Ku xigeen maamulka kumeelgaarka ah ee Jubbooyinka Yaasiin Nuur Gaas ayaa waxa uu saaka abbaaro 11:00 subaxnimo ku dhaawacmay rasaas ay fureen koox maleeshiyo oo taabacsan Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale). Kooxdan ayaa jidgooyo dhigatay meel aan sidaa uga fogeyn dekedda magaalo xeebeedda ganacsi ee Jubaland ee Kismaayo.
Yaasiin oo siyaasinimo ka sokow ka mida odayaashaa nabadda aadka uga shaqeeya ee Jubaland oo ka mid ahaa raga mas’uuliyiin ah oo goobta soo garay si ay ula hadlaan kooxdaas hubeysn jidgooyadana u qaadaan, ayaa rasas oodda lagaga rogay. Rasaastan ayoo lala beegsanayay raggii odayaasha iyo mas’uuliyiinta ahaa ee goobta soo gaaray oo ka mid ahaayeen Gen. Fartaag madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo Col. C/laahi Khaldaan madaxa arrimaha Bulshada isla markaan ah guddoomiyaha Kismaayo ayaa waxaa ku dhaawacmay Col. Yaasiin oo ay xabbaddu ka haleeshay wajiga.
Dhaawaca mas’ulkan oo lagu sheegay mid culus ayaa waxaa markiiba lala garay isbitaalka ciidanka AMISON ee Kenya ee ku yaal Eeraboorka Kismaayo. Takhaatiirta ciidanka ayaa markiiba isla gartay in Col. Loo duuliyo dhinacaas iyo Nairobi, si loola tacalo.
Dhaawaca col. Yaasiin ayaa shacabka reer Kismaayo iyo guud ahaan Jubaland aad uga naxeen ugana xumaadeen. Amaanka Madaxda Jubaland ayaa indhowaaleba laga dayrinayaa iyadoo ay magaalada Kismaayo ku sugan yihiin dagaal oogayaal, maleeshiyaad xamar ku xiran iyo kuwo kale oo hubeysan oo aan badankooda cidna ka amarqaadan iyo madaxda Jubaland oo badankoodu aan wadan waardiye culus, kalsoonida ay shacabka ku qabaanna aad mooddo ineey aad sareyso. Isku haleynta noocaan ah waa waxa keenay saaka dhaawaca soo gaaray mas’uulka sare ee reer Jubaland.
Maamulka Jubaland ayaan weli la ogeyn talaabada uu qaadi doono iyo sida uu uga jowaabi doono dhacdadaan maanta ee qiimaha badan ugu kacday.
Wixii soo kordha iyo xaalada mas’ulka kala soco PuntlandPost.com