Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22760

Ciidamada Kenya oo isaga baxay degmada badhaadhe iyo Alshabaab oo la wareegtay

$
0
0

Marka-(Puntland Post)- Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saaka isaga baxay degmada Badhaadhe ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku lahaayeen Saldhig.

Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Kenya ay saaka isaga baxeen degmada,mana faah faahin sababta keentay inay ka baxaan Badhaadhe.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay aadeen dhanka xuduuda ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, Asbuucyo ka hor ayey ahayd markii Alshabaab gudaha ugaleen Saldhig Ceel-cadde ay ku laheeyeen ciidamada Kenya oo ay sheegeen inay ku dileen 100 Askari oo Kenyati ah.

Dowladda Kenya ayaa falkaas kadib eedaysa AMISOM, waxayna sheegtay inay ka fiirsan doonto kamid sii noqoshada AMISOM,dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayey sheegeen dadka jooga Badhaadhe inay soo galeen magaaalada, kuwaas oo dadka meel fagaare ah ugu khudbeeyey.

Saldhiga Badhaadhe ayaa noqonaya kii labaad oo Ciidamada Kenya isaga baxaan, waxayna sidoo kale isaga baxeen shalay Saldhigii Ceel-cadde ee dhawaan Alshabaab ku weerartay.

 

PuntlandPost.com.

The post Ciidamada Kenya oo isaga baxay degmada badhaadhe iyo Alshabaab oo la wareegtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22760

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>