Gaalkacayo: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhacay kulan balaaran oo lagu taageeraayey maamul u samaynta degaanada Jubbaland, lagagana soo hrjeeday qaadista Xayiraada Hubka Soomaaliya, Kulankan oo ay kasoo qayb galeen wax garadka,Siyaasiyiinta,Dhalinyarada iyo Haweenka Gobalka Mudug ayaa siweyn looga soo horjeestay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubaka waxaana taageero xooleh loo muujiyey Shirka Magaalada Kismaayo ee Maamulka loogu dhisaayo Dawlada Gobaleedka Jubbaland.
Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland xilal kala duwana kasoo qabtay Dawlada Puntland ayaa sheegay inay dhibaato weyn ka imaan doonto hadii la isku dayo in Soomaaliya laga qaado xayiraada Hubka uuna dalku dib ugu laaban doono dhibaatadii uu ku sugnaa sanadihii sagaashameeyadii wuxuuna golaha Amaanka ugu baaqay inay dhagaystaan dhawaaqa kasoo yeeraaya Bulshada iyo Maamulada soomaaliyeed aysan qaadin xayirad hubka, waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya xiligan ka jirin ciidan qaran oo ka kooban dhamaan umadda Soomaaliyeed hase ahaate ciidamada Dawlada Soomaaliya waxaa laga qoraa dad gaar ah ayuu yiri Gaagaab.
Dhanka kale Gaagaab ayaa wax lasoo dhaweeyo ku tilmaamay Dadaalka Maamulka loogu dhisaayo degaanada Jubbaland oo tan iyo Buburkii Dawladii Soomaaliya aan lahayn Maamul rasmi ah, wuxuu ugu baaqay Dawlada Soomaaliya inay taageerto Dawlada Gobaleedka Jubbaland ayna joojiso iska indha tirka rabitaanka umadda Soomaaliyeed, Waxa uu sheegay inay Soomaaliya tahay Wadan Federal ah sida ku cad dastuurka Soomaaliya waxaana loo bahayn yahay inay Dawladu taageerto cid kasta oo doonaysa inay samaysato Dawlad Gobaleed ayuu hadlkiisa sii raaciyey.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan C/qaadir Suldaan Cali Keenadiid wuxuuna qorshaha lagu doonaayo in lagu qaado xayiraada hubka ku tilmaamay mid ka hor dhacaaya mar xaladaha Dalka Soomaaliya, Dalkana dib ugu celinaaya wixii uu kasoo kabanaayey, isagoo arin khtarteeda wadata ku tilmaamay hadii la qaado xayiraada hubka Soomaaliya, wuxuuna suldaanku Golaha amaanka ugu baaqay inay arinkan si aada ugu fiirsadaan ka hor inta aysan u codayn qaadista xayiraada Hubka, Dhanka kale wuxuu siweyn u taageeray qorshaha Maamulka loogu dhisaayo Dawlada Gobaleedka Jubbaland oo u ku tilmaamay mid ku taagan wadadii saxnayd, wuxuuna Dawlada Soomaaliya ugu baaqay inay isgarab taago umadda Soomaaliyeed ee reer Jubbaland oo ka tashanaaya aayohooda.
Waxaa iyaduna halkaas hadalo kulul ka jeedisay Dhudi Yuusuf oo kamid ah ururada Haweenka Gobalka Mudug waxayna wax lala yaabo ku tilmaatay cid wakhtigan ku fakaraysa in xayiraada Hubka laga qaado Soomaaliya, Iyadoo dhan kalena Dadka reer Jubbaland ugu baaqday inay samaytaan Maamul loo wada dhan yahay ayna dhagaha ka furaystaan cid kasta oo doonaysa inay majara habaabiso umadda reer Jubbaldnd, Iyadoo sheegtay inay garab taagan yihiin dadka reer Jubbaland.
Isku soo duubo dadkii kulankan ka hadlay ayaa dhamaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin in wakhtigan la qaado xiyiraado hubka Soomaaliya, Iyagoo taageero balaaran u wada muujiyey Dawlada Gobalaeedka Jubbaland, Wuxuuna kulankan kusoo aadaaya xili ay Dawlada Puntland sidan oo kale uga soo horjeesatay in la qaado Xayiraada Hubka Soomaaliya ayna taageertay Maamul u samaynta Gobalada Jubbaland.
puntlandpost.com