Garowe(pp)Siyaasi Cali Maxamed Geeddi oo horey usoo noqdya reysal wasaarihii Soomaaliya xilligii allaha unaxariistee Dowladii Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qado sharaf si weyn loo agaasimay loogu sameeyay magaalada Garowe oo uu maalmahaan ku sugan.
Qadasho sharaftaan ayaa Cali Maxamed Geeddi waxaa u sameeyay beesha Maxamuud Harti ee Warsan gelli oo kamid ah beelaha Puntland, iyadoo goobtana ay joogeen rag ay kamid ahaayeen gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre , Garaad C/laahi Cali Ciid Afhayeenka Isimada Puntland iyo xildhibaan C/Xakiin Dhoobo- Daareed oo dhammaad kasoo jeeda beeshaasi.
Cali Maxamed Geeddi ayaa aad uga mahad celiyay qado sharafta loo sameeyay, Wuxuuna sheegay inuusan waligiis hilmi maami doonin qaabka loo sharfay looguna soo dhaweeyay caasumadda Puntland.
Geeddi ayaa sheegay dadka reer Puntland inay ku amaanan yihiin soo dhaweynta iyo gacaltooyada ay u sameeyeen waftiyada kala duwanaa ee ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Puntland Dr C/Weli Maxamed Cali Gaas.
Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay la kulmaan Cali Maxamed Geedii oo ay ku sheegeen inuu yahay siyaasi Soomaaliyeed oo sumcad weyn ku leh umadda Soomaaliyeed islamarkaana sxb dhow la ah Puntland.
Waa markii ugu horeeyay oo Cali Maxamed Cali Geeddi qado sharaf u sameyso mid kamid ah beelaha Puntland. Arintaan ayaa laga yaabaa inay dhiiri galiso bulshooyinka kale ee Puntland.