Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hayada TAG Foundation oo tabar ku saabsan Masuuliyada Sadex geesoodka ah u qabatay gudiyada ardayda Machadka RPS (Sawiro).

$
0
0

Hay’ada TAG Foundation ayaa magaalada Gaalkacyo ka furtay tabar ku saabsan masuuliyadaha Sadex geesoodka ah oo loola jeedo in ardaygu uusan ka boodin hadafkiisa koowaad oo ah in uu guto waxbarashadii uu u soo doontay machadka RPS, hadafka labaad oo ah in uu buuxiyo waajibaadka la saaray asagoo waqtigiisa beekhaansanaya iyo masuuliyada sadexaad oo ah in uusan gabin hawlihii baaxada lahayd ee ka saarnayd gurigiisa iyo qoyskiisa uu ka yimid.

1

Tabarkan waxaa arayda lagu baryey awoodsiinta gudiyada,hoggaaminta fiican iyo wanaajinta xiriirka arayda iyo maamulka schoolka si ay u gaaraan masuuliyadaas si ardeydu ay u maareystaan masuuliyadooda sadex geesoodka ,ayadoo aad xoogga loo saarey sida loo qorsheeyo waqtiga oo ah kan ugu horeeya oo masuuliyadaas lagu maareyn karo.
TAG Foundation oo ay ka go,an tahay in ay awood dhisid u sameeyaan dhaliyarada oo ah mustaqbalka bari waxaa ay soo saareen dhaliyaro tababarayaal ah oo buuxiya fursadaha tababarada,tababarka waxaa iska kaashaday oo bixinayey tababarayaasha TAG foundation iyo xubno ka mid ah ardeydii horey ay TAG Foundation u tababareen oo awood u yeeshay in ay kaalintaas buuxiyaan si kuwa la tababarayaa maanta ay ugu daydaan ayagana ugu noqoto dhiirigalin.
Tababarka waxaa ka soo qaybgalay gudoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo , xubno ka mid ah golaha deegaanka Galkacyo,maamulaha guud ee machadka RPS, ku xigeenka RPS ahna masuulka ardeyda caafimaadka, madax ka mid ah ururka GUYA  iyo mas’uulyihin kale duwan.

3
Ugu horeyntii waxaa furitaaanka tabarka waxaa ka hadlay Maxamuud Xasan Dhooye oo ah Maamulaha macadka RPS waxaa uusheegay in uu si aad ah ugu mahad celinayo madaxda hay’ada TAG  Foundation ee tabarkan arayda machadkooda siiyey sidoo kale ay ka rajaynayaa in ay tabaro kale na siiyaan.

8_New1

Gudoomiyaha hay’ada TAG  Foundation Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa iyadu sheegtay in mar walba ay diyaar u yihin in ay tababaro awood dhisid ah u sameeyaan bulshada oo dhan gaar ahaan daneeyayaasha soo codsada sida RPS oo kale.
Yacquub Maxamed Cabadala Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa isagu hadal dhiirigalin ah ujeediyey aryada uguna baaqay in ay ka faa,iideystaan tababarada TAG Foundation oo aan ku ekayn bulshada kaliya oo dawladu xataa qaybka tahay anaga golaha deegaankuna aan  laftayadu qaadanay tababarada kala duwan ee ay bixiso Hayada TAG Foundation.
Waxa  ay kala ahaayeen tababarayash  Fadumo Gaashaan madaxa dhaliyarada TAG Foundation, Masuuliyiin ka socday  GUYA  Farah  Cabdi Maxamed oo ah gudomiyaha horumarinta iyo gudomiyaha wacyigalinta bulshada iyo ka hortaga  tacadiga Fadumo Abbdirisaaq Farax, Maslax Mukhtar Dahir oo ku hadlayey magaca saxaafada, Mukhtar Isaq Xuseen Suudani oo ahaa masuulkii ardeyda caafimaadka abaabulkana qayb muhiim ah ku lahaa , Amin maxamed oo ah madaxa tababarada TAG Foundation, mamo Hawo Abdi samad oo ah madaxa haweenka TAG Foundation iyo mas’uulyiin kale.

11
Tababarku  wuxuu ku soo idlaaday jawi ay baxeen ardeyda oo aad u faraxsan kalsooni dheeraad ahna dareemay.

20


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>