Wafdi ka socda Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Xuseen Cuuke ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee gobollada Nugaal iyo Mudug.
Kormeerkan waxay ujeedadiisu tahay u kuur gelidda baahiyaha caafimaad ee dadku qabaan iyo weliba in la qiimeeyo qaabka xarumaha caafimaadku u shaqeeyaan.
Deegaannada wafdigaasi maanta booqday waxaa kamid ah: Burtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Cagaaran, Bur-saalax.
Wasiirka iyo xubnaha la socdey oo kala ah: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirasaaq Xirsi Xasan, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Asaasiga ah Cabdirsaaq Abshir Xirsi (Gar-weyne), Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Idil Cabdikhaliif Xasan, Agaasimaha Caafimaadka Asaasiga ee gobolka Mudug Maryan Xuseen Cali iyo Madaxa Qaybta Malaariyada iyo Cudurrada Faafa Dr. Cabdikariim Xuseen Xasan, waxay la kulmeen maamullada afartaas degmo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane Cuuke ayaa ku boorriyey maamulka iyo waxgaradka dhammaan degmooyinka uu booqdey in ay isku tashadaan xil weynna iska saaraan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.
“ha laysku tashado, haddii aad isku tashataan wax badan ayaad qabsan kartaan, dowladda iyo deeq-bixiyeyaashuna markaas way idin taageeri karaan” ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Cabdirasaaq Xirsi Xasan ayaa ku dhiirri geliyey shaqaalaha xarumaha caafimaadka inay xil weyn iska saaraan ilaalinta qalabka ay ku shaqeynayaan, nadaafadda xarumaha iyo weliba in ay shaqadooda joogteeyaan si daacad ahna u guutaan.
Wafdiga wasiirka ayaa caawa u hoydey Galdogob iyagoo berri gelinka hore kormeeri doona xarumo caafimaad oo dhowr ah, kadibna usii gudbi doona dhanka magaalada Gaalkacayo.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay uga dhabeyn lahayd ballan qaadyadii ay horay u sameysey ee ku aaddanaa maamul baahinta iyo weliba in adeegyada dowladda la gaarsiiyo deegaannada laamiga ka durugsan.–
Sawirro.
Puntlandpost.com