Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 20998 articles
Browse latest View live

Ra’iisul wasaare Kheyre oo codsay in baaritaan lagu sameeyo Soomaalidii lagu dilay Yemen

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iiual wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

—-DHAMMAAD—-

Faafintii-Puntland Post.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post, Muqdisho

The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo codsay in baaritaan lagu sameeyo Soomaalidii lagu dilay Yemen appeared first on Puntland Post.


Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo geeriyooday

$
0
0

( PP Nairobi) Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya goor dhawayd ku geeriyooday Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Dowladda Puntland.

Xildhibaanka Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxii  8-tii Bishaan Maarso loogu xiray gaarigiisa magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa lagu dabiibayay Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya ugu danbeyna uu halkaas ku geeriyooday.

Puntland Post- Nairobi Office

The post Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Bangiga AMAL oo mashruuc lagu kobcinaayo ganacsiga haweenka ku daah-furay Garowe

$
0
0

Garoowe(Puntland Post)-Bangiga Amal oo kamida kuwa ugu wax tarka badan dhulka Soomaalida ayaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland ku daah-furay mashruuc muhiima oo lagu maalgelinaayo haweenka ganacsiga yar-yar.

Mashruucan oo ay AMAL Bank ka fulinayso ugu yaraan 17 degmo oo ku kala yaala daafaha Soomaaliya ayaa tababar loogu qabtay xarunta dhexe ee AMAL Garowe qaar kamida  dumarka ka faaidaysanaya maalgelintan muhiimka.

Madaxda sare ee AMAL Bank ayaa sheegay in mashruucan looga goleeyahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed maadama ay haweenku yihiin laf dhabarta qoys walba oo Soomaaliyeed.

mashruucan wuxuu qeyb ka yahay himmilada Amal Bank Somalia ee ah inuu qeyb ka noqdo hormarka bulshada, wuxuuna daba joogaa mashaariic badan oo bangiga Amal waddo.

PUNTLAND POST

The post Bangiga AMAL oo mashruuc lagu kobcinaayo ganacsiga haweenka ku daah-furay Garowe appeared first on Puntland Post.

Dekada Bosaso oo lagu soo bandhigay Markabkii laga soo furtay Burcad Badeeda

$
0
0

Dekadda magaalada Boosaaso ee  xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay Markab laga leeyahay dalka Siralanka oo dhawaan ay ka soo furteen kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida Ciidamada Badda dowlada Puntland.

Markabka ayaa muddo saddex cisho ah lagu baarayay Dekeda magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, kadib markii uu soo baxay shaki ku saabsan inuu markabkaan yahay maraakiibta kala gudbiya mukhaadaraadka hubka iyo xaalufka lagu hayo xeebaha Puntland.

Wariyayaasha ku sugan magaalada Boosaaso ayaa loogu soo bandhigay Markabkaan gudaha Dekada Caalamiga ah ee Boosaaso.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

Puntland Post Xafiiska Bosaso

The post Dekada Bosaso oo lagu soo bandhigay Markabkii laga soo furtay Burcad Badeeda appeared first on Puntland Post.

Kulan ku saabsan dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe oo maanta qabsoomay

$
0
0

Xarunta Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ee Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan looga arrinsanayey dardar gelinta bilowga dhismaha wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Kulankan oo uu shir Gudoominayey Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa ka qaybgalay,Agaasimaha guud ee wasaaradda, Gudoomiyaha Hay’ada Wadooyinka ee PHA, Injineero iyo Madaxda shirkadda qandaraaska dhismaha wadada ku guulaysatay ee Isxilqaa ayaa siweyn loogu gorfeeyey sidii loo bilaabilahaa shaqada dhismaha wadadaasi oo lafilayo in mudo todobaad gudihiis ah ladaahfuro dhismeheeda.

Shaqada ugu horaysa ayaa waxaa qaban doona Hay’ada PHA oo kaashanaysa wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland, waxaana ay kadhacaysa inta u dhexaysa Kantaroolka Burtinle ilaa Xarfo.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo gabagabadii warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qorshihii uu gabo gabo marayo ayna dhowaan filayaan in shirkadda lagu wareejiyo qandaraaska.

