Garowe(Puntland Post)Wararka ay Warbaahinta Puntland Post ka helayso Magaalooyinka Garowe, Galkacayo,Qardho iyo Bosaaso ayaa xaqiijinayaa Mudaharaadyo waaweyn oo kasocda Guud ahaan Magaalooyinkaas.
Dadka ka qayb gelaya Mudaharaadyadan ayaa ku qaylinaaya ereyo ay ku diidan yihiin waxay ugu yeereen Go’aamada ay Beesha caalamku ku Khasbayso umadda Soomaaliyeed, Iyagoo Taageero weyn u muujinaaya xukuumada Madaxweyne Gaas oo go’aan cad ka qaadatay inay umada Soomaaliyeed kusii socoto hanaankii hore ee 4.5.
Dawlada Puntland oo Madaxa lasii gelaysa 20 sano ayaa horseed u ahayd dhismaha Dawlada Federalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Mase cada Go’aanka xiga ee ay Puntland qaadi doonto.
Dhan kale Madaxweyne Gaas ayaa maanta laga sugayaa Magaalada Bosaaso.
Lasoco Sawirada iyo Faahfaahinta Mudaharaadyadan.
The post Mudaharaadyo Balaaran oo lagu taageeraayo Mawqifka Puntland ee 4.5 oo kasocda Magaalooyinka Garowe,Gaalkacayo,Bosaaso iyo Qardho appeared first on Puntland Post.