Bosaso(PP): Wasaaradda Amniga Dowlada Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso saxaafada ugusoo Bandhigtay agabyo ay isticmaali jireen ururka Al-shabaab ee fariisinka ku lahaa Deegaanka Gal-gala.
Xarunta Wasaarada ee magaalada Boosaaso ayaa wariyaasha loo gusoo bandhigay qalabkaan oo isugujira, Walaxaha Qarxa, Rasaas, Daaawooyin, Raashin iyo agabyo kale.
Kusimaha Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shir jaraa’id oo ay uqabteen wariyaasha faah Faahin kaga bixiyay walxahaan ay soo bandhigeen.
Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Ayaa sheegay in alaabtaan ay isticmaali jireen xogaga taabacsan Al-shabaab ee fariiisinka ku leh Buurha Gal Gala ee gobalka Bari.
…,,, Meel Saldhig ah oo wax yar ka sokaysa Gal-Gala ayaan kasoo qabanay alaabtaan oo isugu jira Qaraxyo diyaarsan, raashin, Dawooyin iyo Rasaas …,, ayuu yiri kusimaha xilka wasiir ku xigeenka Amniga Pl.
C/Jamaal ayaa dhinaca kale xusay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha uu ugu yeeray Argagixisada, waxaana uu intaasi raaciyay inay guulo kagaareen ciidanku hawlagalkii shalay.
Arintaan ayaa kusoo adaysa xili maalinimadii shalay ay hawlgal kasameeyeen ciidanka Puntland deegaanka Gal-Gala halkaasi oo ay saldhigyo ku lahaayeen xogag taabacsan Al-shabaab.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso.