Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa ilaa shalay nasoo gaaraya fariimo tacsiya oo ay dadka Soomaaliyeed ka dirayaan geeridii ku timi allaha u naxariistee RW.hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday wadanka Maraykanka habeen ka hor.

Axmed B C-laaahiDadka dhabaalada tacsida ah nasoo gaarsiiyay waxaa ka mid ah Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse,wuxuna boqorku sheegay inuu samir iyo iimaan ka siiyo dhamaan dadkuu uu ka baxay iyo waliba ehelkiisii.

Waxa uu sheegay Boqor Axmed Marxuub Cabdirisaaq Xaaji Xuseen inuu ahaa shaqsi halyeey ah oo dadka Soomaaliyeed ay xasuusan doonaan,laguna dhaqmi doonoo arrimihii wanaagsanaa ee uu ka tagay.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku geeriyooday da’da 89-,wuxuna inta uusan dhiman ka dardaarmay in xaalada wadanka la hagaajiyo oo midnimadda dalka laga shaqeeyo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>