Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe munaasabad lagu xusayo maalinta caruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowlada Puntland, Waxaana kazoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Haween, Masuuliyiin ka socda Hay,adda UNICEF , Save The Children iyo Caruur.
Xuska maalinta caruurta ayaa sanadkan looga faaloonayay ilaalinta caruurta iyo daryeelkooda, waxayna goobta ka sheegtay Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin inay wado qorshayaal lagu horumarinayo caruurta sida dhamaystirka siyaasadda daryeelka dadban ee caruurta iyo qorshaha horumarinta caruurta guud oo dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Dowlada Puntland.
Drs Aniso Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay ilgaar ah Wasaaradeedu ku hayso Daryeelka Caruurta khaas ahaan kuwa liita iyo qoysaska ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland Prof Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in wasaaradiisu dadaal dheer ugu jirto sidii ay waxbarasho ku filan u heli lahaayeen caruurta Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garowe ku qabatay xuska Caruurta appeared first on Puntland Post.