Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 20991 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Amaanka uga Warbixiyay Xaaladda Soomaliya

$
0
0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa qadka taleefanka waxa uu ugu qeyb galay shirka Gollaha amaanka oo looga hadlay xaalada bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay in doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay dalka si nabad ah u dhaceen, isaga oo intaa ku darray in taariikhda inta la xasuusto haweenka Soomaaliyeed baarlamaanka ku leeyihiin 30%.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaliya ayaa Golaha amaanka ee qaramada midoobay u sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida siiyaan gollaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

‘’Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in baarlamaanka uu meel marin doono gollaha cusub ee wasiirada si aan wada jir u bilaawno howsha la dagaalanka abaarta darran ee dalka ka jirta’’ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa soo hadal qaaday abaarta xoogan ee xiligaan ka jirta Golada dalka Soomaliya taasi oo sababtay in dadka badan ay gaajo u dhintaan

‘’Waxaan si naxriis leh u weydiisaneynaa dhamaan kuwa taageera aritan in ay gacan ka geystaan, ma’aha oo kaliya in ay Soomaalidu xasuusan doonto saacidaadiina, laakiin waxaa ay noqon kartaa arin taariikhi ah’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Amaanka uga Warbixiyay Xaaladda Soomaliya appeared first on Puntland Post.


Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta ka Furmaya Nairobi

$
0
0

Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya ayaa  maanta Waxaa lagu Wadaa in uu ka Furmayo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa ka soo qeeybgalaya inta badan Madaxda Wadamada Urur Goboleedka IGAD iyaga oo qaarkood ku sugnaa Maalmahaan Nairobi.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa looga hadlayaa arimaha abaaraha Soomaaliya iyo Taageerada isbadalka iyo Dowlada cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah Madaxda kamid ah IGAD ee Shirkaasi ka qeeybgalaya kaasi oo ku sugan iminka Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan Qodobo wax looga qabanayo Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah madaxda wadamada urur goboleedka IGAD.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta ka Furmaya Nairobi appeared first on Puntland Post.

Madaxweynihii Dalka Masar Xusni Mubaarak oo Xabsiga laga sii daayay

$
0
0

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray Waxaan alagu eedeeyay in uu sabab u ahaa dad badan oo uu dhintay iyaga oo isaga taageerayay.

Mubaarak ayaa waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado loo heeystay iyo leeyn Dadweeyne Markii xilka laga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

Waxaa xusid mudan in wali dalkaasi ku xiranyahay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamud Mursi oo loo heeysto isna Dilal Dad rayid ah iyo Aas aasida kooxda Akhwaanul Muslimiin oo dalkaasi looga aqoonsaday koox Arga gixiso

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Madaxweynihii Dalka Masar Xusni Mubaarak oo Xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.

Xildhibaan katirsan Gal-Mudug oo la jirdilay

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Xasan Geele oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Gal-Mudug dhanka kalena ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Gal-Mudug ayaa maanta waxaa lagu jirdilay magaalada Cadaado.

Illo wareedyo ayaa  xaqiijiyey in jirdilka Xildhibaanka ka dhalatay dood xoogan oo ka dhalatay xilliga la qabanaayo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa hadda la dhigay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Cadaado halkaasi oo lagu dabiibayo.

Hoos ka Daawo Xildhibaanka iyo jirdilkiisa.

The post Xildhibaan katirsan Gal-Mudug oo la jirdilay appeared first on Puntland Post.

Jawaari:-“Kheyre dib ha ugu laabto Golihiisa Wasiirada Ka hor inta uusan hor keenin Baarlamaanka”

$
0
0

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari ayaa qoraal uu u direy ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu kula taliyay in uu dib ugu laabto golihiisa wasiirada kahor inta aysan ka dhamaan xilliga la horgeynayo Baarlamaanka.

Qoraalka uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka ra’iisal wasaare Kheyre oo nuqul ka mid ah soo gaaray Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxaa ku lifaaqan qoraal ay 104 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kuwaasoo ku dhaliilay ra’iial wasaare Kheyre inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5.

 

The post Jawaari:-“Kheyre dib ha ugu laabto Golihiisa Wasiirada Ka hor inta uusan hor keenin Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.

Garowe:-Xaflad lagu sagootiyay maamulkii horre ee dalladda PUNSAA

$
0
0

Waxaa maanta loogu qabtay magaalada Garowe xaflad lagu sagootinayo Gudoomiyihii horre dalladda Ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA Nuur Shire Cismaan iyo Kuxigeenkiisii Saynab Ismaaciil, Sidoo kalena lagu soo dhaweynayo Gudoomiyaha cusub ee  dalladda  Dr Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) iyo Kuxigeenkiisa Mustafe Cabdulaahi Cabdi.

Xafladaan oo si qurux badan uga qabsoontay xarunta dalxiiska HIDO RAAC oo ku taala duleedka galbeed ee magaalada Garowe waxaa kasoo qeyb galay xubnaha dalladda Puntland ee labada guddi, Islamarkaana ay goob joog u ahaayeen Gudoomiyaha cusub iyo kuxigeenka loo doortay dalladda PUNSAA, Gudoomiyihii horre iyo Kuxigeenkiisa.

Gudoomiyihii horre ee Dalladda PUNSAA Nuur Shire Cismaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada maalin ka hor ay ku guulaysteen hogaanka cusub ee dalladda Dr Faysal Qaran iyo Mustafe Cabdulaahi, wuxuuna balanqaaday inuu la shaqeyn doono.

Dr Faysal Axmed Warsame Gudoomiyaha cusub ee dalladda ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA oo isagu qabtay xafladaan ayaa u mahadceliyay dhamaan xubnaha dalladda iyo maamulkii horre, wuxuuna ka codsaday inay gacan ku siiyaan sidii loola shaqeyn lahaa hogaanka cusub ee dallada.

Xafladaan ayaa ahayd mid fasireysa qaabka ay ku dheehan tahay dimuqraadiyadu Islamarkaana sawir ka bixinaysa habka isaga raali ahaanshaha isbedelka, waana mid ay niyad sami iyo qanacsanaan buuxda ku muujiyeen dhamaan masuuliyiintii xilalka ku kala guulaystey ee dalladda ururada aan dowliga ahayn PUNSAA

Daawo Sawirada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Garowe:-Xaflad lagu sagootiyay maamulkii horre ee dalladda PUNSAA appeared first on Puntland Post.

Statement by the President of Somalia On Special Summit of IGAD Heads of States and Governments on Protection and Durable Solutions of Somali Refugees

$
0
0

Excellences and distinguished delegates:

Presidents, Prime Ministers and Vice Presidents of the IGAD Member States;
I would like to take this opportunity to thank H.E. President Uhuru Kenyatta, President of the Republic of Kenya for hosting this special Summit on Durable Solutions for Somali Refugees.

I would also like to thank the head of the UN High Commission for Refugees, H.E. Filippo Grandi and Ambassador Alex Rondos of the European Union for co-organizing this important event.

Most importantly, I want to express my deepest gratitude to the people and governments of IGAD member states and Yemen, who collectively host more than one million Somali refugees in their countries. Your generosity to my people at the time of their greatest need is immensely appreciated. On behalf of my people, we are eternally grateful to you.

Distinguished Guests; Ladies and Gentleman:

I take this opportunity to commend you for the commitment you have demonstrated by attending this important summit, which renews attention to the plight of Somali refugees and IDPs, considered to be one of the most protracted problems in the world.

This summit is the culmination of a series of meetings and side events intended to bring to the attention of the world, the magnitude and complexity of the Somali refugees and IDPs. I refer here to a few of those meetings:
The High Level Global Initiative on Somali Refugees in Geneva in 2013, followed by the one in Addis Ababa in August 2014 which resulted in the Addis Ababa Commitment by the countries in the region hosting Somali refugees.

These commitments were also highlighted at the High Level Partnership Forum held in Mogadishu between 29-30 July 2015, the High Level side event on Somalia held at the margins of the General Assembly in New York on 28 September 2015, the General Assembly meeting and September’s Commitment to Refugee Response Framework (CRRF) and its side event on Somali refugees, and lastly, the IGAD meeting held in Mogadishu on the 13th September 2016 and its resolution to hold this Special Summit.

These commitments and those entered into within the Tripartite Agreement of November 2013, and its six months extension, all are based on two crucial principles which are: To find sustainable and durable solutions to the problem of Somali displacement, and to preserve the institution of asylum.
Let me say at the outset that, it is my hope that we will be able to re-dedicate ourselves to the achievement of both these aspects for the benefit of the Somali displaced people.

Today, about two and half million Somali refugees and IDPs live in camps in and out of the country. Tragically, some have lived in these camps for 3 generations, all because the environment wasn’t conducive enough in Somalia for them to return. That said, many have voluntarily returned over the past few years, as conditions in their regions have improved gradually.
However, the current drought and the looming famine pose yet another challenge to voluntary return. We must not leave a stone unturned to avert another famine in Somalia.

Excellencies, Ladies and Gentlemen:

The Federal Government of Somalia has made Durable Solutions for Refugees and IDPs a centerpiece of its resilience strategy. The basis of our strategy is the inherent believe that refugees and IDPs are deeply tired of being displaced and living on handouts in squalid camps. Moreover, it’s based on the principle that the overwhelming majority of them would rather live in dignity and self-reliance. Based on that, our strategy aims to unshackle them from the vicious cycle of displacement, and investing in their innate ability to reclaim their dignity. For far too long, we have been investing in the management of refugees and IDPs. Time has come for us to invest in their God-given ability to manage themselves.

In our National Development Plan, we articulate how we intend to mitigate the root causes of the cyclical droughts in our country. We recognize that, due to the prevailing environmental degradation in Somalia and globally, future rains are likely to fail, leading to yet another drought, which in turn leads widespread displacement. Our resilience strategy calls for targeted investment in infrastructure, particularly in the areas of agriculture and livestock.

Furthermore, our Durable Solutions strategy calls for land reform, resettlement policies and investment in affordable housing. Taken together, these would facilitate the smooth return and reintegration of refugees and IDPs into their communities. This would not be easy, but I believe that we have a rare opportunity to capitalize on goodwill that prevails in Somalia following my election.

Most importantly, we hope to launch investment schemes for resettled refugees and IDPs so that they can restart and sustain their livelihoods. Many are farmers and pastoralists; But most have the inherent entrepreneurial spirit of Somalis, and they will excel in small businesses. All they would need is a small investment and a faith in their God-given talent. This could be in the form of microfinances and other incentives. Together with our private sector and development partners, we are confident that such schemes could become a catalyst for Durable Solutions for Refugees and IDPs.

As you may know, we have now established a new ministry focused on humanitarian and disaster management, recognizing the need for a more robust dedication to the current droughts and on addressing long term resilience issues.

We will present a comprehensive resilience strategy at the London Conference in May InshaAllah, and I’ll subsequently convene national stakeholders on the subject matter to operationalize our strategy. We will reach out to many of you as the time comes.

Excellencies, Ladies and Gentlemen:

We believe that migration is also directly linked to displacement, and that’s why my government will continue the work done under IGAD’s Dialogue on Migration as well as the Khartoum Process. Our National Development Plan has a full chapter on migration, because we recognize that thousands of our young people perish as they make the perilous journey to Europe. While many of them are fleeing conflict, most are fleeing the agony of hopelessness, as a result of widespread unemployment and lack of access to basic services such as health and education. According to the recent Population Estimate Survey of Somalia, over 70% of our population is under the age of 30. We must find ways to capitalize on their energy and steer them away from radicalization and illegal migration.

Excellencies, Ladies and Gentlemen:

We will not be able to translate our vision and strategies into tangible achievement if we don’t work together. I take this opportunity to call on humanitarian and development actors working on Somalia to relocate to Somalia. We understand that there are serious security limitations in certain areas, but the vast majority of our country is relatively peaceful. And experience shows us that, when partners operate within Somalia, their impact is qualitatively better than those operating remotely. I commit to providing whatever you need from us to enable you to work from inside Somalia.

Secondly, the leadership of the Federal Government in the implementation and coordination of projects and programs is vital. Too often, we have seen too many projects implemented without the knowledge, let alone consent, of the Federal Government. This shall NOT continue.

My administration will empower relevant line ministries to cooperate with all of you. And we will hold each other accountable to achieving declared objectives.

Excellencies, Ladies and Gentlemen:

The problem of Somali refugees in the region has been going on for far too long. But I believe that we are at crossroads to begin to address the issue more permanently. I sincerely appreciate all the efforts made by IGAD member states to find durable solutions. I also thank the UNHCR for its tireless efforts to help Somali refugees.

Thirdly, resources aimed at Durable Solutions for Refugees and IDPs must be channeled through the Federal Government. I recognize that we need to improve our Public Financial Management Systems, and we are committed to doing just that. But I ask you to commit to using our country systems for resources.

Excellencies, Ladies and Gentlemen:

I’m confident that you will continue to honor the institution of asylum as enshrined in the international humanitarian conventions and maintain our people in safety and dignity in the best tradition of African hospitality. From our side, we will increase our effort to jointly achieve the objective of this conference on the voluntary return of our people in a safe and dignified manner, and to provide durable solutions; so that they can participate in the rebuilding of a prosperous and peaceful Somalia at peace and harmony with itself and its neighbors.

The post Statement by the President of Somalia On Special Summit of IGAD Heads of States and Governments on Protection and Durable Solutions of Somali Refugees appeared first on Puntland Post.

Madaxda Dowladaha IGAD oo ku heshiiyay in si Wadajir ah Xal waara loogu helo Qaxootiga Soomaaliyeed

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa isugu yimid shir gaar ah oo looga arrinsanayay sidii xal waara loogu heli lahaa qoxootiga Soomaaliyeed.

Shir-madaxeedkan gaarka ah ayaa jeedadiisu tahay in lagu xoojiyo lilaalinta xuquuqda qaxootiga, lagana wada hadlo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira guud ahaan gobolka, isla markaasna loo mideyn lahaa dadaallada beesha caalamka ee dhaqaalaha loogu uruurinayo dadka ay abaarahu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku yareyso sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan. “Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.”

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

“Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.”

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladaha iyo shucuubta waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo dalka Yeman sida ay u martigaliyeen in ka badan hal milyan oo qaxooti Soomaali ah.

Faafinta- Puntland Post

The post Madaxda Dowladaha IGAD oo ku heshiiyay in si Wadajir ah Xal waara loogu helo Qaxootiga Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.


Galmudug oo ka hortimid codsi uga yimid Ra’iisul wasaare Kheyre

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhowaan u diray  Baarlamaanka Galmudug codsi ahaa in muddo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Gobolada Dhexe lamideeyn doono islamarkaasina hal maamul loo sameeyn doono.

