Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Puntland oo cudurka Sambabka ka talaalaysa 2-Malyan oo neef (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Wasaaradda xananada xoolaha dowladda Puntland ayaa dhowaan bilaabi doonta barnaamij ballaaran oo labo malyan oo neef oo Ari ah lagu samayn doono tallaalka ka hortaga cudurka halista u ah ee Sambabka.

SAMBABKA RIYAHAAgaasimaha guud ee wasaradda xanaanadda xoolaha dowladda Puntland oo caawa la hadlayay Radio Garowe ayaa tibaaxay xoolaha la talaalayo inay yihiin kuwo uusan wali ku dhicin cudurka Sambabka,sababta arrintaasina loo samaynayona ay tahay sidii arriga looga bad baadin lahaa xanuunada ku dhici kara.

Dr.Ibraahim Xareed Cali waxa uu hadalkiisa ku daray xoolaha kale ee qaba cudurka Sambabka inay siyaabo kala ula tacaali doonaan.

Cudurkaan la yiraahdo Sambabka ayaa Soomaalida waxay u taqaanaa magacyo badan oo kala ah,Riinweyne, Haarweyne iyo Gees-dhowr waana mid halis ah oo hadduuku dhoco xoolaha aaqirkii dila.

Cudurkan ayaa leh astaamho kala duwan bal aanu sharaxaad kooban ka bixino.

Cudurkan wuxuu u soo ifbaxaa laba nooc, kuwaas oo kala ah nooc kedis ah iyo nooc
jiitama oo neefka muddo haya.
Nooca kediska ahi ma leh astaamo muuqda oo lagu garto, neefka uu ku dhacana si kedis
ah ayuu u dilaa ; ilaa 24 saacadood gudahood. Noocan waxaa lagu arkaa meelaha uu
cudurku muddo badan ka maqnaa ama ay markaas ugu horayso.
Noociisa jiitama ama mudaada haya neefka ayaa lagu arkaa astaamaha ama tilmaamaha
cudurkan lagu yaqaan. Waxaana ka mid ah :
Ø Dhogor madoobaad (cadar)
Ø Qandho ama xumad sare
Ø Duuf
Ø Qufac joogto ah
Ø Neef qabatow
Ø Hiinraag ama taah
Ø Caatow iyo caano yareyn
Ø Neefsiga oo deg-deg noqda
Ø Lugaha hore oo uu kala fidiyo
Ø Socodka oo dhiba neefka.

Haddaba halkan hoose ka dhagayso Agaasimaha wasaradda xanaanada xoolaha PL
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles