcelinaya inaan laysku khilaafsanayn Federalism-ka, marar badan baan madax-weynaha ka maqlay ama aad adinka laf ahaantiina ka maqasheen waxaa laysku haystaa Federal noocee ah ?! weedhay ninna si kuu yiri ninna si kuu qaaday! waxaan garan waayay weydiintaas madax-weynaha aan dhowr jeer maqlay isagoo ku soo celcelinaya waxa uu ula jeedo laakiin isagaa fududeeyay oo talaadadii (Feb.05,2013) mar uu weydiimo uga jawaabayay dad-weyne ku waraysanayay xarunta telefishinka Al-Jaziira Ee Cilmi Baarista (Al Jazeera Center For Studies)ee Dooxa ee dalka Qatar.

Ninkii ugu horeeyay oo aan u malayniyo inuu Soomaali ahaa baa isagoo af carabi ku hadlaya weydiiyay “Madax-weyne ma kula tahay in habka federalka uu u fiicanyahay dadka Soomaaliyeed ee hadda ka soo kabsanaya burburkii ka soo gaaray dagaallada, mise kuula muuqataa in habka federalka uu Soomaaliya dib ugu celinayo dagaalladii Sokeeye?” madax-weynaha ayaa markuu weydiintaas ka jawaabayay sheegay inaan hadda laysku haysan in federal la noqdo iyo in kale laakiin arrintu ay tahay sidee iyo noocee?! “…dadka qaar baa laba gobol oo federal ah, Somaliland iyo inta kale, kuwaa qaba inay noqoto seddex Somaliland, Puntland iyo inta kale…” xaqiiqa ahaan sida aan wax badan qiyaasayay madax-weynuhu labadaas midkood buu jeclaan lahaa, hasa ahaatee wuxuu ka boodsanyahay dowladaha samaysmaya ee dowladaha federalka ka mid noqonaya tiradooda inay ku xirantahay hadba tirada ka soo baxda gobollada isku af garta inaynoqdaan dowlad ee kuma xirna in isaga, xukuumad iyo barlamaanka la weydiiyo  inta dowlado (States) ee samaysmiya.

Sida hadda madax-weyne Xasan uu doonayo inuu u abbaaro dowladaha fedeeralka ah ee samaysmay ayaa ah midda ay qabto Somaliland oo isagu si aad ah u raadiyo inuu waji ka samaysto, laakin wuxuu iska indho tirayaa khilaafka gobolka oo dhan ka jira, reer Awdal, reer Laascaanood, Buuhoodle, Sanaag, deegaannadaas iyo khilaafka ka dhexeeya deegaannada Woqooyi Galbeed iyo Togdheer, oo ay waliba dheertahay faro gelinta Djibouti.

Waxaadna moodaa madax-weynaha iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay soo sheekaysteen, laakiin waxaan marna suuro gal noqonayn cid kasta ha ku riyootee in federal ahaan iyo qaybsiga awoodda siyaasadeed oo isu dheeli tiran aan lagu salayn karayn labo gobol iyo seddex gobol sida ahdda uu malaha jeclaan lahaa madax-weyne Xasan inuu kula xulufoobo gobollada qaarkood.

Waxaana hadda soo if baxaya in wax weyn ay ka khaldanyihiin golaha shacabka oo aan marna ka hadlin siday sharci u tahay inay dowladda u magacowdo madaxda  gobollada iyo degmooyinka dalka, dad badan ayaa rumaysan in golaha shacabka uu u af duubanyahay madax-weynaha taasna uu gacan weyn ka geystay af-hayeenka golahaas mudan Max’ed Cusmaan Jawaari,  waxayna dad badan hadda qabaan inay jirto caga juglayn iyo cabsi gelin faro badan oo xubnaha qaarkood ku qasabtay inay iska aamusaan, waxaana taas u daliil ah dhacdadii u dambaysay ee keentay in Xil-dhibaan cabdirashiid Xiddig uu ka cararo Muqdisho.

Sidaasoo kale wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa tilmaamaya in xubno badan oo ka tirsan barlamanka ay walaac weyn ka qabaan ammaankooda, waxaana raggaas ka mid ah af-hayeenkii hore ee barlamanka SHariif Xasan SHiikh Adan, waxaana jira rag kale oo iyagana aan ku nagaan magaalada iyagu tuhun ka qaba ammaanka naftooda.

Waxyaabo badan oo khaldan waxaa kaalin weyn ka ciyaaraya dhaqanka ninka ra’iisal wazaaraha ah oo run ahaantii la oran karo maba fahmin xilkiisu wuxuu ahaa, ra’iisal wazaaraha Cabdi F. SHir-doon wuxuu ku mashquulay kormeer iyo maamul aan sharci ahayn inuu u soo sameeyo gobollada iyo degmooyinka dalka, meeshii loo baxsan lahaa ee wax sixi lahayd ee golaha shacabka ahaydna waxaa run ahaan la oran karaa waa u bareereen inay ka qayb qaataan xad gudubyada dadka iyo dalka lagu hayo, hasa ahaatee waxaan talada ugu dari lahaa kolayba ma qaadi karaan mas’uuliyadda cirib xummada ka imaan karaysa sida hadda arrimuhu yihiin, marka soo haboonaan lahayn inta goori, goor tahay inay hadda wax saxaan?!…

Waxaa iyadana wali la sugayaa oo aysan dowladda soo hadal qaadin marna dhismaha aqalkii sare ee barlamanka kaasoo qayb ka ah hay’adaha sharci dejinta iyo ansaxinta, waana aqalka ay ahayd in la soo mariyo waxa kasta oo ka soo gudba dhinaca barlamanka, sababta aan ilaa iyo hadda loo soo hadal qaadin maxay tahay?…Yaab! anigu qofka kale wax weydiin mayo, dhammaan cidda ay weydiimahaygu ku socdaan waa madax-weynaha oo runtii aan is leeyahay su’aalaha dhammantood isaga ka wada jawaabi kara!…

Puntlandpost.com

KISMAAYO: Al-shabaab iyo Maleeshiyo uu watay Col. Cabaas oo isku biiray iyo AMISOM iyo Ciidanka Maamulka Jubbooyinka oo heegan galay..!

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Beerxaani oo fariisin u ah Xoogaga Al-shabaab ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo  maleeshiyo ah oo ka mid ahaa kuwii loogu talagalay inay xorreeyaan gobolka Gedo, kuwaas oo uu wato Col. Cabaas , isla markaasna si fiican ay Al-shabaabku ugu soo dhoweeyeen deegaankaasi.

Akhri :  Wakii hore

Col. Cabaas iyo maleeshoiyaadkii uu watay oo lagu dhoweeyey Beerxaani

Col. Cabaas iyo maleeshoiyaadkii uu watay oo lagu dhoweeyey Beerxaani

Ciidamadan uu Wato Col. Cabaas ayaa waxay  soo maray deegaano badan,  soona dhexmaray Maleeshiyaadka Al-shabaabka deegaanada ay ka taliyaan, arrintaas oo u muuqata inuu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo maleeshiyadan iyo kuwa Al-shabaab.

Wararkaasi markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo ayaa waxaa heegan buuxa la geliyey Ciidamada AMISOM ee Kenya ee kun sugan magaalada Kismaayo iyo Kuwa dowlada Federaalka ee ka amar qaata maamulka kumeelgaarka ah ee ka arrimiya deegaanka Jubbooyinka inta ay gacantoodu ku jirto.

Dhanka Airporka magaalada Kismaayo iyo jidadka soo gala magaalada Kismaayo ayaa la dhigay ciidamo xoogan, kuwaas oo indhaha ku haynaya dhaq-dhaqaaqa ka jira deegaanadaasi.

Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ayaa qaba in Ciidamada uu Col. Cabaas  ay lug weyn ay ku leeyihiin madaxda sar sare ee DF ee Soomaaliya , si magaalada Kismaayo looga abuuro qas siyaasadeed , oo meesha laga saaro in  aan loogu guulaysan in  dowlad goboleed laga dhiso deegaanada Jubbooyinka & Gedo.

Wixii Warar ah  ee deg deg ah kala soco Puntlandpost.com

GAROOWE: Madaxweyne Faroole oo maanta xariga ka jaray wado laami ah oo loo bixiyey Sh.C/qaadir(Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland si rasmi ah looga furay wado cusub oo laami ah looguna Magac daray Shiikh C/qaadir Nuur Faarax, wadadan ayaa waxaa si rasmi ah xariga uga jaray Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ay weheliyeen Madaxweyne Ku-xigeenka,Wasiirka Arimaha Gudaha,Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Duqa Magaalada Garoowe.

1

5 d

Duqa Magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta xariga laga jaro wadada shiikh C/qaadir oo ah wado laami ah oo bilhii u dambeeyey dhismaheedu ka socdey Magaalada Garoowe wuxuuna tilmaamay wadadan inay ku baxday aduun lacageed oo gaaraya $150 kun oo ay bixiyeen Dawlada dhexe ee Puntland,Dawlada Hoose iyo Hay’addaha qaramada midoobey, Duqa Garoowe ayaa sheegay in dhawaan wado laami ah la saari doono wadada Islaan Maxamed Islaan Muuse oo iyaduna ku dhacda wadada lo yaqaan 30-ka, oo ay tagto isla wadada maanta xariga laga jaray.

3

2

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa ka mahadceliyey cid kasta oo gacan ka geysatay wadadan wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay kawada qayb qaataan hirgelin horumarinta Magaalooyinka Puntland, isagoo dadka caasimada ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin Horumarka magaaladooda.

4

Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale laga hirgeliyey wadooyin laami ah waxaana dhawaan ka bilaaban doona wadooyin kale, waxaana arintan si aada usoo dhaweeyey guud ahan umadda Puntland oo ku tilmaamay inay wax tar u tahay umadda Reer Puntland.

puntlandpost.com

 

BOOSAASO: Nadwo laga soo saaray Bayaan ka dhan ah Al-shabaab oo lagu soo gabagabeeyey Magaalada Boosaaso.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Waxaa Magaalada Boosaaso lagu soo gabagabeeyey Nadwo mudo afar casho ah kaso cotay Magaalada Boosaaso oo ay ka qayb geleen culimada ugu caasan Dalka Soomaaliya, Nadwadan oo looga hadlaayey khaladaadka kooxda Al-shabaab  iyo dhibta ay umadda ku hayso ayaa ka socdey masjid Rawda, Waxayna aakhirkii culimadu ka soo saareen Bayaan ka dhan ah Al-shabaab.

Culimada iyo dadweynaha ka qayb galay Nadwada.

Culimada iyo dadweynaha ka qayb galay Nadwada.

Akhriso Bayaanka Culimada:-

1-  Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, maxaa yeelay iyagaa xadgudubka ka noqonaya gabaad adag, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa faafinta fiqiga sahlanaanta, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida shubhooyinka kuwa  xadgubay ay bulshada ku dhex faafinayaan, iyo barashada manhajka firqooyinka dhumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda.

2- Waxaan ummada ugu baaqaynaa inay fahamto khatarta uu leeyahay xadgudubka ay wado kooxda Al-Shabaab, iyo inaan la isku khaldin shareecadii reebtay xadgudubka, lana dagaalantay iyo xadgudbkii la reebay laftigiisii. Isla mar ahaantaana waxaan ka digaynaa ka hortaga xadgubka in loo adeegsado la dagaalanka Dacwada, ducaada iyo Diinta Islaamka.

3- Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah, sida illaahay qur’aankiisa ku sheegay,  Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii aydnaan idinku cilmi lahayn, “??????? ??? ????? ?? ???? ?? ??????”    waxaana ku baaqaynaa in laga digtoonaado kuwa isu ekaysiinaya culimmada ee illaahay iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya iyo goobaha ay fikirka  xadgudubka ku faafiyaan, sida;  warbaahintooda, qoraaladooda iyo fataawooyinkooda.

4- Waxaan ugu baaqaynaaa maamulada waddanka ka jira inay gutaan masuuliyada ka saaran ilaalinta ummada iyo amnigeeda, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimmada iyo  isku xirnaanta waaltinimo ee bulshada.  Waxaan kaloo ku baaqaynaa in dhamaan qaybaha bulsha ee kala duwan ay kawada qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa khatarta  halista ah ee kooxda Shabaab, iyadoo la adeeg sanayo wado kasta oo suura gal ah Shareecadana ku banana.

5- Waxaan ku baaqaynaa in la daaweeyo sababaha xadgudubka keenaya, siyaasad ahaan, mushtamac ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Iyo sidoo kale in la dhidbo nidaam cadaaladeed oo ku qotoma shareecada Islaamka, bulshaduna u simantahay, maxaa yeelay cadaaladu waa saldhiga dowladnimmada iyo daganaanshaha.

6- Waxaan ugu baaqaynaa madaxdda Al-shabaab iyo xubnahooda inay illaahay u soo noqdaan, kana waan toobaan gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiigooda, iyo inay dib ugu  soo noqdaan Sunnada Nabiga (scw) iyo ummaddooda ay ka baxeen.

7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, Isimmada, iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan, magangalinta, iyo nolol usamaynta dhalinyarada kasoo baxa fitnada Shabaab, una toobad keena illaahay, una soo noqda Sunnada Nabiga (scw) iyo ummadoodii fikirka takfiirku ka dhexsaaray, hubkana ugu dhiibay.

Culummada ku Saxiixan Bayaanka

1-    Sh. Daahir Aw Cabdi

2-    Sh. Axmed Daahir

3-    Sh. Xasan Xuseen

4-    Sh. Maxamed Macalin Axmed

5-    Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari

6-    Sh. Axmed Cabdisamad

7-    Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)

8-    Sh. Cabqani Qorane

9-    Sh. Xasan Dhooye

10-Sh. Maxamed Maxamud Ciise

11-Sh. Axmed Faarax Garaase

12-Sh. Maxamed Faahiye Ciise

13-Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse

14-Sh. Cismaan Maxamud Xaajid Dirir

15-Sh. Faarax Maxamed Cajab

puntlandpost.com

GAROOWE: R/Wasaare Saacid oo si balaaran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe(Dhagayso)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waxaa Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland si diiran loogu soo dhaweeyey wafti uu hogaaminaayey Raiisul wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Waftiga raisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaada Garoowe kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland iyo qaar kamid ah golaha wasiirada iyo weliba dadweyne aan tiro yarayn waxaana isla markiib loo galbiyey qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Dhagayso Codka Raiisul wasaaraha-

Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo ku so dhaweeyey garoonka diyaaradaha

Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo ku so dhaweeyey garoonka diyaaradaha

Raisul Wasaaraha oo Warfidiyeenka lahadlay ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, wuxuuna sheegay inuu soo booqday dhulkiisii uuna aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Degaanada Puntland, isagoo ka mahadceliyey sida qalbiga furan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, waxa uu tilmaamay raisul wasaaruhu inuu rajaynaayo inay isku afgaran doonaan wada hadal dhex mari doona iyaga iyo Dawlada Puntland.

Raisul wasaaraha ayaa dadka Puntland ku amaanay horumarka dhinacyada badan leh ee ay sameeyeen wuxuuna sheegay inay dadka Puntland ku dayasho mudan yihiin, waxa uu tilmaamay inay maalmahan ku sugnaan doonaan caasimada Puntland.

 Dhagayso Codka Madaxweynaha Puntland

sac1

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa isaguna muujiyey sida uu maqsuudka uga yahay imaanshaha Raisul wasaaraha, Wuxuuna sheegay inay Dawladiisa iyo Shacabkiisuba ay dadaal badan ku bixiyeen sidii Dalka soomaaliya looga hirgelin lahaa Dawlada iminka jirta taasna ay ku kasbadeen cadow fara badan, waxa uu rajo ka muujiyey inay wax badan ka wada hadli doonaan iskuna afgaran doonaan.

Guud ahaan dadweynaha reer Puntland ayaa dareen wanaagsan kusoo dhaweeyey booqashada raisul wasaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo markiisii ugu horaysay soo booqday Puntland tan iyo markii loo magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya, Waxaana Safarkiisa ku weheliya qaar kamid ah wasiiradiisa iyo weliba xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo u kamid yahay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

Wararka ku saabsan booqashada Waftiga Dawlada Federalka ah, Waxaad kula socon doontaan wararkayaga dambe insha allah.

puntlandpost.com

NAIROBI: Uhuru Kenyatta oo noqday Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya.

$
0
0

Gudoomiyaha gudiga doorashada iyo xaduudaha dalka IEBC  Issack Hassan ayaa goordhow shaaciyay natiijada rasmiga ah ee doorashadii ay dadka Kenyanka ah codadkooda ku dhiibteen.

Kenyatta oo noqday Madaxweynaha cusub ee Kenya.

Kenyatta oo noqday Madaxweynaha cusub ee Kenya.

Mr Isaaq Xasan ayaa Khudbadiisii ku dhawaaqida natiijada doorashada uga mahadceliyay dhamaan xubnaha gudiga iyo ururadii ka taageeray fikirka dhaqaalaha iyo lojistikada.

Waxaa uu sheegay in Musharaxii Isbahaysiga Jubillee iyo xisbiga TNA uhuru Kenyatta uu yahay madaxweynaha cusub ee dalka kadib markii uu helay wax ka badan 50 boqolkiiba codadkii la tiriyay.

Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa haatan doonaya inuu si Live ah ula hadlo taageerayaashiisa iyadoo ay munaasabad balaaran haatan ay ka socoto Xarunta Catholic University.

puntlandpost.com

BOOSAASO: Sarifkii Doolarka oo si aada hoos ugu dhacay Degaanada Puntland & Maciishadii oo halkeedii taagan.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Waxaa maanta Jahawareer galay suuq yada sarifka lacagaha qalaad ee Puntland gaar’ahaan Lacagta Doolarka ah kadib markii  si aan caadi ahayn uu  hoos ugu dhacay, Dadka reer Puntland ayaa saaka kusoo toosay Sarifkii Doolarka oo hoos usii socda iyo Maciishadii oo halkeedii taagan waxayna tani walaac xoogan ku abuurtay qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar’ahaan dadka dan yarta ah oo aan awoodin maciishada ku salaysan doolarka ee cirka ku shareeran iyo weliba Lacagtii doolarka oo maanta wax qiimo ah ka lahayn degaanada Puntland.

doolar doolar1

Maalintii shalay Sarfika Doolarku waxa uu maraayey Boqalka Doolar 2,250,000  oo shilinka somaliga halka uu maanta hoos uga sii sicdey Sh.So 1,700,000, Dadweynaha ayaa si aada ugu jahawareeray isbadelka degdega ah ee ku yimi Sarifka doolarka iyo hoos dhaca aadka u baahsan ee ka muuqda, Ganacsatada Sarifka ayaa ku sababeeyey hoos u dhacan ku yimi Doolarka dhawr sababood oo isbiirsaday ayna ugu weyn tahay Lacagtii Shilin Somaaliga ahayd oo ku yaraatay suuqyada Puntland kadib markii loo daad gureeyey Koonfurta Soomaaliya oo ay ka jirtay maalmahanba hoos u dhac doolarka ah.

Dawlada Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin hoos u dhaca ku yimi Doolarka iyo Maciishada halkeedii taagan ee ku salaysay xiligii Boqolka Doolar lagu sarifi jirey, Afarta Malyan oo Shilin Soomaaliga ah, Waxayna dadweynuhu ka war dhawrayaan talaabada ay Dawladu ka qaadi doonto arintan dhibaatada culus wadata oo hadii aan degdeg wax looga qaban dhalin karta dhaqaale Bubur baahsan oo ku yimaada guud ahaan Puntland.

Maalinta Berito ah ayaa la filaayaa inuu hoos usii dhaco Sarifka Doolarka mana muuqato illaa iminka ifafaalo wax looga qabanaayo, Wuxuuna culayska ugu weyn ku dhici doonaa Guud ahaan dadka ku dhaqan Puntland iyo xitaa iyo Canshuuraha Dawlada oo ku salaysan Doolar iyo Shilin Soomaali labadaba, Haba ugu daraadeen dadka danyarta ah.

Puntlandpost.com


GAROOWE: W/Maaliyada Puntland oo ka digtey in lacagta Shilin Soomaaliga ah loo qaado Koonfurta Soomaaliya.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta go’aan ay ku joojinayso in Lacagaha Shilin Soomaaliga ah loo qaado Koonfurta Soomaaliya kasoo soo saartay Magaalada Garoowe, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa Ganacsatada iyo Gadiidleyda uga digey inay Lacagta u qaadaan Koonfurta Soomaaliya isagoo ciidamada Kantaroolada ku amray inay Baaritaano xoog leh ku sameeyaan Gawaarida u socota Koonfurta Soomaaliya ayna xiraan, Lacagtana kala wareegaan Gaarigii lagu arko isagoo Lacag Shilin Soomaali ah u wada Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyada Puntland

Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyada Puntland

Wasiir Ku-xigeenka ayaa timaamay inay jiraan Dad ku hawlan inay Lacagaha Shilin Soomaaliga ah u qaadaan Koonfurta Soomaaliya kadib markii hoos u dhac baahsan uu ku yimi Sarifka Lacagta Doolarka ah ee koonfurta Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan udul qaadan doonin cidii lagu qabto iyadoo Lacag Shilin Soomaali ah u wada koonfurta Soomaaliya oo laga qaadi doono talaabada ku haboon lagalana wareegi doono Lagcagta ay wataan.

Waxa uu Ganacsatada reer Puntland ugu baaqay inaysan ku fakarin inay faaido shilin Soomaaliga yaala Puntland kaga raadsadaan Koonfurta Soomaliya gaar’ahaan Magaalada Muqdisho waxayna taasi dhalin kartaa ayuu caqabad dhaqaale oo soo food saarta Dadka masaakiinta ah ee reer Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Dawlada Puntland ayaa kusoo aadaya xili hoos u dhac baahsan laga dareemay sarifka Lacagta Doolarka ah Guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar’ahaan Degaanada Puntland oo illaa shalay hoos u dhac weyn laga dareemaayey suuqyada Puntland waxaana arinkan loo sababeeyey hoos u dhaca ku yimi Doolarka Magaalada Muqdisho.

puntlandpost.com

GAALKACAYO: Duqa Magaalada Gaalkacayo oo ka hadlay Afduubyo ka dhacay Magaalada Gaalkacayo(Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacayo: (pp)- Duqa Magaalada Gaalkacayo Axmed Cali Salaad ayaa ka hadlay dad reer Puntland oo mudo dheer afduub loogu haysto Koonfurta Magaalada Gaalkacayo iyo nin Shalay laga afduubtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo, Axmed Cali Salaad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ay Xaalado noocaan ah ka bilowdaan Gobalka Mudug gaar’ahaan Magaalada Gaalkacayo wuxuuna sheegay inaysan undulqaadan doonin in afduub loo haysto dad aan waxba galabsan.

Dhegeyso: Codka Axmed Cali Salaad 

Axmed Cali Salaad, Duqa Gaalkacayo.

Axmed Cali Salaad, Duqa Gaalkacayo.

