Garowe(PP) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah manta ugu wareejisay maamulka gobolka Cayn gaadiid loogu talo galay in adeegyada caafimaad lagu gaarsiiyo deeganada uu gobolkaas ka kooban yahay.
Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda cafimaadka ayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow wuxuu gaari nuuca Ambalaas ah gudoonsiiyay iskuduwaha wasaaradda caafimaadka uga wakiilka ah gobolka Cayn Maxamed Axmed Daad.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay gaarigaan inuu wax badan ka taridoono bahiyaha caafimaad ee gobolka, waxaana si gaar loogu shaqeyndoonaa hooyada iyo dhallaanka oo ah dadka ugu jilicsan bulshada.
Agaasimha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa balanqaaday inay wasaaraddu si toos ah shacabka gobolka Cayn goobahooda ugu keenidoonto adeega caafimaada ee loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka iyo dadka waaweyn.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in wasaaradda iyadoo isku tashatay inay gaarigaan usoo iibisay maamulka caafimaadka si ay ufuliyaan mas’uuliyada xaga caafimaadka ee ka saran bulshadooda.
Halkaan ka daawo sawiradda.
Puntlandpost.com-
Garowe.