Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

NAIROBI: Prof. Gaandi oo loo qorsheeyey inuu ka qayb galo shirka New Deal ee ka dhacaya Biljium(Warbixin)

$
0
0

Nairobi: (pp)-  Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga DF ee Soomaaliya Prof, Gaandi ayaa loo qorsheeyey in maamulka Jubbaland State uu uga qayb galo Shirka ka dhacaya dalka Biljiun ee loogu magac daray New deal, isagoo Wakiil ka ah madaxweynaha Jubbaland State ee Soomaaliya.

Prof. Gaandi

Prof. Gaandi

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirkaas lagu casumay Maamulka Jubbaland State, iyadoo maamulka Jubbaland State uu u xushay inuu shirkaas uga qayb galo Prof. Gaandi oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed .

Maamulka Jubbaland ayaa waqtigan loo maleeyaa in arrimaha khuseeya Beesha Caalamka ay uga qayb galayaan niman  ruug- cadaayaal ah oo aqoonyahano ah , kuwaas oo wax ku bartay dalalka Caalamka , isla markaana Jagooyin sar sare kasoo qayb tay dalka Soomaaliya.

Arrinkaan ayaa noqonaya in Cumar C/rashiid loo wakiishay Shirka ka dhacaya Imaaraatka , halka Prof. Gaandi uu u xirxiran yahay Dalka Biljium, si uu uga qayb gallo shirka New deal.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>