Garoowe: (pp)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah Ururada siyaasada Puntland ayaa looga hadley ilaa 8 qodob oo ku saabsan dhacdooyinkii Puntland ee todobaadkii lasoo dhaafey iyo Hanaanka Dimuqraadiyada Puntland.
Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada.
Qodobka ugu horeeyay ee warsaxaafadeedka ayaa dhaliil urur uu ugu soo jeediyey Xukuumada Puntland oo ay ku tilmaameen inay ku fashilantey bilihii lasoo dhaafey bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidanka, kuwaas oo uu ururku sheegey inay soo wajahdey duruufo dhaqaale oo saameyn ku yeeshay qoysaskooda.
“Waxaan aad u dareensanahay sababaha keenay kacdoonka ciidamada iyo shaqaalaha kaleba oo ay ugu horreyso daryeel la’aanta ku timid qoysaskooda iyo carruurtooda dugsiyada dhigata oo badankoodii la soo cayriyey marka iska bixin waayeen lacagihii”.
Ururka ayaa ugu baaqey Xukuumada Puntland inay si deg deg ah u bixiso xuquuqda mushahaarka ciidamada iyo shaqaalaha , islamarkaana ay daryeesho qoysaskooda,iyadoona uu ururku ku canaantey xukuumadu in ay ilaalin waydey ku dhaqmida madaxyada miisaaniyada ee umadda horay loogu dejiyey.
Banaanbaxyada shacabka.
Ururka UDAD ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan Banaanbaxyo si nabad galyo ah uga dhacay Qardho iyo Bosaso,oo Ururku ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwo shacabku ku muujinayeen tabashadooda siyaasadeed.
Waxaana lagu xusey qoraalka Ururka aragtida siyaasadeed ee UDAD uu ka qabo dhacdooyinkaasi” Waxaan aad u taageeraynaa bannaan baxyada sida nabadgelyada ah loo soo abaabuley ee ka dhacay magaalooyinka Qardho iyo Bossaso iyagoo ku cabbirayaa tabshadooda siyaasadeed ”
UDAD mar uu ka hadlayey kasoo laabashadii go,aankii horey ay u qaateen ee ay doorashooyinka golaha deegaanka ku diideen ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegey inay sabab u ahayd ururka oo door muhiim ah kasoo ciyaarey gufeynta dal daloolo uu lahaa xeerka doorashooyinka, kuwaas oo ay saldhig u ahaayeen qodobo ay ka mid yihiin helidda maxkamad dastuuri ah ka hor maalinta doorashada, samaynta guddiga ilaalinta habsami u socodka oo ah guddi awooddiisu sarrayso, iyo isticmaalka khadka laysarka oo aan tirmin iwmka, kuwaas oo hadda hirgalintooda la shaaciyey.
Doorashada Golaha Deegaanka iyo Nidaamka Qabiilka.
Ururka UDAD ayaa warka kasoo baxay waxa uu kaga hadley aragtida Ururka ee ku aadan Tartanka Goloyaasha Deegaanka ee Ururada siyaasada Puntland isu diyaarinayaan 15 maalmood ka dib, Iyadoona baaq arrintaasi ku aadan shacabka Puntland uu ururku usoo jeediyey.
“Waxaan dadweynaha reer Puntland ugu baaqaynaa inay doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda
xoog uga qaybgalaan, ayna ugu hiiliyaan codkooda isbeddelka dalku u baahan yahay” ayaa lagu
sheegey qoraalka kasoo baxay Xarunta dhexe ee Ururku ku leeyahay Garoowe.
Warsaxaafadeedka Ururka ayaa sidoo kale shacabka Puntland looga digey inay dib ugu noqdaan nidaamkii soo shaqeynayey laga soo bilaabo 1998-dii ilaa hadda, kaasi oo ay UDAD ku tilmaamtey inuu halis ku yahay horumarka Puntland.
“Waxaan u aragnaa nidaamka siyaasadeed ee ku dhisan habka qabiilku inuu halis ku yahay horumarka dalka, loona baahan yahay in loo gudbo habka dimoqraadiyaynta dhabta ah oo uu shacabku ku taamayey laga bilaabo 1998″
Dadka diidan Hanaanka Dimuqraadiyada.
Gabo gabadii Warsaxaafadeedka Urur Siyaasadeedka UDAD ayaa lagu sheegey in Ururku siyaasad ahaan u arko dadka kasoo horjeeda hirgalitaanka nidaamka Asxaabta kuwo doonaya inay qalaase ka abuuraan
wadanka ama raba inay cimri kororsi u sameeyaan xukuumada maamusha xilligan talada .
Iyadoona ay yiraahdeen sidan ” Waxaan u aragnaa inta diidan inay doorashooyinku ka dhacaan degaamadoodda inay si dadban ugu adeegayaan cimri kororsiga maamulka imminka jira, isbeddel la’aan iyo qalaalso siyaasadeed oo dad iyo dalba ku ragaado”
Warka kasoo baxay Gudoonka sarre ee Ururka UDAD ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii tagey bosaso ka dhaceen dhacdooyin ay ka mid yihiin gadood ciidanka qeybtiis kaga cabanayeen mushahaarkooda oo billo ka maqan iyo banaanbax aan sidaas u balaarneyn oo basaso iyo qardho ay ka dhigeen dad u badnaa dhalinyaro yar yar.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.