Maamulka Galmudug ayaa arintaasi ka hor yimid oo sheegay in muddadaasi ay aad u dheertahay Galmudugna aanay madaxweyne la’aan noqon karin muddadaasi.

Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay isku raacay in 10-ka Bisha soo socoto ee April ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa lagu sheegay in Codsigii Ra’isilwasaaraha aanu dhaqan galeeynin.

Hoos ka Aqristo Warqada Galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post

The post Galmudug oo ka hortimid codsi uga yimid Ra’iisul wasaare Kheyre appeared first on Puntland Post.

Xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Kenya iyo Dad Shacab ah oo ka taagan Ceel-Waaq

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay ka taagantahay xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Kenya iyo Dad Shacab ah.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya oo wata Cagaf Cagafyo ay ka soo gudbeen xadka kuwaasi oo doonaya in ay dhismayaal sharci daro ah ay ka sameeystaan Gudaha Soomaaliya.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in ay ka hortageen oo ay ka dhiidhiyeen falkaasi ay damacsanyihiin Ciidamada Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka halkaasi naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Dadkii Shacabka ahaa ee hubeeysan iyo Ciidamada Kenya ay is horfadhiyaan.

Hoos ka dhageyso Codka Goobjooge Ceel Waaq.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post

The post Xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Kenya iyo Dad Shacab ah oo ka taagan Ceel-Waaq appeared first on Puntland Post.

Soomaliya iyo Uganda oo Kawada Hadlay Dib u dhiska Ciidamada iyo Dagaalka Al-shabaab

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya kula kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa diirada lagu saaray xiriirka u dhaxeeya Wadamada Soomaliya iyo Uganda iyo xaaladiisa ugu dambeeyay ee qaarada afrika.

Ugu horeyntii Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa dalka Soomaliya Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii Soomaliya ka dhacday 8-dii bishii February ee sanadkaan 2017-ka oo uu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii 9-aad ee Soomaliya.

“Waxaan doonayaa inaan kuugu hambalyeeyo labo dhacdo oo tan hore ay tahay guushii aad ka gaartay doorashada Soomaaliya tan labaad waxaan kaaga mahadcelinayaa dhagaysiga aad dhagaysatay xikmad ka timid nin oday ah oo ahayd inaan la curyaamin Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni.”

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) iyo dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa isku soo hadal qaaday arrimaha amaanka dalka Soomaliya iyo sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa kulankaas ka cadeeyay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa ciidamada dalka Soomaaliya loona qalabayn lahaa si ay awood ugu yeeshaan inay ka hortagaan Alshabaab dalkana ammaankiisa soo celiyaan.

Uganda ayaa ah Dowladd kaliy ay Ciidamo badan ay ka jooogaan Gudaha dalka Soomaliya waxayna dowladda Federaalka Soomaliya ka caawinayaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samaatar Cowke 

Puntland Post

The post Soomaliya iyo Uganda oo Kawada Hadlay Dib u dhiska Ciidamada iyo Dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari oo kulan Albaabada u xiranyihiin ku yeeshay Muqdisho

$
0
0

Xalay waxaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya kulan ku yeeshay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray talo soo jeedin ku aadan inuu dib u eegis ku sameeyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre golihiisa cusub ee wasiirada, waana taas mida keentay kulankan xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen islamarkaana wax natiijo aysan kasoo bixin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada ee uu dhawaan magacaabay, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari oo kulan Albaabada u xiranyihiin ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo Xilka Laga Qaaday iyo Taliye Cusub oo La Magaacabay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, iyadoo uu magacaabay taliye cusub.

Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Soomaliya ayaa waxaa loo magacaabay Col. Axmed Maxamed Afcadey oo horay u ahaa Taliyihii Madaxtooyada Villa Soomaliyed, xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

Ilaalada Madaxtooyada waa ciidan Milateri hoos-taga Taliska xoogga dalka Soomaliya, waxaa loo yaqaan Koofiyo cas, waxayna gaarayaan illaa guuto ciidan.

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa mar soo noqday madaxda Pratocolka Madaxtooyadda Soomaliya xiligii Dowladii Shiikh Shariif Axmed, waxaana la sheegay in uu yahay shaqsi ay isku dhaw yihiin dhanka beel ahaan Xasan Shiikh maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wali wada is badal uu ku samenayo maamulka Madaxtooyadda Soomaliya dhawaan waxa uu magacaabay agaasimayaasha Madaxtooyadda, warfaafinta iyo Pratocolka.

 

Xasan Maxamed Samater(cowke)

Puntland Post Muqdisho

The post Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo Xilka Laga Qaaday iyo Taliye Cusub oo La Magaacabay appeared first on Puntland Post.

Human Right Watch oo ka hadashay Weerarkii Qaxooti Soomaaliyeed loogu geystay Yemen

$
0
0

Hay’dda xuquuqul insaanka ee Human Right Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay u badantahay in uu Dembi gagaal ahaa weerarkii 17-kii bishan Maarso Doon Qaxootiga Soomaaliyeed siday lagu eegtay Xeebaha dalkaYemen, taasna ay muujinayso baahida loo qabo isla xisaabtan.

