Muqdisho(pp) Saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Diifaaca Talyaanig Jeneraal Marco Bertolini ayaa soo gaaray magalada Muqdisho xarunta Somalia,halkaasoo ay kulan kula qaateen masuuliyiinta wasaradda gaashaandhiga xukumadda Somalia.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ahna ku sime wasiir C/laahi Xuseen Cali ayaa saraakiishaan ku qaabilay magalada Muqdisho,waxayna labada dhinac ka wada hadleen hirgalinta heshiis horay loogu gaaray magalada Roma ee xarunta Wadanka Talyaaniga iyo muujinta doorka xukumadda dalkaasi ay ku lee dahay adkaynta amniga Somalia.
Saraakiisha ugu saraysa ciidanka Dalka ayaa wasiir ku xigeenka kulanka uu la qaatay sarakishan Talyaaniga ka socota ku weheliyay,masuuliyiinta Talyaaniga ka socday ayaa sheegay inay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee dalka.
Xiriir wannaagsan ayaa ka dhaxeeya labada dowladood,marka taas laga soo tagano Talyaaniga ayaa soo gumaystay kuunfurta Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho