Kalabeyr (Puntland Post):- Ururka Daryeel oo ka shaqeeya arrimaha bulshada horumarinta iyo nabadda ayaa mucaawimo raashin ah u qaybiyey Agoomo,Dad danyar ah ,Barakacyaal iyo dad naafo ah oo ay saamaysay colaado ka dhacay Koonfurta Gobolka Sool ,Kuwaas oo ku nool deegaano hoostaga Degmada Kalabaydh ee gobolka Sool.
Deeqdan oo ah mid ay bixisay dowladda Turkiga ayaa lasoo soo marsiiyay Dowladda Puntland waxaaana sii marsiiyay Ururka Daryeel oo gaarsiiyay deeqda deegaanadaas Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland.
Raashinka laga qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa isugu jirtay Bur iyo Sonkor gaaraysa ilaa laba boqol oo Ten.
Xaawo Cabdi Cali Kaar Gudoomiyaha Ururka Daryeel oo xafiis ku leh degmada Kalabayr ee Gobolka Sool ayaa u sheegtay PUNTLAND POST inay gaarsiiyeen deeqda dadkii loogu tala-galay xilli ay aad ugu baahnaayeen,Waxayna uga mahadcelisay kaalmadan bini,aadamtinimo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Dowlada Turkiga.
Tirada dadka la gaarsiiyay deeqda ayaa kor u dhaafaysa 500 oo qof , waxayna sheegtay Xaawo Cabdi Kaar inay soo dhaweeyeen deeqda lagu gudoonsiiyay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Sidoo kale waxaa la gaarsiiyay deeqda Ururka Daryeel ka qeybiyay Gobolka Sool deegaanada kale ee ka tirsan Gobolladda Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo raashin laga qeybiyay appeared first on Puntland Post.