Duqa ayaa Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Koonfurta Gaalkacayo ugu baaqay inay wax ka qabtaan dadka sida sharci darada ah loogu haysto dhankooda mudada dheer iyo isku dayga joogtada ee dadka lagu afduubanaayo oo uu sheegay shalay oo ugu dambaysay in dad lagu afduubtay Magaalada Gaalkacayo hase ahaate markii dambe la sii daayey markii ay noqon waayeen qabiilkii ay u socdeen wuxuna wax aan loo dulqaadan karin ku tilmaamay inay falal noocan ah ka dhacaan Magaalada Gaalkacayo.

Dhanka kale waxa uu sheegay inay daba geli doonaan soona celin doonaan nin shalay laga afduubtay Magaalada Gaalkacayo gaar’ahaan dhanka Puntland, waxa uu sheegay inay Ciidamada amaanku daba jiraan Dadkii ninkaas afduubtay ayna uga daba tegi doonaan meel kasta oo ay la aadaan.

Wuxuu Odayaasha labada dhinac ka codsaday inay wax ka qabtaan arimaha nocan ah oo dhalin karo xaalado khatara oo ka bilowda Gobalka Mudug, waxa uu Maamulka Koonfurta Magaalada ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad galyada Magaalada Maadama uu amaanku dan u yahay labad dhinacba.

Sadex Muwaadin oo u dhashay Puntland ayaa mudo dheer afduub loogu haystaa Koonfurta Magaalada Gaalkacayo, waxaana ragan loo haystaa nin ku xukuman dil toogasho ah oo laga soo qabtay Magaalada Gaalkacayo isagoo la sheegay inuu ku hawlanaa Falal Argagixisanimo.

puntlandpost.com

GAROOWE: Wasiirka Maaliyada Puntland oo soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinaayo mamnuucistii bacaha.

$
0
0

Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland ayaa soo saartay wareegto ay ku dhaqan galinayso xeer ay soo saareen Madaxweynaha iyo Baarlaamaanka oo lagu mamnuucay isticmaalka Bacaha iyo in la keeno Puntland, Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliya Mr Faarax Cali Shire ayaa lagu amray saraakiisha canshuuraha iyo ciidamada illaalada caanshuuraha ee jooga xuduudaha Puntland in la mamnuucay bacaha sidaa darteedna loo arko in si sharci daro ah loo galinaayo Puntland hadii la arko cid soo galinaysa Dalka.

Wasiirka Maaliyada oo soo saaray wareegto lagu dhaqan gelinaayo mamnuucista bacaha.

Wasiirka Maaliyada oo soo saaray wareegto lagu dhaqan gelinaayo mamnuucista bacaha.

Wasiirka Maaliya Puntland ayaa ugu baaqay Saraakiisha Canshuuraha iyo Ciidanka illaalada Canshuuraha inay si taxdar leh ugu illaashaan Xuduudaha,Garoomada iyo Dekadaha Puntland Bacaha aysana u ogolaan cidii lagu arko iyadoo wadata Baco in loo sii daayo si ay wadanka u gashaan, hadii la qabto waa lala wareegayaa waana la gubaayaa ayuu yiri Wasiirka Maaliya Faarax Cali Shire.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah dhawaan loogaga mamnuucay Degaanada Puntland isticmaalka bacaha, waxaana la sheegayaa inay tani katimi kadib markii la arkay saamaynta aadka u xun ee ay bacuhu ku leeyihiin degaanka.

Maahan markii ugu horaysay oo bacaha laga mamnuuco Puntland waxay ahayd xiligii Allaha u naxariiste Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii sidan oo kale bacaha looga mamnuucay Guud ahaan Puntland hase ahaate xili dhexe ayey dib usoo laabteen walow xiligii la mamnuucayba siyaabo kala duwan ay bacuhu dalka usoo geli jireen, Waxaase xaqiiq ah inay si aada u yaraadeen.

puntlandpost.com

MAQAAL: Soomali may kala xaq baxdo.

$
0
0

Maqaal:- Waxaan akhristayaasha sharafta leh  u soo jeedin lahaa, waa ogayn oo dalkeennii Soomaaliya waa joogaa , inkasta oo dawladnimadii ciriiri gashay , haddana waxaad moodaa in wali la dadaalayo sidii wax uun loo dhisan lahaa, waxaa kale oo iyana fiican in la milicsado in dadkii soomaaliyeed ee soo arkay dawladnimo , maamul iyo kala dambayn in hadda laga batay oo waxaa ka batay dad dhallinyaro ah oo aan arag wax dawlad la  yiraahdo, aan arag nidaam shaqaynaya, tusaalaha ugu fudud aan arag taraafiko shaqaynaysa oo gaarina joojinaya , mid kalana fasaxaya, cajiib!!!!.

