Muqdisho(pp) Madaxwaynaha DF ee Somalia oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ayaa la kulmay soo dhawayn ka duwan kuwii horay loogu samayn jiray magalada Muqdisho.
Afhayeenka baarlamaankaö Somalia,masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo dadwayne faro badan ayaa soo dhawayntiisa ka qayb galay waxayna arrintaan kusoo aadaysaa xili in ka badan boqol xildhibaan ay madaxwayne Xasan Shiikh ugu baaqeen inuu xilka ka dego maadama uu ku fashilmay oofinta balanqaadkii uu sameeyay doorashada ka hor.
Xasan Shiikh Maxamuud oo shir jaraa’id saxafada ugu qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa marka hore ka war bixiyay socdaalkiisa dibadda wuxuna muujiyay inuu si guul ah kusoo idlaaday kulamadii uu dibadda kusoo sameeyay.
Inkastoo guuxa xildhibaanadda dalbaday inuu is-casilo madaxwayne Xasan Shiikh ay wali taagan tahay haddana waxaa muuqata imaanshaha deg deg aha ee Muqdisho Xasan Shiikh iany la xariirto baaqa xildhibaanadda uga yimi.
Madaxwaynaha Dalka ayaa sheegay xildhibaanadda iyo shacabka Soomaaliyeed inay u madax banaan yihiin hadalkooda ayna soo dhawaynayaan balse loo baahan yahay in wax kasta oo jira laga wada hadlo si loo muujiyo dhaliilaha halka ay ka jiraan iyo in cida leh ay dusha saarato.
Xasan ayaa waxa gudaha kaga furmay culus xoogan oo xalinteeda ay waqti badan qaadan karto,waxana lagu dhaliilay inuu ku fashil-may siyaasada iyo hoggaaminta dalka balse loo baahan yahay inuu badalkeeda booska ba neeyo si loo helo madaxwayne kale oo mudada dhiban dalka doorasho xor ah gaarsiiya.
Maalmahan soo socda ayaa lagu wadaa arrinta Muqdisho ka taagan inay meel u dhacdo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho