Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo Canbeereeyey Weerarkii Madaxweynaha Jubbaland State

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii maanta lagu qaaday hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xasan Sheekh“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Shiikh Axmed Madoobe. Waxaan leeyhay shacabka goboladda Jubooyinka si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda.

Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha  Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab,

Ugu dambeyntii Madaxaweynaha ayaa yiri” naf-lacaariga iyo sii dhabar go’o  kooxdan, waxaa jab ku sii noqday is-fahamka Umadda Soomaaliyeed”

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>