Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Baarlamanka oo khudbad ka jeediyay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (Sawirro)

$
0
0

(War-saxaafadeed) Afhayeenka Baarlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tehran ee caasimadda Dalka Iran.

IMG_2727Shirka oo socon doona mudo Laba cisho ah oo kala ah 18-19ka bishan February waxaa si rasmi ah u furay maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Hassan Ruhani oo isagu sheegay iney lagama maarmaan tahay xiligan in dalalka Islaamku iskaashi ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka qaarkood sida Falastiin,Afghanistan iyo Syria waxaana uu xusay in Dowladda Iran ay diyaar u tahay dal walba oo Islaam ah iney la sameyso iskaashi buuxa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran marti gelinta shirkan dalalka Iskaashiga Islaamka iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo, sidoo kalena Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ka waramay hormarrada uu ku talaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliyeed oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hada iskaashi buuxa la leeyahay dalal badan oo caalamka Islaamka ah waxaana uu intaa ku daray in mar walba ay diyaar u yihiin iskaashi buuxa oo ay la sameeyaan Baarlamaannada dalalka Islaamka,waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba dalalka Islaamka dhibaatada heysata uu Alle ka dulqaado.

Shirkan oo lasoo gebagebeyn doono maalinnimada berrito ah ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Iran Dr Ali Larijani waxaana maanta ka sokoow Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya khudbadda uu ka jeediyey sidoo kale ka hadlay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Sudan,Turkey,Kuwait,Qatar,Imaaraadka Carabta,Malysia,Indonesia,Afghanistan, Mayanmar, Azarbijan, Bakistan iyo Bahreyn.

IMG_2946 IMG_2942 IMG_2903 IMG_2898 IMG_2895 IMG_2885 IMG_2879 IMG_2760 IMG_2735 IMG_2730 IMG_2727 IMG_2721 IMG_2717 IMG_2716

—DHAMAAD—

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>