Quantcast
Channel: Puntland Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika iyo Bankiga Adduunka

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faah faahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Baniga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika iyo Bankiga Adduunka appeared first on Puntland Post.


Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Israel ka mas’uul tahay xiisadda Bariga dhexe

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay mas’uul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada, “Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri Erdogan.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurtagal tahay ilaa iyo inta “arxandarrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Israel ka mas’uul tahay xiisadda Bariga dhexe appeared first on Puntland Post.

Maxamuud Cabbaas oo diiday qorshe uu u soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka

$
0
0

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa la sheegayaa in uu diiday qorshe halis ku ah in Falastiin noqoto dowlad madax-bannaan oo uu usoo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden.

Madaxweyne Biden ayaa ka dalbaday Maxamuud Cabbaas in uu joojiyo qaraarka qabyada ah ee Khamiista la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Qaraarka ayaa haddii loo codeeya Falastiin u aqoonsanaya dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, balse waxaa jira dareen ah in qaraarkaasi uu diiddayo Mareykanka ama xubnaha kale ee reer galbeedka.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay qaraarka inuu san caawinayn xalka labada dawladood ee uu taageersan yahay Mareykanka , laakiin ma aysan sheegin in Mareykanka uu diidi doono.

In ka badan kala bar waddamada caalamka ayaa taageersan in ay Falastiin noqoto dal madax bannaan , si meesha ay uga baxdo colaadda daba-dheeratay ee salka ku haysa aqoonsiga ay hesho dowladda Falastiin.

PUNTLAND POST

The post Maxamuud Cabbaas oo diiday qorshe uu u soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka appeared first on Puntland Post.

The Political Detention of Dr Kulmiye in Hargeisa Sets Unsavoury Precedent

$
0
0
“Somaliland authorities must release Dr. Kulmiye promptly to prevent irreparable damage to inter-clan and civilian relationships, and enable him to seek remedies for his unlawful detention.”

Hargeisa (PP Editorial) — The detention of Dr. Abdirahman Kulmiye, a Somali-Australian citizen, in Hargeisa, allegedly on false espionage charges by Somaliland authorities, raises concerns about the political judgement of its leaders and civil society.

In 2015, Puntland government released poet Gama’diid, thanks to advocacy by traditional leaders and evidence showing baseless charges. However, in the case of Dr. Kulmiye, neither civil society nor the Somaliland Human Rights Center in Hargeisa has ensured his rights amidst conflict in Sool.

Detained by order of Interior Minister Mohamed Kahin, Dr. Kulmiye’s detention risks damaging the bond of free movement between Puntland and Somaliland territories. It is imperative for Somaliland authorities to release Dr. Kulmiye promptly to prevent irreparable damage to inter-clan and civilian relationships, and enable him to seek remedies for unlawful detention.

© Puntland Post, 2024

The post The Political Detention of Dr Kulmiye in Hargeisa Sets Unsavoury Precedent appeared first on Puntland Post.

Ethiopia Shifts Stance on Maritime MOU, Abandons Naval Base Plan in Lughaya for Merchant Port Use

$
0
0
Riyale: “I have the first one million dollars for the Lughaya port project.”

Hargeisa (PP News Desk) — In a speech at a function in Borama, the former President of the Somaliland Administration Dahir Riyale Kahin claimed that plans were afoot to construct a port at Lughaya where  Ethiopia was planning to set up a naval base.

“I have the first one million dollars for the port project. As a community, you raised money towards that project,” he told his audience. The Somaliland administration has turned its attention to calming the people of Awdal who oppose the naval base that Ethiopia would use as a merchant port to reduce its reliance on the Djibouti Port.

“The Somaliland administration will not formalise the maritime Memorandum of Understanding unless Ethiopia grants us diplomatic recognition,’ said Essa Keyd, the Foreign Affairs Minister of the secessionist administration.

© Puntland Post, 2024

The post Ethiopia Shifts Stance on Maritime MOU, Abandons Naval Base Plan in Lughaya for Merchant Port Use appeared first on Puntland Post.

Aqalka Senatka Maraykanka oo buriyay xilka xayuubintii Alejandro Mayorkas

$
0
0

Golaha Senatka Mareykanka ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray dhammaan eedihi uu Aqalka Wakiillada xilka uga xayuubiyay Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas.

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada ayaa Mayorkas ku eedeeyay in uusan ku dhaqmin xeerarka xuduudaha Mareykanka iyo in uu been u sheegay koongareeska.

Aqalka Senatka oo ay aqlabiyad hal dheeri ah ku maamulaan dimoqraadiga ayaa tuuray labada qodob ee ay kusoo eedeeyeen Aqalka Wakiillada. Waxana ay xeerkoodu ku baas mariyeen codad dhan 51-48 iyo 51-49.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Senatka Maraykanka oo buriyay xilka xayuubintii Alejandro Mayorkas appeared first on Puntland Post.

Taliyihii Ciidamada Milatariga Kenya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

$
0
0

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed.

Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof. Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Ciidamada Milatariga Kenya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed appeared first on Puntland Post.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay colaad ka taagan degaannada Koonfur Galbeed

$
0
0

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyo ka socda degaanno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan colaad beeleedyada ka taagan degmooyinka Diinsoor, Burhakaba, Baraawe iyo Qoryooley.

Wasiiru dowlaha waxa uu si gaar ah u codsaday in la badaadiyo dhiigga shacabka walaalaha ah ee ku wada dhaqan degaanadaas wuxuuna maamulka K/Galbeed ka dalbday in uu dhibaatadaasi wax ka qabto.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow waxa uu sheegay in dowladda Federaalku dhinacooda ay diyaar u yihiin sidii gacan looga geysan lahaa qaboojinta dagaaladaas.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay barakac,dhimasho iyo burbur hantiyeed.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay colaad ka taagan degaannada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.


Sidee dagaal 2024 Dhexmara SSC-Khaatumo iyo Somaliland Uga Duwanaan Karaa Dagaalkii 2004?

$
0
0
Goojacadde duhurnimadii 25/8/2023.

Sanadkii 2004 dagaal ayaa ciidammada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Adhicaddeeye. Dagaalkaas wuu joogsaday kaddib markii labada dhinac la dhexdhexaadiyay. Dagaalkii Kalshaale sidoo kale wuxuu ahaa mid Somaliland u sahlay inay ciidankeeda iskugu geyso Kalshaale iyadoo aan innaba ka cabsanaynin in dagaal uu kaga furmo Laascaanood ama duleedkeeda Bari iyo Galbeed. Kala qeybsanaantu waxay ahayd awood ay Somaliland ku joogtay Laascaanood, laakiin markii Janaayo 2023 dadka Laascaanood kacdoon sameeyeen Somaliland si fudud ayaa looga saaray Laascaanood, kaddibna waxay ciidammadeeda ka guratay Tukaraq iyadoo ka cabsatay in weerar uu kaga yimaado Puntland.

Talada ugu badan uu Muuse Biixi helayay waxay ka imanaysay caaglayaal markii dambe is dhiibay. Cabsida ugu weyn soo foodsaartay ciidanka Somaliland waa iska caabbinta ay kala kulmeen dadka Laascaanood oo diyaar u ahaa inay ku dhex dagaallamaan magaalada. Somaliland waxay dooratay istaraajiyad duqeyn ah.

Muuse Biixi intii uu dagaalkii Laascaanood socday wuxuu qaatay mowqifyo kala duduwan oo ku salaysanaa xogo qaldan oo uu ka kala helayay dad aan xaaladda dagaalka si dhab ah ula soconin. Nin Muuse Biixi ugu tagay hoygiisa kana mid ahaa raggii ka soo qaxay Muqdisho 1991 ayaa ku yiri: “USC dhowr degmo oo keliya ma qabsanin markay Muqdisho soo galeen Diseembar 30, 1990. Waxay haysteen Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduuud iyo qeyb ka mid ah Mudug. Sidaas darteed dib u gurasho iyo xal siyaasadeed baa u bannaan Somaliland haddii kale colaad sokeeye oo aan la mahadinin baa dhici doonta.” Biixi wuxuu taladaas kaga jawaabay mowqifkisii caanbaxay : “Furaha nabadda aniga ayaa haya”. Intaas waxaa dheereyd inuu dunida u sheegay in Al-shabaab ay Laascaanood ku sugan tahay.

Dagaalkii Goojacadde kaddib Muuse Biixi wuxuu si cad u taageeray in ciidan beeleed Togdheer laga abaabulo isaga oo og in tallaabadaasi tahay hurin colaadeed ka sii daran mowqifkii uu beesha caalamka u sheegay markii diblomaasiyiintu ka codsadeen inuu joojiyo duqeynta Laascaanood: “Xal laba dal uun baa keeni kara in Somaliland ay joojiso duqeynta Laascaanood.”

Dagaal cusub oo Muuse Biixi ku soo qaado dhulka SSC-Khaatumo wuu ka duwanaan doonaa kii 2004 iyo kii 2023. Labadaas dagaal hal furin bay ka socden. Dagaal gardarro oo Muuse Biixi iyo ciidan beeleedkiisu soo qaadaan wuxuu si ballaaran uga dhici doonaa Togdher, Sool, iyo Sanaag. Ciidammada SSC-Khaatumo may weerarin dhulka beelaha maamulka Somaliland taageera markii uu dagaalkii Laascaanood socday. Waajib saaran ayuu ahaaa oo ay guteen inay colaaddu heerkaas gaarin. Haddii ciidammada Somaliland iyo kuwa u abaabulan hab beeleed ay dagaal soo qaadaan waa inay Somaliland u caddahay in dhabbahaasi yahay mid ay dhiigga iyo hantida dad Soomaaliyeed ku bannaysanayaan. Wuu ka duwanaan doonaa dagaalladii hore waayo dadka la soo weeraro ayaa xaqa ku taagan oo naftooda iyo hantidooda difaacaya.

W.Q. Siciid M. Sheekh Cali, Laascaanood

The post Sidee dagaal 2024 Dhexmara SSC-Khaatumo iyo Somaliland Uga Duwanaan Karaa Dagaalkii 2004? appeared first on Puntland Post.

Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Muqdisho 1994kii

$
0
0
Marxuum Tuur (bidix) iyo Marxuum Qaalib (midig) aqoon durugsan ayay u lahaayeen siyaasadda Waqooyi Bari Afrika oo ilaa hadda quwadaha waaweyni ku loollamayaan.

Muqdisho (Faallo) — Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).

Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Buug ka mid ah buugagga uu qoray marxuum Jaamac Maxamed Qaalib.

Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu  biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka  taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute.

Buug laga qoray taariikh nololeedkii marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale).

Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin?  2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha.

© Puntland Post, 2024

The post Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Muqdisho 1994kii appeared first on Puntland Post.