Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Hay,adda GIZ oo beenisay in la musuq maasuqay dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

$
0
0

img_0142Garowe (Puntland Post):- Madaxa Mashaariicda Hay,adda GIZ Soomaaliya Christoph Schmidt oo galabta Garowe kula hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in la musuq maasuqay mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo, wuxuuna faahfaahin dheer ka bixiyay marxaladihii uu soo maray mashruucu iyo halka uu marayo hadda.

Christoph Schmidt ayaa sheegay in Hay,adda GIZ ay dalalka Midowga Yurub uga wakiil tahay hirgalinta mashruucan , Islamarkaana ay tahay ujeedada mashruucan in lagu horumariyo maamulka, sharci dejinta  iyo dhinac kasta awooda aqooneed  ee shaqaalaha guud ee Dawladda Puntland.

“Shaqada wada dhisida Jalam – Xarfo waxaa wakiil ka ah hay’adda wadooyinka Puntland taas oo si joogta ah ula shaqeynaysa GIZ, Waxaanna markhaati ka nahay in si sharciga waafaqsan habka caalamiga ah iyo kan Dawladda Puntland loo maray markii la bandhigayey qandaraaska dhismaha wadadan,taas oo ahayd mid aanu aad ugu qanacsanayn habka wanaagsan ee loo maray arrinta tenderka” ayuu yiri Christoph.

Christoph ayaa intaas ku daray inuusan arkin wax khalad ah , Wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka marag kacayo in hab wanaagsan loo maray soo bandhiga qandaraaskan , Islamarkaana ay xaqiiqda ka fog yihiin wararka sheegaya in la musuq maasuqay hanaanka loogu tala-galay inuu mashruucu uga fulo Puntland .

Halkan ka daawo madaxa mashruucan

Wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya Eedeymo ka dhan ah mashruucan oo maalmo ka hor lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta internetka Soomaalida “Arimaha wararka saxaafadda lagu qoray waxaa ka mid ah in qandaraaska loo ogolaaday oo keliya shirkadaha dalka gudahiisa jooga oo kuwa dibadda loo diiday, Balse waxaan sheegayaa in ay arinkan tahay heshiis ay deeq bixiyayaashu ku gaareen in la siiyo shirkaddaha dalka wixii dayactir ah ee kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka taas oo looga gol leeyahay in lagu dhiiri geliyo inay helaan fursado ay dalkooda ugu qaban karaan shaqooyinka noocaan oo kale ah “

Shirka jaraa,iid ee masuul ka tirsan Hay,adda GIZ ayaa kusoo beegmaya xilli ay maanta si wada jir ah u beeniyeen warar qaar ka mid ah warbaahinta lagu qoray madaxda hay,addda wadooyinka Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU iyo Guddiga Qandaraas bixinta Dowlada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Hay,adda GIZ oo beenisay in la musuq maasuqay dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>