Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ceerigaabo:Shiikh C.naasir oo ka hadlay raadka xun ee macsida iyo dhiiga muslimka oo la xalaalshado(Sawirro)

$
0
0

Ceerigaabo(pp)Nadwo diini ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay masaajidka Jaamac wayn ee ee magaalada Ceerigaabo ayaa gashay habeenkii 5aad.

dsc01087Sheikh C/naasir Xaaji Axmed Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay muxaadaro aad u qiimo badan kasoo jeediyay Nadwada ka socta magaalada Ceerigaabo
dsc01079Muxaadarada ayaa ciwaankeedu ahaa Macsida iyo raadka xun ay ku reebto qofka bulshada
dsc01079Shiikh C/naasir Xaaji Axmed Yuusuf ayaa ku dheeraday macaasida iyo raadadaka ay reebto waxanu sigaar ah isku dul taagay dilka qof muslim ah dhiigiisa xaq daro lagu daadiyo sida in qabiil iyo aano dartiis lagu daadiyo ama magac diineed ha lagu daadiyo.
dsc01074Cabdinaasir ayaa ka digay dadka banaysanaya dhiiga muslimiinta ee aan cidna dhaafayn haday tahay wax garad iyo culimo intaba iyaga oo ku gabanaya magac jihaad , ama diin .
Sida kale waxa uu shiikhu ku dheeraaday is qarxinta oo u ku timaamay mid xaaran ah qofkuna uu noqonayo mid naftiisa dilay , Cabdinaasira oo qaab su,aal ah loo waydiiyey masalada is qarxinta ayaa waxa uu uga digay dadka in ay ka digtoonaadaan waxanu tilmaamay in aan shahaado lagu tilmaami karin qofka is dila.

 

Nadwada ayaa waxa lagu soo khatimay sidii caadadu ahayd su,aalo culimada la waydiiyey waxaana caawa su,aalaha ka jawaabay culumada kala ah
1-Sheekh Maxamed Cumar Dirir
2-Sheekh Dr Xasan Sheikh Cali Warsame
3-Sheekh Axmed Maxamed Sulaymaan

 

Nadwadan oo ay soo qaban qaabisay mu,asasada dacwada iyo horumarka ee al- karam ayaa gashay habeenkii 5 aad iyada oo la filayo in ay sii socoto Maalmaha soo socda

dsc01089 dsc01084 dsc01078 dsc01079 dsc01080 dsc01077 dsc01074 dsc01073
Mu,ssada Al-Karam Ee Dacwada &Horimarinta


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>