Mudane Cabdirashiid ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii wadadaasi dadka loogu dhisi lahaa, wuxuuna ku booriyey cid walba inay qaadato kaalinteeda muhiimka ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Kulan ku saabsan dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe oo maanta qabsoomay appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xil kaqaadis ku sameeyey Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda dowladda Puntland, kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland

Waxuu xeeriyey: 

Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)

1. Xeerkani waxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland

The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda appeared first on Puntland Post.

Biyo la,aan haysa deegaano ka tirsan Gobolka Bari

$
0
0

Ka dib socdaal saacado badan qaatay markii ay ku gaareen deegaano wax badan ka fog laamiga saraakiil ka tirsan Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN iyo Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane waxay ugu kuurgaleen xaalada abaareed ee ka jirta deegaano hoosyimaada Degmada UFEYN ee Gobolka Bari.

Socdaalkan oo aanu ku marnay dhul masaafo dheer waxay ku qotontay ujeedadiisu helida xogta biyo la,aanta iyo biyo u dhaaminta dadka iyo duunyada fara-badan,waxaana markii ugu horeysay maanta ay gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Wakaalada Biyaha Puntland deeq biyo  ah oo Hay,adda UNICEF usoo dirtey  Gobolka Bari.

Baaxada iyo Saameynta ay leedahay abaarta ka jirta dhul fara-badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ayaa ah mid kasoo dareysa marba marka kasii danbeeya, waxayna iminka raad muuqda ku yeelatay biyo la,aan soo wajahday kumanaan qoys oo ah dadka ku nool tuulooyinka iyo qararka miyiga.

Daawo warbixin xiiso leh oo uu kasoo direy Wariye Abshir Dhiirane Deegaanka Jeedaal oo ku yaala bariga fog ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Biyo la,aan haysa deegaano ka tirsan Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeyey geeriga Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan


S/guud Siciid Dheere oo xalay lagu soo dhaweeyay Garowe

$
0
0

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Sareeye guud Siciid Maxamed Xirsi oo labadii 2 bilood ee lasoo dhaafay socdaal aan la shaacin ujeedadiisa ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maqribnimadii shalay lagu soo dhaweeyay duleedka Galbeed ee magaalada Garowe ka dib socdaal uu kaga soo kicitimay magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugnaa todobaadkii lasoo dhaafay.

Sareeye guud Siciid Dheere ayaa hawlo shaqo oo aan xog rasmiya laga hayn labadii bilood ee u dambeeyay u tagay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay soo dhaweynta shalay gabal gaabkii loogu sameeyay duleedka Garowe qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa furimaha ka dagaalama ee Puntland.

Soo dhaweyn ka dib S/guud Siciid dheere ayaa loo galbiyay xerada 54aad ee ciidanka daraawiishta Puntland, waxaana warar madax banaan sheegayaan inuu Jenenku ka qeyb yahay Saraakiil sar sare oo loo xushay inay ka qeyb qaataan dhismaha ciidan qaran oo uu leeyahay dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saraakiisha 54aad oo si hoose ula hadlay PUNTLAND POST ayaa rajo ka muujiyay suurto galnimada inuu soo daahiro qorshe horey uga dhexeeyay maamul goboleedyada dalka, beesha caalamka iyo Dowlada Federalka  oo ka qeyb noqonaya gudo galka dhismaha lagu doonayo ciidan qaran oo hoostaga Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa shalay Garowe uga dhoofay Muqdisho saraakiil uu hogaaminayo Taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta General Deyr Xaaji Cabdi, oo wararku sheegayaan inuu u tagayo Muqdisho arrimo la xiriira guddiyadii heer maamul goboleed ee u xilsaarnaa sugida amniga doorashadii Dad-baneeyd ee lagu soo xulay Xildhibaanada Aqalka hoose .

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo ka mid ah xubnaha ku wehlinaya General Deyr socdaalka uu ku tagayo Muqdisho ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST inuu ka dambeeyay safarkoodu ka dib caasumaad ay ka heleen xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay UNSOM Guddiyaddii heer maamul goboleed ee sugayay Amniga doorashooyinkii ka qabsoomay Caasimadaha Dowlad Goboleedyada dalka.

Sawiro soo dhaweyntii S/guud Siciid Dheere.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post S/guud Siciid Dheere oo xalay lagu soo dhaweeyay Garowe appeared first on Puntland Post.

Maamulka Hir-shabeelle oo ka hadlay Weerar ka dhacay magaalada Jowar

$
0
0

Maamulka Goboleedka Hir-shabeelle ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar kooxo hubaysan ay Xalay ku qadeen guriga Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas uu ka dagganyahay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka.

Wasiir ku Xigeenka Amniga Hir-shabeelle Cali Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta Magaalada muqdisho ayaa sheegay in tiro Hoobiyayaal ahaa Habeenkii xalay ahaa ay ku dhaceen Gudaha Magaalada islamarkaana laga soo tuuray dhanka Suuqa Xoolaha ee Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in Hoobiyayaasha aysan geysan wax qasaaro islamarkaana Ciidamada amaanka magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ay durbadiiba ay ku baxeyn kooxihii weerarkaas ka dambeeyay islarmarkaana ay dagaal kooban ay la galeen.

Ugu dmbeyntii Wasiir ku Xigeenka Amniga Hir-shabeelle Cali Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Hir-shabeelle ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka hortagaan falalka amniga lidiga ku ah ay geysteen Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samater(Cowke)

Puntlandpost Muqdisho

The post Maamulka Hir-shabeelle oo ka hadlay Weerar ka dhacay magaalada Jowar appeared first on Puntland Post.

Galmudug oo Maxkamad soo taagaysa Rag watay walxaha Qaraxa

$
0
0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamadd lagusoo taagayo Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee maamulka Rag watay gaadiid ay saaranyihiin walxaha qarax oo lagu qabtay duleedka Magaaladaas.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ahna ku-simaha Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in maxkamadd lasoo taagi doono Labo dhalinyaro ah oo lagu qabtay Howlgal Laga sameeyay duleedka Magaalada Cadaado xili ay gari ah ay ku wadeen waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa tilmaamay in Galmudug ay si cadaalad ah u maxkamadeyn doonto dadka loosoo qabto falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca deeganada maamulka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Magaalda cadaado lagu soo bandhigay Rag watay gaadiid ay saaranyihiin walxaha qaraxa kuwaasi oo laga qabtay inta u dhaxaysa degmooyinka Ceel-buur iyo Xanan Buure ee Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo Maxkamad soo taagaysa Rag watay walxaha Qaraxa appeared first on Puntland Post.

Hay,adda SHILCON oo deeq biyo ah ka qeybisay Bari iyo Karkaar

$
0
0

Hay,adda SHILCON oo ka mid ah ururada maxaliga ee ka jira Soomaaliya ayaa maanta deeq biyo ah oo ka timid Hay,adda UNICEF ka qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar, sida deegaanada kala ah Guud_cad,Sanbarwaaqo iyo Isku shuban , waana deeq qeyb ka noqonaysa biyo dhaan 45 cisho ah oo ay hay,adda UNICEF uga biyo dhaaminayso Gobolada Puntland.

Cumar Maxamed Jaamac oo ah kormeeraha mashaariicda ee Hay,adda PSAWEN ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ololahaani uu qeyb ka yahay biyo dhaan xoog leh oo ay mudooyinkan ka wadaan dhulka baadiyaha Dowlada Puntland iyo Hay,adda UNICEF.

Wuxuuna sheegay in deeqda maanta laga qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar in loo soo marsiiyay Hay,adda SHILCON oo uu sheegay inay isku soo abaabushay qaab wanaagsan oo qiimo ku fadhiya, Islamarkaana iskaashi dhaw oo wada shaqeyneed la leh Wakaalada Biyaha Puntland ee (PSAWEN).

Sidoo kale Hay,adda Biyaha iyo Tamarta Puntland (PSAWEN) ayaa shalay deeq biyo ah oo ka timid isla hay,adda UNICEF gaarsiisay deegaano ka tirsan Gobolka Bari sida Deegaanada kala ah Jeedaal,Uurcad oo hoostaga degmada Ufeyn.

