Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 20991 articles
Browse latest View live

QISO CAJIIB AH:-Xoolaha abaartu ku hayso baadiyaha QARDHO

$
0
0

Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa kula kulmay tuulada la yiraahdo ADEEGO oo ka tirsan Degmada Qardho ee xarunta Gobolka KARKAAR qiso cajiib ah oo ku saabsan Duqa magaalada Qardho oo gacmihiisa ku waraabinaya mid ka mid ah xoolaha magacooda la yiraahdo Idaha oo Oon/Haraad darteed dhulka uga kici wayday.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada inay ka gacan siiyaan culays baaxad weyn leh oo ay soo saareen deegaano hoosyimaada maamulkiisa qoysas fara-badan oo dib uga soo hayaamay deegaanadii kal hore loo naq raacay.

Gudoomiye Cabdi Siciid ayaa faahfaahin ka bixiyay meesha ay cuskanayso xaajadu iyo dadaalka maamulkiisu ugu jiro dejinta iyo samata bixinta dadka iyo duunyada la dacdareysan abaaraha adag ee ka jira Gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Degmada Qardho.

Dhinaca kale Cumar Maxamed Jaamac oo ka tirsan masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Puntland (PSAWEN) ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin biyo dhaanka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaruhu.

Daawo qiso cajiib ah

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post QISO CAJIIB AH:-Xoolaha abaartu ku hayso baadiyaha QARDHO appeared first on Puntland Post.


Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maqribnimadii caawa abaarihii 05:55 daqiiqo waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 5-ruux oo shacab ahaa oo sida la sheegay ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ee Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka sida goob-joogayaal ay u sheegeen warbaahinta.

Dadka dhintay ayaa waxaa u badnaa Haween iyo Caruur madaada goobta lagu gadayay qaad, sidoo kale waxaa ka ag dhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladdaa Federaalka Soomaliya oo ka howlgala Koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.

Gaariga Qarax ayaa la sheegay in uu ahaa kuwa raaxadda ah waxaana la sheegay in bartilmaameedka uu ahaa dhanka xarunta
Madaxtooyadda Soomaliya ee Villa Somalia waxa uuna ku qarxay koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.

Talisyadda amniga Nabad Sugida iyo Booliska Gobolka banaadir ayaa goobta gaaray waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Hay,adda KULMIYE oo deeq siisay 3,690 qoys oo ku nool Gobolka Nugaal

$
0
0

Hay,ada Gargaarka ee Kulmiye ayaa 3690 qoys oo ku nool ilaa 30 tuulo oo ka tirsan gobolka Nugaal oo ay ku nool yihiin qoysas fara-badan oo ay saamaysay abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya ayaa u qeybisay deeq raashin ah oo mucaawino ah.

Munaasabad lagu daah-furay deeqdaan oo ka qabsoontay deegaanka Kala-beyr oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Garowe, waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan gollaha Deegaanka Garowe, Maamulka Kalabeyr iyo Qaar ka mid ah qoysaskii loo qeybinayay Mucaawimada.

Hay,adda KULMIYE ayaa qoys walba siisay Card lacag ku jirto oo ay ula tagayaan Bakhaar ama Goob ganacsi oo ugu bedelaysa nooc walba oo ka mid ah raashinka ay u baahan yihiin Qoysaskani.

Axmed Yaasiin Owcali oo ah Agaasimaha Hay,adda kulmiye ayaa ugu horeyn ka bixiyay sharaxaad habka casriga iyo deeqda ay ku bixinayaan kaararka, wuxuuna sheegay in mashruucani ay ka hirgalinayaan ilaa 30 tuulo oo ka mid ah Gobolka, Isagoona ugu baaqay qoysaska inay ku qaataan raashin nafaqo leh.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Garowe oo goobjoog u ahaa munaasabada lagu daahfurayay deeqda ayaa uga mahadceliyay Hay,adda KULMIYE sida ay isaga xilsaartey soo caawinta iyo gacan qabashada walaalahooda dhibaatadu kazoo gaartey Abaarta ka jirta Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Tuulada Kala-beyr ayaa balanqaaday inuu si cadaalad ah u maamuli doono raashinkaan, wuxuuna tilmaamay inay kusoo beegantay deeqdu xilli loo baahnaa