Warbixinta ay soo saartay Hay’dda xuquuqul insaanka ee Human Right Watch waxa sidoo kale ku sheegtay in sida muuqata weerarkaas ay fuliyeen xulafada uu hogaamiyo Sucuudiga, maadaama xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo keliya ay leeyihiin diyaarado dagaal.

Hoos ka Akhriso Warbixinta Human Right Watch.

(Beyruut)  – Sida muuqata weerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah marineysay xeebta Yaman, ayaa muujinaya baahida loo qabo isla xisaabtan, iyadoo colaadda hubaysan ee dalkaasi ay hadda gashay sanadkii labaad, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay maanta. Dhowr goobjoogayaal ah ayaa sheegay in 16-kii Maarso 2017, ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof oo ka mid ah 145 qaxooti Soomaali ah oo doonta saarnaa iyo qof rayid ah oo Yaman u dhashay. 29 qof oo kale oo ay ku jiraan 6 carruur ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana la la’ yahay 10 qof. Sawiro maalintii xigtay doonta laga qaaday ayaa muujinaya burbur kasoo gaaray rasaas hawada looga soo riday.

Dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda ayaa beeniyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarkaasi. Balse xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo keliya ayaa leh diyaarado dagaal, halka xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax aanay lahayn awooddaasi. Dowladda Soomaaliya oo taageerta xulafada ayaa ku baaqday in dalalka isbahaysanaya ay baaritaan ku sameeyaan weerarkaasi. Balse xulafada ayaa marar badan muujisay in aanay awoodin ama diyaar u ahayn baaritaan micno leh oo ku aaddan tacaddiyada ay ciidamadeeda geystaan.

Burbur ka muuqda goob ay bulshada ku kulanto oo ku taalla caasimadda Yaman ee Sanca, taasoo ay diyaaradaha xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo weerarreen 8-dii Oktoobar 2016, xilligaasi oo ay goobta ka socotay munaasabad aas ah.
© 2016 Xuquuqda sawirka Khalid Cabdullah/Reuters

 

“Duqeynta iska cad ee ay xulafadu u geysatay doonta ay qaxootiga ka buuxeen, ayaa ah falkii ugu dambeeyay ee suuragal ah in uu yahay dembi dagaal oo ay ka fulisay Yaman inta uu socday dagaalka hadda laba sana jirsaday,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha Human rights Watch ee Bariga Dhexe. Waxa ay intaa raacisay “Taxadar la’aanta iyo tixgelin la’aanta noolasha dadka rayidka ah ayaa gaartay heer xun oo aan horay loo arag.”

Mid ka mid ah shaqaalihii afarta ahaa ee Yaman u dhashay ee doonta la socday, ayaa u sheegay Human Rights Watch in marka uu weerarka dhacayay ay marayeen meel 50 kilo mitir u jirta dekadda Xudeyda, iyagoo ka cararayay dagaalka ka socda dalkaasi. Galabtaasi, naaquudaha doonta ayaa rakaabkiisa u sheegay in ay aamusaan maadaama ay ku safri doonaan “meel khatar ah” sida ay Human Rights Watch u sheegeen laba qof oo doonta saarnaa. Markii ay muddo kooban safarka ku jireen, ayaa doonta waxaa soo aaday markab, kaasoo shaqaalaha ku amray in ay doonta joojiyaan, balse amarkaasi ma aanay dhagaysan.

Afar qof oo doonta saarnaa ayaa sheegay in abaare 9-kii fiidnimo ay arkeen diyaarad helikobtar ah oo si aan kala go’ lahayn rasaas ugu furtay doonta. Haweeney Soomaali qaxooti ah oo 25 jir ah, kuna dhaawacantay weerarkaasi ayaa tiri “Si lama filaan ah ayaa waxaan u arkay diyaarad helikobtar ah oo na dul taagan…. Degdeg ayay noo weerartay….. Markii ay rasaasta nala dhacday ayaa dadkeena Carabiga ku hadli karay waxaan ku qeylinay “Soomaali ayaan nahay!” Haweeney kale ayaa sheegtay in uu ku dhacay firirka madfac. Mid ka mid ah shaqaalaha doonta iyo weliba rakaabka qaarkood ayaa sheegay in markab dagaal uu gantaallo kusoo riday doonta.

Weerarka ka dib ayaa doonta waxa ay kusoo xiratay dekadda Xudeyda abaare 4:30 aroornimo. Madaxa dekadda kalluumaysiga, Daa’uud Fadel ayaa yiri “Waxaan weynay goob aan dhigno meydadka, sidaa awgeed waxaan ku qasbanaanay in aan gelino halka aan ku kaydino kalluunka.” Goobjooge kale ayaa sheegay in dadka cisbitaallada la geeyay ay ku jireen 15 nin oo qabay dhaawacyo kasoo gaaray rasaas iyo firir kale.

Xulafada uu hogaaminayo Sacuudiha iyo xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ee isku dhinaca ah ayaa beeniyay in ay fuliyeen weerarka. Wakaaladda wararka ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beenisay in ciidamada dalkaasi ay ka qeyb qaateen weerarka, waxaana ay sheegtay in ay soo dhaweynayaan in baaritaan caalami ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen. Dalalka xubnaha ka ah xulafada ayaa leh maraakiib dagaal oo ilaaliya marinnada dekadda Xudeyda oo ay gacanta ku hayaan xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa daacadda u ah Cali Cabdalla Saalax. Maraykanka oo isna dalka Yaman ka fuliya duqeymo uu la beegsanayo Al-Qaacidada halkaa ku sugan ayaa beeniyay in uu weerarka fuliyay.

Shuruucda dagaalka ayaa dhigaya in weerarrada sida ula kaca ah dadka rayidka ah loogu qaado ay yihiin dembiyo dagaal.

Tan iyo 26-kii Maarso 2015, xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo gacan ka helaya Maraykanka, ayaa weerarro milateri ku qaaday Xuutiyiinta iyo xooggaga daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yaman, Cali Cabdalla Saalax. Xulafada ayaa geysatay duqeymo badan oo si sharci darro ah ugu dhacday guryo, goobo suuq ah, cisbitaallo iyo weliba iskuullo.

Xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ayaa dhankooda si aan kala sooc lahayn u duqeeyay xaafado, waxaana ay askareeyeen carruur, iyagoona xiray isla markaana meel ay geeyeen la waayay dad badan oo rayid ah. Tan iyo markii uu bilowday dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4,773 qof oo rayid ah, halka dhaawacana uu gaaray 8,272 qof, kuwaasoo intooda badan ay sababeen duqeymaha xulafada, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Haraadiga baal ku rakibnaa gantaal ah nooca GBU-12 Paveway II ee lagu hago qalabka layserka, laguna sameeyay Maraykanka. Waxaa laga helay meel u dhaw ceelasha biyaha ee Arhab ee ka tirsan gobolka Sanca, halkaas oo ugu yaraan 31 qof oo rayid ah duqeyn lagu dilay 10-kii Sebtembar 2016. Sida ku cad waqtiga la sameeyay gantaalka iyo weliba lambarka qaran ee keydinta, baalkan waxaa Oktoobar 2015 sameeyay shirkadda Raytheon oo ah mid qandaraasyada difaaca ka qaadata Maraykanka.
© 2016 Xuquuqda sawirka Priyanka Motaparthy / Human Rights Watch

Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay 62 duqeyn oo sida muuqata ay si sharci darro ah u geysteen diyaaradaha xulafada, kuwaasoo qaarkood ay noqon karaan dembiyo dagaal, waxaana weerarradaasi ku dhintay 900 oo qof oo rayid ah. Sidoo kale Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay todoba weerar oo aan loo meel dayin, kuwaasoo ay xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ka fuliyeen Cadan iyo Taacis, ayna ku dhinteen 139 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah. Human Rights Watch ayaa sidoo kale diiwaangelisay in xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ay adeegsadeen miinooyinka mamnuuca ah, halka xulafadana ay adeegsatay bambooyinka sii firdha ee mamnuuca ah. Labada dhinacba waxa ay horjoogsadeen ama xadideen in gargaar muhiim ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

23-kii Maarso, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi baaritaan oo caalami ah, isla markaana madax bannaan, kaasoo baaritaan ku sameeya eedeymaha ah in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Yaman ay ku xadgudbeen shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo kuwa bani’aadannimada, baaqaasi oo ah mid ay marar badan jeediyeen hay’adaha qaran, kuwa gobolka iyo weliba kuwa caalamiga ah labadii sano ee lasoo dhaafay.

Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Sebtembar ee 2016 ku guulaysan waayay in uu sameeyo baaritaan buuxa oo gooni u taagan, balse waxa uu meelmariyay qaraar awood u siinaya xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay in uu Yaman geeyo khubaro dheeraad ah oo xuquuqda aadanaha ku xeeldheer, si ay u baaraan tacaddiyada ay geysteen dhinacyada oo dhan. Dowladuhu waa in ay si buuxda u taageeraan awooddaasi baaritaan ee la siiyay xafiiska, maadaama aanu jirin baaritaan gooni u taagan oo caalami ah, ayay tiri Human Rights Watch.

Xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa samaysay koox wadajir ah oo qiimeysa dhacdooyinka, taasoo durbadiiba ku guuldaraysatay in ay gaarto heerka caalamiga ah. Kooxdaasi ayaa go’aamisay in xulafada aanay mas’uul ka ahayn 17 dhacdo oo ay ilaa hadda baartay, waxaana ay soo bandhigtay natiijooyin si weyn uga duwan kuwa Qaramada Midoobay iyo ururada kale.

Inkastoo ay xulafada fulisay weerarro sharciga ka baxsan, ayaa haddana Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxa ay weli Sacuudiga ka iibiyaan hub ku kaca balaayiin doolar. Human Rights Watch uma suuragalin in ay ogaato dalka ay diyaaradiisu weerartay doonta qaxootiga, balse waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ansixisay shati diyaaradaha helikobtarka ay uga iibin karto uguna dayactiri karto dalalka Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Urdun. Dowladuhu waa in ay hakiyaan dhammaan hubka ay ka iibiyaan Sacuudi Carabiya, maadaama ay qeyb ka noqon karaan weerarrada sharci darrada ah ee ay xulafada fuliso, ayay tiri Human Rights Watch.

“Inkastoo ay jiraan caddeymo sii badanaya oo muujinaya tacaddiyada xulafada, ayaa haddana Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxa ay u muuqdaan kuwo diiradda saaraya in ay hub ka iibiyaan Sacuudiga, halkii ay ka fikiri lahaayeen suuragalnimada ah in ay qeyb ka yihiin dembiyadda dagaal ee ay geysaneyso xulafada,” ayay tiri Whitson oo intaa ku dartay “Ka dib laba sano oo weerarro sharci darro ah ay ku hayeen dadka rayidka ah iyo goobahooda, waa in dalalka saaxiibka la ah Sacuudi Carabiya ay dib uga fikiraan taageerada ay siiyaan waddankaasi, ayna culeys ku saaraan sidii ay xukuumadda Riyadh usoo afjari lahayd xadgudubyada.”

FG: Xuxuuqda Warbixinta waa leh Human Right Watch.

The post Human Right Watch oo ka hadashay Weerarkii Qaxooti Soomaaliyeed loogu geystay Yemen appeared first on Puntland Post.

Qarax Gaari oo Goordhaweyd ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari uu ka dhacay  meel ku dhow Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Gaari qarxay ayaa la sheegay in ahaa nooca Soomalida ay u taqaano Cemera islaamrkaana uu watay C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena uu la shaqeeyo Hay’addo waxa uuna qaraxa ka dhacay afafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Waaberi.

Dad ku sugan Degmada Waabari ee Gobolka banaadir oo la hadlay warbaahinta  ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa gaari uu dhacay xili uu C/shakuur uu gaariga ka dagay kadib markii uu ka shakiyay in gaariga ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa, daqiiqado kadib gaariga uu kaliyah ayaa goobta ku qarxay.

Dhanka kale qaraxa kadib waxaa goobta Gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka  Soomaliya, ilaa haatan lama ogo shaqsiyaadka losoo qabtay qaraxa la doonayay in lagu dilo mas’uulka ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda

Xasan Maxamed Samater (Cowke)

Puntland Post Muqdisho

The post Qarax Gaari oo Goordhaweyd ka Dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku Daahfuray Siyaasada Daryeelka Dadban ee Caruurta Dayacan.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 March 2017 Magaalada Garoowe ku daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Xaflada oo ka dhacday hoolka shirka ee jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka socotey haayadaha Save the Children, Unicefe , Eu iyo ururrada kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku aamaanay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska wax ka ogaanshaha  iyo daryeelida ay had iyo jeer la garab taagan yihiin caruurta yar -yar iyo qaysaska tamartayar ee ku dhaqan Puntland, taas oo ay hawl-wadeenada Wasaaradu mar kasta ku hawlan yihiin daryeelida dadkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan caruur yar-yar oo ku dhaqan Puntland kuwaas oo aan haysan wax daryeela loona baahan yahay in loo istaagu sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka nololeed ee hortaagan, waxaana uu madaxweynuhu cadeeyey in siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ay Dawladda Puntland ugu tala gashay iyadoo kaa shanaysa waaxda Qaramada midoobey u qaabilsan daryeelida Caruurta wax ka qabasha dhibaatooyinta haysta caruurta ku dhaqan degaanada Punland.

Madaxweynaha ayaa in taasi raaciyey in bulsho ay ku horumarto marka ay dhalaankeeda kobcisho kana dhisto xaga nolosha, aqoonta iyo kor u qaadida maskaxdooda, hadii aysan helina masuuroobayso ayuu yiri in bulshadaasi hesho mustaqbal wanaagsan oo ifaya, waxaana uu shegay madaxweynuhu inay waajib diineed iyo mid dartuurba inagu tahay inaan ilaalino oo daryeelo caruurteena.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa sheegay in masuuliyada iyo waajibka saaran dawladu tahay in ay ilmo walba oo Puntland udhashay kuna dhashay ay ogaato xaalada uu ku noolyahay iyo waxa uu u baahan yahay, siyaasadanina ay hagayso musuuliyada saaran hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee dawladda Puntland, waxaana uu madaxweynu sheegay in dawladdu dhowaan hirgelin doonto goobo cusub oo lagu xanaanayn doono caruurtasi kuwa haatan jirana ay ku waajihi doonan siyaasad cad.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ee ku dhaqan degaanada kala duwan ee dawladda Puntland.

—DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku Daahfuray Siyaasada Daryeelka Dadban ee Caruurta Dayacan. appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Puntland oo Kulan la qaatay Nabadoonadda Gobolka Nugaal

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 26 March 2017 kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Magaalada Garoowe Nabadoonada, Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal, kulanka ayaa waxaa lagaga arrin sanayey arrimo Laxiriira Amaanka gobolka, isxog waraysi iyo sidii ay wadashaqaynta u dhexeysey Dawladda iyo Nabadoonada gobolkasi loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha ayaa Nabadoona gobolka Nugaal ku amaanay sida ay markasta uga shaqeeyaan ilaalinta iyo xasiloonida gobolka, taas oo sahashay in si wadda jira lo xaliyo caqabad kasta oo timaadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku ay yihiin hormuudka iyo hogaanka guud ahaan Dawladda iyo gaarhaan Gobolka Nugaal, lagama-maarmaana ay tahay in talo wadaag lala sameeyo si wax walba oo soo kordha loogu xaliyo si nabada.

Dhinaca kale, Nabadoona, Cuqaasha iyo waxgaraka gobolka Nugaal ayaa dhankooda shaagay inay diyaar u yihiin wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin dawladda taas oo ay ku jiro masiirka ummada Puntland, isla mar’ahantaana waxa ay balan qaadeen inay sii dardar gelindoonaan isu garabsiga caqabad walba oo timaada xalinteeda, si aanay Puntland uga hakan dhabada horumarka ee ay cagta saartay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Nabadoona  inay markasta u heelanadaan meel marinta iyo ka meel gaarida wax kasta oo dan u ah Amniga iyo horumarka Caasimadda oo ay kow ka tahay nabada, xasiloonida, kala danbaynta ay ku caanbaxday Puntland, isla markaana ay taasi ku jirto sharafta iyo karaamada shacabka Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

 

The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan la qaatay Nabadoonadda Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku aadan caawinta dadka Abaaraha

$
0
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xabsi la dhigayo dadka sida qaldan gargaarka u gaarsiinayo dadka abaaraha ka soo barakacay, ee ku sugan xeryaha barakac ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xalay yeesheen Madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha amaanka Gobolka oo loogu hadlaayay amniga iyo Abaaraha ayaa tilmaamay in Mamulka uu soo saaray amar culus oo loo dirayo dadka si qaldan gargaarka u gaarsiinayo dadka abaaraha ka soo barakacay.

Xalane Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin dadka wax sadaqaysana islamarkaana gargaarka ay gaarsiiyaan goobaha barakaca dadka u daadinaya sida xoolaha oo kale.

“Waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ah in si qaldan gargaar loo bixinin, oo dadka loo daadinin gargaarka,waxyaalahaas waxaa mamnuuc cidii lagu arkana waa xarig”, ayuu yiri Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku aadan caawinta dadka Abaaraha appeared first on Puntland Post.

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb

$
0
0

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milatariga dowladda Itoobiya ee ku suganaa degmada Dhuusa-mareeb ee G/Galgaduud ayaa waxaa lagu waramayaa inay isaga baxeen halkaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay u ruqaansadeen dhanka degmada Ceel-buur oo ka tirsan isla gobolka Galgaduud,waxaana ciidankan Itoobiyaanka ah ay wataan sida dadka deegaanku ay inoo sheegeen gadiidka dagaalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-sunna ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee ka baxay Magaaada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in cidankan ay muddo kooban ay hakad-galiyeen isku socodka gadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhuusa-mareeb waloow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Ciidankan qaarkood ayaa la sheegay in hadda ay gaareen gudaha degmada Ceel-buur ee bariga g/galgaduud halkaasi oo lagu waramayo inay durbaba fariisin ka sameysteen xafadaha degmada.

Lama Oga illaa hadda sababta keentay in Ciidanka Milatariga Itoobiya ay isaga baxaan degmada Dhuusa-mareeb ee G/Gaduud,waxaase dhawr mar ay horay uga baxeen deegaanada ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post

The post Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Labo Haween oo Walaalo ahaa oo Daad ku qaatay Magaalada Hargeysa

$
0
0

Maamulka Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa Faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobabka gu’ga oo meelo badan oo Somaliland ah ka curtay.

Dooxada Dacar-budhuq ee u dhexeeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa lagu soo waramayaa in gaari uu qaaday roobka ay ku geeriyoodeen labo Haween ahaa oo walaalo ahaa, kuwaasi oo gaariga saarnaa.

Gaariga daadku qaaday oo noociisa lagu sheegay Surf, ayaa waxa qaaday biyo xoog badnaa oo dooxa marayey, waxana halkaas ku geeriyooday laba hablood oo walaalo ahaa, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf.

Sida uu Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md. Axmed Abokor warbaahinta u xaqiijiyey, waxa ay labada haween ee geeriyooday ka yimaaddeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo usoo socday caasimadda Hargeysa, waxana lagu guuldarraystay isku dayo lagu badbaadinayey oo ay dadka deegaanku sameeyeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post 

The post Labo Haween oo Walaalo ahaa oo Daad ku qaatay Magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Viewing all 20991 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>