Dadka la gaarsiiyay deeqdaan ayaa uga mahadceliyay Dowlada Puntland iyo Hay,adda UNICEF doorka ay ka qaateen gurmadka biyo dhaanka ee abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Hay,adda SHILCON oo deeq biyo ah ka qeybisay Bari iyo Karkaar appeared first on Puntland Post.

Dad Abaarta ugu geeriyooday Jubbaland

$
0
0

Guddiga gurmadka Abaaraha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gobolada Jubbada dhexe iyo Gedo ay ugu yaraan 30 qof ugu geeriyoodeen Abaarta iyo macaluusha halkaas ka jirta owgeed.

Meelaha dadku ugu geeriyooday macaluusha Abaartu keentay ayaa waxaa ka mid ah Bu’aale, Garbahaarey,Saakow,Salaagle iyo deegaano kale oo ka tirsan goboladaas.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in 36-kii saac ee ugu dambeysay ay deegaanadaas 26-qof ku geeriyoodeen, wuxuuna ku baaqay in gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool goboladaas.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka jira Abaar aad u liidata, taas oo saamaysay dad iyo duunyaba.

PUNTLAND POST 

The post Dad Abaarta ugu geeriyooday Jubbaland appeared first on Puntland Post.

Dowladda Turky-ga oo ku soo biirtay Dagaalka lagula Jiro Al-shabaab

$
0
0

Dowlada dalka Turky-ga ayaa sheegtay in ay ku soo biireyso dagaalka lagula jira Ururka Al-shabaab iyadoo sidoo kale magaalada Mogadishu si rasmi ah ugu furi doonto bisha April saldhig military oo aad u baaxad weyn kaa oo in muddo ah dhismihiisu uu socday.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso 500 oo ciidan ah sanadkan si ay dagaal ula galaan  Ururka Al shabaab iyadoo xustay in lacag $50 million ah ay ugu baxeyso Saldhiga militri ee laga furayo magaalada Mogadisho.

Dagaalada dalka ka socda ee Al shabaab lagula jiro oo sidoo kale ku laamansan saddex sano oo abaaro ah ayaa dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in uu cuuryaamay dhaqaalaha dalka Soomaalia.

Xarunta magaalada Mogadisho ayaa la sheegay in ay yeelaneyso saddex xero military oo ku dhex sameesan oo cabirkeeda gaarayo 400 oo hectar kuwaa oo deris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Mogadishu iyo dakedda weyn ee Mogadisho.

Dowlada Turkiga ayaa tan iyo sanadii 2011-kii dalka soomaaliya waxa ay ka fulisay mashaariic horumarineed iyadoo dhistay wadooyin xarumo caafimaad iyadoo sidoo kale ka qeyb qaatada xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Dowladda Turky-ga oo ku soo biirtay Dagaalka lagula Jiro Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Al-Shabaab oo Oday Dhaqameed ku toogtay G/Sh/Hoose

$
0
0

Maxkamad ay leedahay Al-shaabab oo kutaal degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay galab xukun dil ah ku Fuliyay mid kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Fagaare kuyaal Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa shaley gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ’ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Cusmaan Diini Cali waxa uu kamid ahaa ragii soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno key oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Xasan Shiikh aadan ee Baydhabo kusoo xulay Xildhibaanada”, sidaa waxaa yiri qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lagu hayay beegsi, waxaa bishii Februay aynu kasoo gudubnay la dilay 8-nabadoon.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Al-Shabaab oo Oday Dhaqameed ku toogtay G/Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.


Golaha Wasiirada Soomaaliya oo goordhow lagu dhawaaqayo

$
0
0

Waxaa hadda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka soconayo Munaasabada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo in goordhow lagu dhaqaaqo.

Xarunta waxaa ku sugan siyaasiin u badan qurbo joog kuwaasi oo laga yaabo in ay kamid noqonayaan Golaha wasiirada Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo ay dib u dhacday Magacaabista Golaha Wasiirada waxaa lagu wadaa in goordhow si toos ah loogu dhawaaqo.

Hadal heeynta ugu balaaran guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa saaka ah magacaabista Golaha wasiirada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday

Magacaabista Golaha Wasiirada kala soco Puntland post Insha allah.