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Hay,adda KULMIYE oo deeq siisay 3,690 qoys oo ku nool Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed

$
0
0

Madaxweynah dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay meel mariyaan golaha Wasiirada cusub ee uu Ra’iisul wasaare Kheyre shalay magacaabay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in golaha Wasiirada cusub ay yihiin kuwa ka soo bixi karo howlaha loo idmaday, isla markaana Xildhibaanada golaha Shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Wasiirada cusub, si looga wada shaqeeyo xoojinta Amniga iyo ka hortaga falalka argagixisadu ay kula beegsanayso Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan in ay u gaargaaraan walaalahooda Abaartu saameysay, isogoo Beesha Caalamkana ugu qaaabay in ay soo dadajiso kaalmada ay ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in argagixisadu ay dhibaato ku hayso Shacabka dowladuna ay xooga saari doonto sidii kooxahaas laaga cirib tiri lahaa dalka Soomaaliya.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Dalka

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Marcha 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Casimada Dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo cashacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey guulo lixaadle oo ay ka soo gaadheen safarkoodii, isagoona shaagay wadahadal ay la yeesheen Dalka Itoobiya ay ka guul gaadheen laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhowaan labilaabo doono labadaasi mashruucba.

‘’aniga iyo wefti Balaadhan oo aan hogaaminayey waxaanu mudo kooban ku maqnayn dalalka Itoobiya iyo imaaraadka, halkaas oo aanu ka soo hoyney guulo waawayn, waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl  waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba’’

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa nuxurka safar kaasi balaadhinta mashruuca dekeda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.

‘’waxaan kaloo tagnay Dalka isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo aanu u tagnay mashruucii balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso,  hawshaasina meel fiican ayay maraysey, waxaana uga soo tegey wefti uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, waxaan illahay ka rajaynayaa inuu guul ku soo dhameeyo’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey Ciidamada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka bada Puntland  ‘’PMPF’’guushii ay ka gadheen soo qabashada markabkii dhowaan la af-duubtay, waxaana uu mahad iyana u soo jeediyey Dawladda Imaaraadka oo iyagu gacanta ku haya ciidanka Bada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa marlabaad ugu Tacsiyeeyey   Shacabka Puntland, eheladii qarabadii, qoyskii, asxaabtii iyo  gaar ahaan Baarlamaanka Puntland geeriddii alle ha u naxariistee xildhibaan Cabdiqaadi Faarax Bootaan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaagay in Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso dhamaystirka dhimaha DFS isla mar’ahaantaana Balanqaaday in ay si dhaw ula shaqaynayso Dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Dhegayso Codka Madaxweynaha:-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

The post Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Dalka appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

$
0
0

Madaxweynaha dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabnimadii maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga uu hogaaminayo oo ay ka mid ahayd Marwada Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta International ku soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu marti qaad ka helay dhigiisa dalka Kenya, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galidoonaa shirka IGAD oo maal maha soo socda ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Abaarta ka jirta Soomaaliya.

Waa safarkii Labaad oo uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka dibadiisa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Itoobiya oo Labo Mashruuc ka hirgalin doonta Puntland

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, ka dib safar 10 cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Imaaradka carabta ayaa sheegay in ay ku soo guulaysteen Labo Mashruuc oo dowlada Itoobiya ka hirgelin doonto Puntland.

Labada Mashruuc ee Itoobiya ka hirgalin doonto Puntland ayaa Madaxweynuhu ku kala sheegay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo iyo Wado Laami ah oo isku xidhidoonta Garowe iyo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay in ugu danbeyn bisha May ee soo socota ay bilaaban doonaan labadaas Mashruuc.

‘’Waxaan shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl  waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba’’ sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas iyo Amiir Suldaan

Bishii April ee sanadkii la soo dhaafay ee 2016-kii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Maal-qabeenka weyn ee ka soo jeeda Boqortooyada Sucuudiga Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud waxay kala saxiixdeen Mashaariic dhowr ah oo uu ka mid ahaa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, Deked laga dhisilahaa degmada Garacad ,Waddo Laami ah oo isku xirilahayd Garacad iyo Goldogob iyo Warshado Kaluun oo laga hirgalinlahaa deegaanada Xeebaha Puntland, laakiin mashaariicdaas oo dhan ma’aysan hirgali iyadoo aan lagaranayn sababaha ay ku hirgali waayeen.

