Kismaayo: (pp)- Yaab iyo Amakaag ayay ku noqotey qeybo badan oo Somalida ka mid ah markii ay warbaahinta ka maqleen Bare Aadan Shire (Hiiraale) oo leh waxaa la ii doortey Madaxweynaha maamulka Jubaland,ka dib markii maanta lasoo gabo gabeeyey shir weynihii Dastuuriga ahaa ee Kismaayo ka soconayey mudo dheer laguna soo doortey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Gen Ismacaa,iil Fartaag.
Badidood dadkii dhageysanayey hadalka Bare hiiraale waxaa isu qaban weyday sheegashada hogaanka maamulka Jubaland ee Bare Hiiraale iyo Mowqifkiisii horey uu uga taagnaa inay maamul sameystaan dadweynaha ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo uu sida la ogaa kasoo horjeeday.
Waa Kuma Bare Hiiraale.
Bare Aadan Shire (Hiiraale) waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Somalia, gaar ahaana kuwii Jubooyinka ku dagaalami jirey isagoona mudo toban sano ku dhow si xoog ah ku haystey Magaalada Kismaayo oo ay kooxda Alshabab dabayaaqadii 2008-dii dagaal uga qabsadeen Kismaayo.
Bare Hiiraale intii ka danbeysay markii Kismaayo laga saarey wuxuu bilaabey jamhadeyn mudo kooban uu waday, taasi oo ay u suurto gali waysay Kismaayo oo gacanta Bare Hiiraale kusoo laabata islamarkaana lagu tilmaamey sababihii u suurto galin waysay Bare Hiiraale inay ka mid ahaayeen Dhowr qodob oo ay ka mid yihiin .
1. Isbedel ku yimid Hogaamiye kooxeed-yadii Koonfurta Somalia oo ay diciiftey awoodihii ay lahaayeen sida mid taageero, dhaqaale iyo siyaasadeed-ba.
2. Dadka Deegaanada Gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo aanan u dhameyn dhaq dhaqaaqii danbe ee Bare hiiraale ku jamhadeynayey.
Ka dib markii uu bilowday dhaq dhaqaaqii xoreynta Gobolada Alshabab haysteen ayuu Bare Hiiraale isku dayey inuu afduub ku sameeyo awooda alshabab lagu burburinayey oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Amisom iyo kuwa Ethiopia, waxaana la sheegey in Bare isku dhufsadey xisaab ah sidii uu ugu rati kacsan lahaa dhaq dhaqaaqaasi , isagoo hami ama rajo ka qabey in uu si khayaano ah mar kale Kismaayo ugu soo gacansho, balse Dowlada Ethiopia oo aragti ku saleysan damaca siyaasadeed ee bare fahan ka qaadatey ayaa xabsi ku dhawaad hal sano ah ku riday.
Taariikhda iyo Waayaha Mugdigaa ee Bare Aadan Shire ma ahan mid qoraal iyo akhris lagu soo koobi karo , waxaase dadka Soomaaliyeed ee dhacdooyinka la soconayey ay ka dharagsan yihiin damaciisa siyaasadeed casharada laga soo bartey .
Xaglo geel wax Gunti la galiyo ka weyn.
Sheegada Bare Aadan Shire Hiiraale ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland maxay u noqon waysay mid horey loogu warhayo oo ay ugu soo koobnaatey in afkiisa oo qudha laga maqlo ka dib markii wareysi uu siiyey idaacadaha afka Somaliga ku hadla qeybtood.
Suurto galnimada in Bare Hiiraale loo aqoonsado Madaxweyne waxaa ay imaan kartaa marka la helo Documentiyo cadeynaya doorashadiisa kuwaas oo sida lala socdo uusan jirin habayaraatee hal xabo oo sawir ama muuqaal muujinaya dadkii doortey, hadiiba ay jirto in bare hogaan loo doortey.
Sheekada uu ku doodayo Col Bare Hiiraale dad badan waxay ku micneeyeen ruwaayad uu dhawaaq dheer ku oranayo Dhagoolow maqal , Indhoolow Arag , oo fasir ahaan ay u muujiyeen dadka falanqeeyey hadalka barre hiiraale mid dadku ay leeyihiin indho ay wax ku arkaan iyo dhago ay wax ku maqlaan islamarkaana doorashii Kismaayo ka dhacdey ay ahayd mid dhamaan umadaha dunida oo dhami indhahoodu arkayeen, waana mid ka bedelan sheekada oraneysa “Indhoolow Arag”.
Laakiin arrinka ka bedelan uu yahay wax dareen oo xasaasiyad oo hadalka Col Bare kusoo kordhinayo deegaanada Jubaland lama filan karo , midaas oo loo aaneynayo siyaasadiisa oo dadku ku tilmaamayaan mid si cad uga timid Muqdisho oo habeen badh laga soo saarey laash uu ku tagey Kismayo.
Lama Qarin karo Lamana Dabooli karo Natiijadii kasoo baxdey shirweynihii Dastuuriga ahaa ee muddo ka soconayey Kismaayo ayey dadku badidood aragtidooda ku saleynayaan.
Barre Hiiraale intii uu soconayey shirkii Kismayo maanta kusoo xirmey, ma uusan soo dhaafin sida ilo xogogaal ah Puntlandpost u xaqiijiyeen albaabada gurigiisa kismaayo ka degan yahay, isaga oo aysan jirin la tashi ama shirar uu kismaayo ku qabtey sida loo warhayo, balse ma kula tahay midaas in uu sameyn karey , sow horey uma aadan maqlin ka dib shirar ay yeesheen Bare iyo Ciidamada Amisom, Saraakiil ka tirsan Maamulka KMG-ka oo isku dhinac ah in uu barre u sheegey markii la weydiiyey sababihii kismaayo u yimid uu ku sheegey in ay la xiriirtey booqashada xaas iyo qoys kismayo ka jooga islamarkaana aysan jirin arrimo siyaasadeed oo uu u yimid.
La iskuma hayo Kismaayo Maanta inay ka dhacdey Doorasho Xalaal ah ku saabsan Madaxweynaha Jubaland iyo Ku xigeenkiisa, Balse isweydiiyoo yaa loo doortey hogaanka Jubaland Maxaase Cadeyn ah oo loo hayaa doorashadooda.
Daawo Sawirada madasha lagu doortey Axmed Madoobey iyo Gen Fartaag.
Gobolada ku bahoobey curinta maamulka Jubaland waxaa ku duugan kheyraad dabiiciya oo alle ku manaystey dhulkooda, waxaana uu faa,iido mustaqbal u hogaaminayaa Maamulka ay sameysteen , kaasi oo sida dad badan saadaalinayaan u horseedaya Isku uruursanaantooda, hirgalinta nidaam sharci iyo kala danbeyn .
Jubaland doorashada hogaankeeda waxaa si weyn looga taageerey goobo badan oo ka mid ah Dowladaha caalamka iyo Somalia, kuwaas oo sheegey inay ku faraxsan yihiin sida guusha ee uu kusoo dhamaadey shirkii Dastuuriga ahaa ee reer Jubaland.
Puntlandpost.com
Kismaayo.