Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed.
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen.
Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah.
Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay.
PUNTLAND POST
The post Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al Qaacida appeared first on Puntland Post.