(BosasoPP) Shirkada Isgaarsiinta Somtel oo dhawaan Qorsheyneysa in Adeegyada shirkadaas ay ka biloowdaan Deegaanada Puntland ayaa Imtixaan ka qaaday in ku dhow 100 dhalinyaro ah oo iskugu jira rag iyo dumar kuwaas oo shirkadu qorsheyneyso inay ka mid noqdaan shaqaalaha shirkada ee Magaalooyinka Puntland.
Dhalinyarada imtixaanka laga qaadayay ay 25% waxa ay ahaayeen dumar taasi oo ka dhigeysa in Shirkada Somtel ay noqoneyso Shirkadii isgaarsiineed ee ugu horeysay Puntland oo shaqaale dumar ah ah u qaadaneysa shaqada Xafiisyada Isgaarsiinta ee shirkada ku yaala Puntland .
Markii uu soo dhamaaday Imtixaanka dhalainyarada laga qaadayay Ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Maxamed C/samad C/laahi Madaxa Shaqaalaha ee Shirkada Somtel Puntland waxaana uu ka warbixiyay qaabka Shaqaalaha loo qaadanayo iyo TIrada Imtixaanka u Fariisatay
C/samad C/laahi Madaxa Shaqaalaha ee Shirkada Somtel Puntland Ayaa xusay in tirade guud ee ufadhiisatay imtixaanka ay dhantay 94- qof ku waasi oo isugu rag iyo haween ,ayana kamid noqondoonaan ku wii ku guulaysta imtixaanka shaqaalaha shirkada somtel Puntland
Iid Muuse Muxumed Madaxa Qeybta Horumarinta Shirkada Somtel ayaa Dhiniciisa Waxaa uu ka hadlay Shaqaalaha la qaadanayo oo ka mid noqonaya shirkada inay ku jiraan Haween ayna Muhiim tahay in Bulshada shaqada u sinaato Siyaasada Shirkada Somtel-na ay Tahay in dhalinyarada rag iyo haween lagu xulan doono Aqoontooda iyo Kartidooda shaqo
Madaxa Qeybta Horumarinta Shirkada Somtel Iid Muuse Muxumed Ayaa docdakle ugu bishaareeyay shacabka Puntland in si dhaqso ah loo daah furidoono Dhawaan shirkada Somteloo uu sida uu sheegay wado adeegyo isgaarsiineed oo casri ah ayana ka haqabtidi doonto bulshada Adeegyo isgaarsiineed oo baahi wayn loo qabay sida uu sheegay
Talaabadan ay Shirkada Somtel Imtixaanka uga qaadeyso tiro intaan le’eg oo dhalinyaro Shaqo Doon ah ayaa qeyb ka qaadaneysa in DHalinyaro badan oo wax soo baratay ay dareemeen in baahi shaqo ay dalka ka jirto Shirkadahana ay shaqaale Qaadanayaan.
Maamulka Shirkada Somtel oo dhawaan Qorsheyneysa in Adeegyo kala duwan oo isgaarsiineed oo casri ah ay ka hirgeliso Puntland Sida Internet Telfoono Casri iyo Adeegyado kale oo bulshada Faaiido u leh.
Hoose Ka daawo Shirkii Jaraa’id Ee Madaxda Shirkada Somtel Puntland
watch?v=sW29bEI09PQ
Xafiiska Bosaso