Dib usoo noolaynta dawladii burburtay horaantii 1991-dii ayaa moodaa inay qaadatay mudo dheer.
Waxaana umadii Soomaaliyeed ay ka hareen asaagood ama Caalamka, marka la eego xag Dhaqaale,Siyaasadeed, Dhaqan, Caafimaad,iyo Sharafka qofka Soomaaliyeed ee xag wax barasho,xag amaan iyo kala danbayn intaba.
Waxaa muran galay yaa soomaali ah marka laga hadlayo xaga Aqoonsiga Soomaalinimo,madama ay luntay astaantii saxiixa dawlad Soomaaliyeed oo la aqoon sanyahay oo ka gadmi karta ummada Somaliyed iyo Dowladaha Adduunka.
Karti xumada Somalida oo is xalin wayday soona afjari wayday dagaaladii sokeeye iyo nidaam la,aanta ay cadaysteen waxaad moodaa in lagu kala duwanyahay oo hada toos loo kala baxay lana la isla ogaaday. ceebtuna waxay timid markii la yiri cid walbaa ha soo dhisato Deegaankeedii haday daacad ka tahay in laysku keeno Umadii Soomaaliyeed, taasoo ku saleysan Nidaamka FEDERAALKA oo noqday xalka kaliya ee Soomaaliya ku dagi karto ,dadkuna ku kala amaan helayo dulmiga iyo shidadana soo afmeeraya.
Hadaba waxaan Caalamka iyo Wadamada dariskaba u cadaynaynaa dhamaantood in sicad loo fahmo beelaha ama deegaanada soo taagan ee diidan inay samaystaan maamul ay wax kula wadaagaan walaalahooda Soomaaliyeed ee Federaalka ah.
Sifo marka aanu u sameyno cadeymaha aan soo bandhigi karro waxaa ka mid ah kuwa u taagan inay goor walba lasoo taagan yihiin Qas iyo Amni xumo waxaan oran karnaa waa deegaano diidan nidaam iyo dowladnimo, waaa kuwo la shaqeysta mar walba caana ku noqdey inay hoosta gashadaan Dowlad fadhiid ah oo ay kula shaqeystaan Maafiyada Caalamiga ah ee Adduunka oo dhami ka qeyliyey.
Sida dad badan la socdaan waxaa muuqata in uu ka mid yahay kooxda kasoo horjeeda hirgalinta hanaanka Federalism Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana taasi sii dheer in deegaanada iyo beesha uu kasoo jeedo arrintaasi ku garab joogaan , iyadoo xataa uusan jirin xishood ay dhexdooda isaga qaban karaan wixii khalad ah ee ku keeni karra sumcad xumo , islamarkaana ragaadinaya isu keenitaanka Somali oo idil.
Arrinka oo sidaas u muuqda ayaan haddana waxaa bogaadin iyo hambalyo mudan dawlada iyo shacabka Puntland Mudo gaareysa 15 sano ku soo dhaqmayey shuruuc iyo nidaam dowladnimo oo somalida kale wax ka baran kareyso.
Sawirka hadda muuqda waxaa lagu fasiri karaa Puntland dhinac deegaankeeda ayay dhisaneysaa dhinac-na mustaqbalka Somali weyn ayay diyaarineysaa, taasna waxay la macno tahay in ay Puntland mudan tahay in loogu yeero Khabiirka u bisil Dowladnimada.
Lama filan karro in khasaare iyo dib u laabasho ku keeni karaan dagaalada siyaasadeed ee Puntland dalka iyo dibada uga socda, waayo reer Puntland waxay fahmeen in hadii aanan nabad jirin, aysan jiri doonin nolosha iyo wanaaga sida bilicdaa uga muuqda deegaankooda.
Mid kale marka dhinac aan ka eego laga yaabee inay jireen maalmihii lasoo dhaafey mucaarad Puntland , balse waxaa hubaal in Puntland marxalad kasta oo lasoo derista aysan waxba yeeli karin , waayo Dowlad sanado badan soo jirtey ayaa saldhigyo xoogan ku leh, Bulsho bisil oo la socda dhaqdhaqaaqa cadowga ku nool.
Faalada Waxan kusoo koobin Puntland waxay indhaha u shidatey in ay u hiiliso Somalida kale ee dayacu haysto , waxay muujisey kartideeda , waxay u diyaar garowday horumarkeeda , hana u maleyn sahalo in uu ku yimid dhismaha Maamulka Puntland, Horaana Soomali ugu maahmaahdey Dadaalaa wuu gaaraa oo aan ula jeedo guushu waa mid taala halka nabadu beegsatey ee hoyga u noqotey , taasna isweydiin meysaan oo waa dhulka UDUGA ee Puntland.
FG: Puntlandpost masuul kama aha aragtida qoraaga hoos magaciisu ku xusan yahay.
Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com