Muqdisho(pp) Afhayeenka Ciidamadda nabad ilaalinta u jooga gudaha Somalia ee AMISOM Col.Xaamud ayaa ka hadlay badalaada lagu sameeyay ciidanka ka socda dowlada Kenya ee ku sugan magalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay Ciidanka Kenya inaysan dalka ka baxayn balse is badal lagu sameeyay adkaynta ammaanka magalada Kismaayo,wuxuna tilmaamay ammaanka Kismaayo in laga wareejiyay ciidankaas oo loo dhiibay ciidamadda ka socda wadanka Siraliyoon.
Shacabka ku nool deegaanada mamulka Jubba ayaa ka banaan baxay in is badal lagu sameeyo ciidanka ka socda Kenya ee ku sugan magalada Kismaayo,waxayna ku tilmaameen haddii ciidanka kala la keeno inuu is badal hoos u dhaca uu imaanaya.
Balse arintaasi waxaa ka hadlay Col.Xaamud oo sheegay in ciidanka Kenya ay ku sugnaan doonan deegaanadda kale ee Gobalka Jubadda hoose.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho