Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Xasan Shiikh oo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir u magacaabay Xasan Muungaab

$
0
0

Muqdisho(pp) Madaxwaynaha DFS Somalia ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ka dib warqad qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxday.

Xilka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho waxaa loo magacaabay Godoomiyihii hore ee maxkamadda ciidanka qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

MuungaabWarqadda kasoo baxday aqalka Villa Somalia ayaa lagu amray saraakiisha ciidanka kala duwan ee Banaadir inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Gobalka loosoo magacaabay.

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Tarsan ayaa horay u diiday wasiir ku xigeen loosoo magacaabay,waxana wixii xiligaasi ka danbeeyay si wayn loo hadal hayay in xilka Gobalka laga qaadi doono.

tarsan (1)Ammaanka Muqdisho ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay sii xumaaday iyadoona dadka ay hadal hayaan waxa ay ka badali karto xilka ka qaadista lagu sameeyay Tarsan ammaanka Muqdisho.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>