Xasan Maxamed Smaatar Cowke

Puntland Post Muqdisho 

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo goordhow lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.

Puntland Post oo heshay Magacyada iyo Xilalka qaar kamid ah Wasiirada Cusub

$
0
0

Goordhow waxaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada Xuukumada Soomaaliya Lagu dhawaaqo.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa ku Jiri doono Siyaasiin cusub iyo kuwo horay u soo shaqeeyay.

Warbaahinta PUNTLAND POST Xafiiskeeda Muqdisho ayaa heshay Xogta iyo Magacyada qaar kamid ah Wasiirada Cusub.

Xogtaan ayaa waxa ay sheegaysa in  Cabdiraxmana yariisoow , Yuusuf Garaad, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Maryan Qaasim iyo Juxaa ay ka soo muuqan doonaan Golaha Wasiirada.

Drs Maryan Qaasim R/kuxigeenka 1aad ee Dalka  ayaa loo Magacaabi doonaa.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo Magacaabi doonaa Wasiirka Arimaha Dibada.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Waxaa loo Magacaabi doonaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Xoosh Jibriil  waxaa loo magacaabi doonaa Wasiirka Dastuurka Dalka .

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Puntland Post oo heshay Magacyada iyo Xilalka qaar kamid ah Wasiirada Cusub appeared first on Puntland Post.

Puntland iyo khuburo Caalami ah oo iska kaashanaya Dejinta Siyaasado Cusub oo lagu hagi doono Xarumaha Dawladda

$
0
0

Shir looga hadlayey dardargelinta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, dib u casriyaynta qaab dhismeedka dawladda iyo dejinta siyaasado cusub oo lagu hagi doono dhammaan xarumaha hay’adaha kala duwan ee dawladda  ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay khuburo kasocotey bangiga adduunka kuwaas oo Puntland u yimi sidii ay dawladda talooyin uga siin lahaayeen dib u casriyeynta qaab dhismeedka hay’adaha kala duwan ee dawladda, sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay inta badan agaasimayaasha wasaaradaha dawladda.

Siyaasadaha la doonayo in loo dejiyo dawladda isla markaana ay kala talinayaan khuburadaan ka socoto bangiga adduunka ayaa waxaa ka mid ah  Re-organization and Modernization, Competency Framework Development  iyo Career Development Framework  for Government Civil Service , siyaasadahaan ayaa waxaa lagu hagi doonaa dhammaan xarumaha dawladda Puntland.

Ujeedada ka dambaysa in siyaasadahaan la dejiyo si loogu hago dawladda ayaa qayb ka ah hannnaanka dardargelinta shaqada xafiisyada dawladda iyo wax ka beddelka ama casriyaynta qaab dhismeedka hay’adaha dawladda si loo adkeeyo maamulka iyo kala dambaynta ka jirta xarumaha dawladda isla markaana loo tayeeyo hannaanka shaqo ee guud ahaan xarumaha dawladda.

Ballanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ahaa markii uu xilka la wareegey in uu dib u habayn iyo tayayn ku samayn doono shaqaalaha dawladda si’ay xuquuqdooda u helaan isla markaana u gutaan waajibaadkooda.

—DHAMMAAD—

The post Puntland iyo khuburo Caalami ah oo iska kaashanaya Dejinta Siyaasado Cusub oo lagu hagi doono Xarumaha Dawladda appeared first on Puntland Post.

AKHRISO: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.

Golaha Wasiirada Cusub ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa ay ku Koobanyihiin 26- Xubnood, 25 Wasiiro ah iyo Ra’isilwasaare ku Xigeen .

Waxaa Warbaahinta u aqriyay Xubnaha lamagacaabay Afhayeenka Xuukumada Soomaaliya Cabdi Casiis Xaaji Goobdoon.

Hoos ka Aqriso Magacyada Golaha Wasiirada.

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka

15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland post Muqdisho

The post AKHRISO: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.

Akhriso: liiska Golaha wasiirrada, wasiir ku-xigeennada iyo wasiir dowlayaasha

Viewing all 20998 articles
Browse latest View live