Maqaal12

Haddaba maqaalkan aan doortay , waxaan ula jeedaa ninkii waayahaas arkay maantana jooga ,waxa uu is oran karaa malaha adaa waalane aakhiro iyo adduun kale oo waa hore la tirtiray ayaad  ka sheekaynaysaa , waxaan xasuustaa haybadii qaranimo ee aan lahayn , waxan xasuustaa sidii waddanku u horumareyey , waxaan xasustaa sidii waddanku ugu dadaalayey inay isku fillaansho gaaro, waxaan xasuustaa jaamacadihii iyo shaqooyinkii badnaa iyo firfircoonidii waddanka ka muuqatay , waxaan xasuustaa yoolkii la higsanayey , waxaan xasuustaa sidii waddanka loogu heelanaa in la maal gashado , waxaan xasuustaa wax soo saarkii waddanka iyo sidii magaalada Muqdisho  u ahayd  magaalo nolol jaban oo qof walba ku noolaan karo, waxaa kaloo lagu tiring jiray waayahaas magaalada Muqdisho magaalooyinka ugu bilicda san uguna  amniga badan dhanka qaaradda Afrika.

Ka rog oo laba saar, waxaa dhacay wax aan marna maanta laga sheekayn Karin ,  waxaa dhacay  wax lagu suureeyo qiyaame yar oo ku habsaday ummadii Soomaali la oran  jiray , waxaa la soo cunay oo maalinba mid la shitay goboladii iyo magaalooinkii waddanka, waxaa soo hadhay gebagabadii caasimadii Soomaaliya , waa Muqdisho , waxay ahayd magaalo  siraadan, oo nuuraysa , wax ma-garadkii soo weeraray waxay bilaabeen in dadkii magalada degenaa la laayo , hantidoodii sida guryaha, gawaarida , lacagta , dahabka iyo waxii mood iyo nool ah lala wareego , waa cajiib !!!!!! .

Waddankii waa lagu kala qaxay , waxaa la kala aaday bari iyo galbeed (mashriq iyo maqrib) ,waa lakala finiinay  , waana lakala irdhoobay , waxaan soo xasuustay gabay uu ka tiriyey Allaha u naxariistee Abshir Bacadle waxii mooryantii  iyo diiratadii xamar ka dhigeen , waxaa ku jiray  hal bayd oo ah “ Hala dumiyo mooyee wali daaya maan maqal”, waa la  is waayey waxaa ka dhacday magaaladii xamar  nin waloow naftaa , nabiyoow ummaddaa,  wali markaan soo xasuusto waxaan dhahaa ,taasi waxay ahayd wax mar la ina tusay oo aan soo noqonayn , waxaa kale oo lagu suurayn karaa nin mar hore noolaa oo dhintay  oo soo noolaaday oo la kulmay ummad uusan fahmayn , lana muuqaal ah, iskuna aragti ahayn , balse wadaaga magaca banii’aadam.

Haddaba ujeedkaygu waxa weeye , inaan iftiimiyo dadkii waxay noqdeen  dulmiye iyo dulmane,  kii dulmiga sameeey ee dhigay taariikhdaas madow, ee dadka laayey , ee guryahoodii,beerahoodii iyo hantidoodii dhacay , walibana dil ugu daray  , haddii waxas oo dhan oo foolxumo ah uu sameeyey ,isaga oo leh waxaan ahay reer –hebel , waxaana ka aarsanayaa reer-hebel,  haddii arrinkaas foosha xun aad samaysay dulmiyoow  ,wali ma ku soo dhacday maskaxdaada inaad dadkii aad ka gashay dulmigaas aad la kulantid, oo aad haddii aad aakhiro iyo adduun dambe rajo aad ka qabtid , aad waxii hanta ah ee aad ka haysid aad u celisid, waxii dulmi aad ka gashay aad waydiisatid cafis , inaad naftaada aakhiro u danaysid oo aad ka xalaalowdid waxii xumaa ee aad adduunka dushisa ku samaysay , waa yaabka yaabkii e  , dadbaa wali arrintaas sideedii  u haysta ,oo moodaya hantida ama guryaha ama beeraha ay dhaceen ee wali qaarkood  haysto inay tahay qaniimo gaalo laga helay,  waxaan u naseexayn lahaa dulmiilowgaas oo aan  oran  lahaa , waxaa dambaysa  maalin la is waydiin doono , xoolaha aad haystay xaggee ka keentay, ma xalaal bay ahaayen mise xaraam , xageesa ku bixisay ?  su’aalo adag ayaa ka horreeya dhammmaan bani’aadamka , kii dulmi galayna isagu waa ka sii daranyahay xagga su’aasha ,haddii ay ku caddaato inuu dad islaameed dulmay  oo xoolohoodii xalaashaday , maalintaas ilaahay agtiis waji uma yaallaan aan ka  ahayn in la  tiimbiyo naar daran oo dad iyo dhagax looga dhigayo shidaal lagu huriyo .

 

Gabagabo:

Waxaan oran lahaa Soomaaliyeey  haddii caqli iyo maskax shaqaynayso ,waxaa la rabaa in dib la isugu noqdo , oo qof walba naftiiisa xisaabiuyo inta aan la xisaabin, oo  yiraahdo maxaa xagaaga ku  maqan naf iyo maal intaba, dabadeedna raadiyaa waddadii uu uga xalaaloobi lahaa, waxaan dhihi lahaa arrinkaas waxaa qayb libaax ka qaadan kara isimada , nabadoonada , culimada iyo wax-garadka kale , laakiin haddii lakala aamuso oo nina nin  wax u sheegay , taas waxaa loo fasiran karaa inaan waxba dhicin, haddaba gunaanadkii maqaalkayga waxaan ku soo goyn lahaa , haddii aynaan is indha-tirayn , nin waliba waa ogyahay  kii wax gaystay iyo kii loo gaystay , balse intaan nafta yar laysugu imaan , waxaan oran lahaa war soomaaliyeey aan kala xaq baxnno , oo kii wax ka maqanyihiin waxiisa ha loo celiyo , oo kii wax tabanaya halaga shaafiyo waxa uu tabanayo , oo kii la tuhunsanyahay ha iska beri  yeelo tuhunkaas . sidaas waxaa ku dhismi karta bulsho caafimaad qabta oo isu laab-xaaran , taas ayaa horseedi karta in ay dhacdo dib u heshiisiin caam oo ka taaba qaadda waddanka oo dhan, war ma waxan ka liidannaa South Africa iyo Rwanda oo ka heshiyey  dhabar-jabkii  ka dhacay siyaasadii midab-takoorka iyo xasuuqii 1994 , ee bal aan arrimaheenna hoos u fiirinno, oo aan is xisaabinno inta aan la ina xisaabin ( waa hadalkii iyo dardaarkii  khaliifkii caadilka ahaa ee Cumar Binu-khadhaab, ilaahay haka raalli noqdee).

 

Mahadsanidin.

 

Wabillaahi towfiiq:

W/qoray:

C/qaadir C/khadar Nuur, Email: Abdulkadir.nuur@gmail.com

 Tel; 00252-90-794010 Puntland, Somalia. 

GAROOWE: Ra’iisul W. DF ee Soomaaliya Ayaa Khudbad Dheer Ka Jeediyey Golaha Baarlamaanka Puntland Kormeerna Ku Tagay Xarumo Kala Duwan (Faah-faahin + Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo waftigii uu hogaaminayey oo maalintii labaad booqasho ku joogo maamul gobleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu booqasho ku soo kala bixiyey xarumo kala duwan, sida Wasaaradaha Cadaaladda, Caafimaadka, Xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo Madaxtooyada Cusub oo dhismaheedu marayo heer gaba gabo ah.

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, isagoona aad uga hadlay Ahmiyada ay leedahay wada jirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoona xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujiyo loo xaliyo si hoose.

Daawo Sawiro badan

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale DSC05100 - Copy DSC05101 - Copy DSC05106 - Copy DSC05109 DSC05115 DSC05124 DSC05129 DSC05131 DSC05135 IMG_3344 IMG_3349 IMG_3362 IMG_3367 IMG_3369 IMG_3370 IMG_3378 IMG_3407 IMG_3423 IMG_3426 IMG_3434 IMG_3447 IMG_3470 IMG_3471

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo hadal qaaday arimaha Federaalka isagoona tilamaamay in Puntland ay mudan tahay in looga daydo sida ay u xasiliso arimaheeda gudaha iyo sdii ay udub dhaxaad ugu noqon lahayd sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaam ku salaysan federaalisam, Puntland dhankeedana looga baahan yahay in ay muujiso sidii Soomaaliyada cusub ugu noqon lahayd tusaale fiican marka laga hadlayo arimaha maamul wanaaga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ku aamany Maamulka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhabar adaygeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa KMG.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay cunaqabtayta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna yiri. ”Guul ayeey u tahay dhamaan umadda Soomaaliyeed, hadiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u cadaynaynaa in siyaasada dowladu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo qaranimada Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay ku dadaalan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen siyaasada ku dhisan dimuqraadiyada, loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad waqtiga loo gudbayo dhismaha maamul ay dadku soo doortaan, ayn amumiih tahay in lagu xaliyo khilaaf kasta oo yimaada wada hadal.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdi Zamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah ku soo kala bixiyeye qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo Xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee puntland oo dhisme balaaran ka socdo.

Isha Warkan : xafiiska raiisal wasaaraha

Puntlandpost.com

Viewing all 20982 articles
Browse latest View live