Kismaayo: (pp)- Gobolka J/hoose ayaa waxaa ka da’ay roobab muhiigaan ah , roobabkaas oo biyo dhigay daafaha iyo dibada magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyey allena uga mahadceliyey raxmada illaahay ugu yaboohay. Roobabka ayaa aad u saameeyey deegaanada gobolka J/hoose oo ay ka mid yihiin Deegaanka Jooraha, Afmadow iyo deegaano kale oo ku xeeran.
Daawo Video-ga
Raxmadan ayaa ah mid ay dadka muslimiinta ah ee deegaanadaan kunool ay aad ugu farxeen , iyadoo weli uu cirku aad rooban yahay.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland