Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda caafimaadka oo gaari Ambalaas ah ku wareejiyay gobolka Cayn- Sawirro

$
0
0

Garowe(PP) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah manta ugu wareejisay maamulka gobolka Cayn gaadiid loogu talo galay in adeegyada caafimaad lagu gaarsiiyo deeganada uu gobolkaas ka kooban yahay.

Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda cafimaadka ayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow wuxuu gaari nuuca Ambalaas ah gudoonsiiyay iskuduwaha wasaaradda caafimaadka uga wakiilka ah gobolka Cayn Maxamed Axmed Daad.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay gaarigaan inuu wax badan ka taridoono bahiyaha caafimaad ee gobolka, waxaana  si gaar loogu shaqeyndoonaa hooyada iyo dhallaanka oo ah dadka ugu jilicsan bulshada.

Agaasimha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa balanqaaday inay wasaaraddu  si toos ah shacabka gobolka Cayn goobahooda ugu keenidoonto adeega caafimaada ee loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka iyo dadka waaweyn.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in wasaaradda iyadoo isku tashatay inay gaarigaan usoo iibisay maamulka caafimaadka si ay ufuliyaan mas’uuliyada xaga caafimaadka ee ka saran bulshadooda.

 Halkaan ka daawo sawiradda.

DSC_1140 DSC_1144 DSC_1153 DSC_1156 DSC_1165 DSC_1171 DSC_11411 DSC_11461 DSC_11491 DSC_11501 DSC_11511 DSC_11581 DSC_11601 DSC_11631 DSC_11641 DSC_11681 DSC_11721 DSC_11751 

 

Puntlandpost.com- 

Garowe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>