Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaha ciidamada xogga dalka oo gaaray Kismaayo, booqdayna xarumuha Ciidanka

$
0
0

Kismaayo-(Puntlandpost)-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ku soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Cabdullahi Sheekh Ismacil Fartaag iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka.

Taliyaha Ciidanka ayaa kormeer ku tagey xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaas oo ku xareysan yihiin ciidamadda Isku dhafka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana uu hadal u jeediyey Ciidamadii halkaasi ku sugnaa,Taliyaha ayaa dhinaca kale kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan usoo gaaray magaalada Kismaayo, in aan u kuurgalo xaaladda Ciidamadda halkan jooga, intaan joogno magaalada Kismaayo waxaan is arki doonaa hoggaanka iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxana ay isla soo qaateen arrimo la xiriira Ciidanka Xoogga dalka iyo horumarintooda.

Sawirro.

IMG_0018 IMG_0028 IMG_0058 IMG_0061 IMG_0086 IMG_0107 IMG_01161

Puntlandpost.com

The post Taliyaha ciidamada xogga dalka oo gaaray Kismaayo, booqdayna xarumuha Ciidanka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles