Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: 7 qof oo xukun dil ah Maxkamadu ku xukuntey ka dib dilkii Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Todobo ka mid ah dadkii ka qeyb qaatey dilkii AUN Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa maanta Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gobolada Nugaal,Mudug, Sool iyo Cayn ku xukuntey dil toogasho.

C/raxmaan Xuseen Jaamac Bile oo ahaa ninkii dilay Shiikh Abdulqaadir iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo ahaa qaban qaabiyihii dilka shiikha ayaa maanta la horkeeney maxkamada,waxaana xukunkooda ka hor maxkamada sidoo kale la keeney cadeymo qiraalo ka noqonaya muujinta cadeymaha lagu hayey danbiilayaashan sida ay dilka u geysteen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida Muuqaalo laga duubey, Hubkii shiikha lagu dilay iyo Qaraxyo la sheegey inay goobta ku aaseen .

Inkastoo Saxaafadu banaanka ka joogtey xukunka Maxkamada ayaa shan ka mid ah 7 qof ee la xukumey ay yihiin kuwo maqanayaal ah , balse magacyadooda lagu kala sheegey maqanayaasha sidan :

1-Maxamed Cabdulaahi Ilkacase
2-Mawliid Maxamed
3-Shaqale Xasan Haybe iyo laba nin oo Buni Maxamed iyo Shiine keliya lagu soo koobay magacyadooda.

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

Xukunka Maxkamada ayaa lagu sheegey inay muddo bil ah dadkan ku haystaan racfaan ay ka qaataan xukunkooda , iyadoona maxkamadu sheegtey in labada xukumanayaal ee hadda gacanta lagu hayo loo qabtey qareemo u doodaya.

Allaha u naxariistee Shiikha ayaa Masjidka Al-Badr ee bartmaha magaalada Garowe lagu diley 15-kii February,2013 xili uu tukanayey Salaada Casar.

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>