Shacabka Puntland ayaa ka dhursugayaa Mashaariicdan Madaxweynuhu sheegay oo ah mashaariic aad muhiim ugu ah Puntland hadii ay hirgalaaniin.

Liban Yusuf.

PUNLAND POST

 

 

The post Itoobiya oo Labo Mashruuc ka hirgalin doonta Puntland appeared first on Puntland Post.

Kulan sanadeedkii Guud Ee Bahda Jaamacadda Bariga Afrika Oo Ka Dhacay Magaalada Bosaso.

$
0
0

Kulanka oo muddo la qorsheenayey ayaa ak dhacay hool,shirarka ee jaamacadda Bariga Afrika.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid ardayda loogu xog-waramayey lana wacyi geliyo, iyadoo warbixin dheer uu kulanka ka soo jeediyey gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Barig Afrika Maxamad Maxauud Ciise.

Sidoo kale waxaa kulanka warbixin dheer ka jeediyey Prof. Cabdi Salaan Ciise Salwe iyo madaxa arriaha ardayda Axmad Maxamad Faarax waxa ayna si qoto dheer uga hadleen guulaha jaamacadu gaartay iyo xirirkeeda wax ku oolka ah .

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saray qorshaha iyo hiigsiga jamaacaddaiyadoo goobta lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo la xiriira kulyadaha jamaacadda.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa shahaado sharafyo la gudoonsiiyey maamulka iyo macallimiinta jamaacadda.

Barnaamij tjaabi nasiibkaada oo hadiyo kale duwan lagu helayey ayaa sidoo kale kulanka bar-bar socday.

Ugu dambeeyn aradyada ayaa lala wadaagay qorshe howleedka cusub ee xafiiska arrimaha ardayda.

Cabdiqani Boos

The post Kulan sanadeedkii Guud Ee Bahda Jaamacadda Bariga Afrika Oo Ka Dhacay Magaalada Bosaso. appeared first on Puntland Post.


London: Booliska oo sheegay in weerarkii Westminster uu xiriir la lahaa Daacish

$
0
0

Booliska dalka UK ayaa sheegay in weerarkii Xalay lagu qaaday buundada Wesminster iyo banaanka hore ee xarun baarlamaanka dalkaas oo ay ku dhinteen 5 ruux ay ku dhaawacmeen 40 kale ay u badanthay in  uu xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka Argagixisada dalkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in ay garanayaan dharka uu qabay qofka weerarkaas geestay, balse ma uusan sheegin magaciisa, Laakiin qaar ka mid ah Warbaahinta UK ay qoray in ninkaasi uu kasoo jeedo Qaarada Aasiya ayna da’diisa tahay 40-sano jir.

Theresa May oo ah haweenayda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka UK oo marka weerarku dhacay ku sugnayd xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah oolagu qaaday Diquqraadiyada iyo Xoriyadda dalka.

Qofka weerarka geestay ayaa Toorey ku dilay Askari Boolis ahaa oo lagu magacaabi jiray Keith Palmer oo 48 jir ahaa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST

The post London: Booliska oo sheegay in weerarkii Westminster uu xiriir la lahaa Daacish appeared first on Puntland Post.

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo maanta looga hadlay Arrimo Muhiim ah

Xusuustii Xumayd “Daawo Abaarta ka jirta Puntland”

$
0
0

Ka dib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo  Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ku maray deegaano ka tirsan Gobolada Puntland waxa u suuro gashay inuu la wadaago dadweynaha Warbixin muuqaal ah oo si dhab ah uga hadlaysa xaalada iyo dareenka ka jira miyiga iyo tuulooyinka ku yaala deegaanada Puntland oo ay saameyn xoog leh ku yeelatey abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Meel ma dayan barakaca reer miyigu, waxaana ku arkeysaa tuulo walba, banaan kasta iyo jidadka gadiidku maro boqolaal qoys oo is dhinac dhigtay aqal Soomaaligii dalkeenu caanka ku ahaa kuwaas oo u muuqaal eg sidii qaxootigii ama kaamamkii barakacayaasha ee magaalooyinka ku yaalay oo kale .

Qoysaskaan ayaa ah dadka ku cayroobay abaaraha xiriirka ee muddo ku dhaw 4 sano ka jiray inta badan deegaanada Puntland, Waana kuwo aan habayaraatee haysan xoolo iyo hanti ay quutaan midna, waxaana lagu sifeyn karaa inay yihiin kuwo u baahan gurmad deg deg ah oo leh cunto,biyo,caafimaad iyo hooy ama gabaad dhaxanta ay ka dugsadaan.

Wakaalada Puntland u qaabilsan biyaha oo door muhiim ah sanadka ka ciyaaraysa gurmadka biyo dhaanka dadka abaaruhu saameeyeen ayaa lagu arkaa warbixinta doorka muhiimka oo gurmadkani ku leeyihiin gadiidkii dhawaan Dowlada Puntland usoo iibisay in loogu biyo dhaamiyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga iyo tuulooyinka.

Daawo Warbixin xiiso leh.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xusuustii Xumayd “Daawo Abaarta ka jirta Puntland” appeared first on Puntland Post.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis kala saxiixday

$
0
0

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maanta kulan kuwada yeeshay qasriga madaxtooyada Magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa gaaray heshiisyo dhinacyada Labada wadan ah.

Hoos ka Aqriso

1- Heshiiska labada dal u dhaxeeya ee (Joint Commission Cooperation) JCC oo la cusboonaysiinayo.
2- Laba toddobaad gudahood oo duulimaadyada Mog-Nairobi dib loo billaabayo (Wajeer lama soo maraayo)
3- Baasaboorrada Service iyo Diplomatic ee Soomaaliya oo visaha Kenya lagu siin doono ON ARIVAL ama garoommada Kenya.
4- Kastamka Xudduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere oo dib loo furi doono. Iyo arrimo kale.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Dhalinyarada Puntland Iyo Kuwo Ka Socdey Maamul goboleeyada DFS.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa fiidkii 23 March 2017 kulan kula yeeshay Qasrisriga Madaxtooyada Garoowe dhalinyara Puntland iyo dhalinkale oo ka socotey Maamul goboleedyada DFS.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehilinaayey Wasiirka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dawladda Puntland , Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ku soo dhoweyey Madaxtooyada Garoowe dhalinta ka socotey gobolada Puntland iyo maamul goboleeyada DFS, waxaana uu madaxweynuhu dhalinta ka daadejiyey muhiimadda ay leedahay isdhexgalka iyo wadashayqayta dhalinta Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in uu gogol xaadh u yahay kulankoodu soo celinta qaranimo Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Guulweyn ku timaamay in ay Dawladda Puntland Martigeliso Shirweynaha Dhalinta Soomaaliyeed hormuudna unoqoto bilawga isdhexgalka dhalinyarada, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaarada Shaqada Iyo shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dawladda Puntland oo suura gelisay qabsoomida Shirkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku dheeraday waxqabadkii  iyo wax tarkii dawladii dhexe ee Soomaliya, isagoona sheegay inay ahayd mid dhaxal wanaagsan oo lagu dayan karo uga tagtay ummaada Soomaliyeed, isla mar ahaantaana waxaa uu dhalinta ku booriyey inay u istaagan sidii ay uga shaqayn lahayeen isusoo dhoweynta shacabka Soomaliyeed ee walaalaha ah ugana hawl geli lahaayeen horumarkooda.

Ugu danabayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta shirka dhalinyarada Soomaliyeed ee ka qabsoomay magaalada Garoowe, waxaana uu Illaahay uga baryey inuu u rumeeyo dhalinyarada hiigsigooda, hidisahooda, hamigooda iyo hanashada dib usoo celin qaranimo Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

 

 

 

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Dhalinyarada Puntland Iyo Kuwo Ka Socdey Maamul goboleeyada DFS. appeared first on Puntland Post.

Hooyo 3 ilmood ku dhashay deegaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug

$
0
0

Hooyo Soomaaliyeed ayaa saddex ilmood ku dhashay deegaanka Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug, sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Aabaha caruurtaan Cabdirasaaq Shire Axmed oo hadda isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo kula jira caruurta iyo hooyadii dhashay.

Cabdirasaaq Shire Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka Bursaalax Islamarkaana ah Aabaha ay isku mar u dhasheen saddexda ilmood ayaa sheegay in labo ka mid ah caruurta dhalatay nooshahay, halka uu midna dhintay ka dib fooshii hooyada dhashay saddexda caruurta.

Waxa uu intaas ku darey Cabdirasaaq oo wareysi siiyay warbaahinta PUNTLAND POST inuu ku faraxsan yahay Mataanaha saddexda caruurta ee u dhashay, wallow uu sheegay in hooyada dhashay ay kasoo martey dhib badan, Islamarkaana uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka gacan siinaysa la tacaalida xaalada caafimaad ee hooyada iyo caruurta ay dhashay oo hadda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Waa markii ugu horeysay deegaanada Puntland oo qof dumar ah ay isku mar dhasho saddex caruur ah, wallow maalmo ka hor dhacdo tan la mid ah hooyo kale oo Soomaaliyeed saddex caruur ah ku dhashay magaalada Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aabaha 3 ilmood ugu dhalatay deegaan hoosyimaada Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Hooyo 3 ilmood ku dhashay deegaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Garowe:-Samafale Ardey ah oo kasoo jawaabtay balanqaad

$
0
0

Gabadhaan da,yarta oo ka mid ah dhalinyaro u istaagay inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay sameeyeen abaaraha ka jira deegaanada PUNTLAND ayaa kasoo jawaabtay balan-qaad mar sii horeysay ay isugu qortay lacag dhan 1,000 (Kun dollar) oo ay sheegtay inay qaadanayso gurmadka abaarta.

Maariya Shire Axmed oo ka tirsan Ardeyda Jaamacadda PSU waxay sheegtay inay ku dhiiri galiyeen kasoo jawaabida balanqaadkeeda qeybo badan oo ka tirsan bulshada iyo qoyskeeda,Waxayna ku wareejisay xubno ka tirsan Guddiyadda Samafalayaasha lacag ka badan intay balan-qaaday Maariya oo ah gabadh da,yar oo misana ah ardey aan shaqeyn.

Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yuusuf (Tigey) oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Samafalayaasha gurmadka abaaraha iyo Fartuun Cali Liig oo ka tirsan Ururka Gabdhaha Gobolka Nugaal ee (GOL_NUGAL) ayaa si wada jir ah uga gudoomay Maariya deeq lacag ah oo ay usoo aruurisay in lagu taakuleeyo dadka ku nool baadiyaha iyo tuulooyinka.

Waxayna safka horre ka gashay Maariya Shirre Axmed dhalinyarada Samafalayaasha ah oo si iskood ah ugu istaagay sidey u caawin lahaayeen dadka abaartu saamaysay. …

Daawo Maariya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Garowe:-Samafale Ardey ah oo kasoo jawaabtay balanqaad appeared first on Puntland Post.


Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Lagu weeraray Muqdisho

$
0
0

Waxaa kooxo hubeysan habeenki xlaey ahaa ay qaraxyo ku weerareen Guri Muqdisho uu ka degen yahay xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow.

Guriga qaraxyada lagu weeraray oo ku yaalla Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaan la ogeyn ilaa haatan qasaarha ka dhashay.

Qaraxyada oo labo ah ayaa la sheegay in lagu tuuray hoyga xildhibaanka ragi falkaas geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaco falal qaraxyo iyo dilal ah oo loo geeysto Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Lagu weeraray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Burcad ku Afduubtay Biyaha Degmada Eyl Dooni uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ah

$
0
0

[Puntland Post] Wararka Naga soo gaaraya Xeebaha Degmada Eyl Ee Gobalka Nugaal ayaa waxa ay sheegayan in Dooni magceedu yahay Casar, oo uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ay Burcad Badeed Soomali ah ay  ku afduubteen Biyaha Deeganka Marya oo ka tirsan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal .

Sida ay u Xaqiijiyeen  Qaar kamid ah odayasha Deegankasi warbaahinta Puntland Post.

Lama oga halka ay la Aadeen Doonta Burcada Afduubtay balse odayasha Deeganku waxa ay sheegen in dhinaca Badda wanta ay u kaxaysteen.

Dhawaan ayey ahad markii Burcad Badeed Soomali ah ay ku afduubteen Biyaha Soomaliya Markab laga leeyahay dalka Siralanka Balse markii danbe ay Gacanta ku dhigeen Ciidmada Badda Puntland .

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaal dalal badan oo caalamka ah iyadoo qaarkood ay ku xukuman yihiin xabsi daa’in halka qaar kalana lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya 5 sano illaa iyo 30 sano.

Lasco wixii soo kordha insha Allah Puntland Post

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

The post Burcad ku Afduubtay Biyaha Degmada Eyl Dooni uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ah appeared first on Puntland Post.

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay qarax khasaare geeystay.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa ouu  ka dhacay inta u dhaxaysa Maqaaxida Buundada  iyo Hotelka Naasa-hablood 2 ee muqdisho waxaana loo adeegsaday gaari yar oo nooca raaxada ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ahayd goob mashquul badan oo xilligaa ay ku sugnaayeen dadyoow kala duwan,waxaana sidoo kale ay ahayd goob Busteejo ah oo baarbuurta laga raro.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma xaqeejin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi hayeeshee Dad lagu kalsoonaan karo oo goobtaasi ku sugnaa xiliga Qaraxu uu dhacay ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Dhimashadu ay gaareeyso 10 Ruux ugu yaraan.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Roobab Caawa Ka Da’aya Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya

$
0
0

Xili Abaaro ba’an oo loo bixiyay Abaartii Sima ay ka jirto dalka Soomaaliya islamar kaasina magacaasi Sima loogu bixiyay kadib markii Abaartaan ay Sintay dhamana Gobolada Dalka Soomaaliya.

Roobab ayaa caawa ka Da’aya qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin meelihii sida weeyn ay Abaarta uga jirtay.

Qeeybo kamid ah Roobka ayaa ka da’aya Caawa Gobolada Baay, Bakool, Sh/hoose , Sh/Dhexe iyo Gobolka Galgaduud.

Meelaha uu Roobka ka da’ayo waxaa kamid ah  Degmada Mahadaay iyo Deegaanada hoostaga oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Magaalada Baydhabo oo ka tirsan Gobolka Baay iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka Caawa Cadaado ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu Xoogaa roob ah ka da’ay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Roobab Caawa Ka Da’aya Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Faysal Qaran oo loo doortay Gudoomiyaha Dallada PUNSAA

$
0
0

Shiweynihii 5aad oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Garowe dalladda daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA waxaa maalintii shalay lagu doortay Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ka dib doorasho ka qabsoontay shalay magaalada Garowe.

Dr Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaano Faysal Qaran ayaa loo doortay Gudoomiyaha cusub ee dalladda labada sanno  soo socota waxaa ku guulaystey wareegii  labaad Faysal Qaran oo 53 cod  kaga guulaystay gudoomiyihii horre ee Dalladda Nuur Shire Cismaan oo helay 42 cod, Iyadoona guud ahaan tirade ergada codaynaysay ay ahayd 95 xubnood.

Sidoo kale waxaa loo doortay Gudoomiye kuxigeenka dallada PUNSAA Mustafe Cabdulaahi Cabdi oo ka mid ahaa guddiga joogtada ee dalladda, xilli uu diidayo xeer hoosaadka dalladu inay mar kale isa soo sharaxdo Gudoomiye kuxigeenkii horre ee dallada Saynab Ismaaciil .

Gudoomiyaha cusub ee loo doortay dalladda PUNSAA waa shaqsi magac iyo maamuus ku leh deegaanada Puntland, Sidoo kalena ah khabiir wax badan ka qabtay dhanka arrimaha caafimaadka, Isagoona mudooyinkii u dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha samafalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dalladda PUNSAA waxaa la asaasay sanadkii 2005-tii waana dallad kulmisa, xiriirisa Ururadda bulshada rayidka ah,Ganacsatadda,Xirfadlayaasha iyo Ururada Nabadoonada, Waxayna ka shaqeysaa horumarinta xuquuqul iinsaanka, Dimuqraadiyadda iyo Deegaanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Faysal Qaran oo loo doortay Gudoomiyaha Dallada PUNSAA appeared first on Puntland Post.

Viewing all 20991 articles
Browse latest View live