Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dibad bax lagu taageerayo ciidanka Kenya oo Kismaayo ka dhacay(Sawirro)

$
0
0

Kismaayo(pp)Dibad-baxyo ballaaran oo shacabka Jubbada hoose ay ku muujinayeen taageerada ay ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan u hayaan ayaa maantay ka dhacay magaalooyin ay ka mid tahay Kismaayo.

12Wasiiro ka tirsan mamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka qayb galay banaan-bixii maantay ka dhacay magalada Kismaayo,waxayna dadku wateen boorar kala duwan oo ay ku qoran yihiin erayo ay ku dalbanayaan in ciidanka Kenya aysan ka bixin Jubbooyinka.

8Degmooyinka ay banaanbaxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Afmadow, deegaanka Dhoobleey, Qooqaani,waxaana shacuurta dadka laga dareemayay inaysan hadda diyaar u ahayn in ciidanka Kenya laga badalo Jubbooyinka,waxana mudooyinkii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya Ciidanka Kenya in Jubbooyinka laga rari doono.

9Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga iyo kan arrimaha bulshadda oo banaanbixii Kismaayo ka qayb galay ayaa dadkii isku soo baxa u jeediyay khudbado kala duwan,waxayna sheegeen inay ku raacsan yihiin dareenka shacbaka Jubba ayna xilikan muhiim ahayn in ciidanka Kenya laga saaro Jubbooyinka.

3Madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka magalada Kismaayo iyo guud ahaanba deegaanadda mamulka Jubba,wuxuna sheegay inaysan hadda raali ka ahayn in ciidanka Kenya ay ka baxaan Jubbooyinka.

2Dadka oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan ku raacsanayn fikirka ah in Ciidanka Kenya oo howlgalka AMISOM ka mid ah laga saaro Jubbooyinka,waxayna socod dheer kusoo mareen xaafadaha kala duwan ee magalada Kismaayo.

13 11 10 8 7 6 5

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>