Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo oo dad siyaabo kala duwan loogu dilay iyo ammaanka oo caawa la adkeeyay

$
0
0

Kismaayo(pp) Tan iyo markii xalay la dilay allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka ammaanka mamulka Jubba ayaa waxaa magalada Kismaayo laga bilaabay howlgalo kala duwan oo amniga lagu adkayno.

Kismaayo-8Ilaa todobo qof ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan loogu dilay maanta qaar ka mid ah xaafadaha magalada Kismaayo,walow dadku ay tilmaamayaan in qaarkood si bareer ah loo dilay.

Goobjoogayaal war gal ah ayaa Puntlandpost u sheegay dadka la dilay dhamaantood inay ahaayeen shacab balse ciidanka ammaanka ay ku guda jireen baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ninkii dilay Taliye Kaambooni iyo ilaaladiisii oo isla xalay goobta dilka ka baxsaday.

Dadka ayaa sheegaya howlgalkaan socda inuu xitaa saamayn xoogan ku yeeshay isku socodka dadka iyo guud ahaan ganacsiga magalada Kismaayo.

Ciidanku howlgalka ay ilaa xalay sameeyeen waxay ku qabteen dad ku dhow boqol ruux,balse ma jirto war kasoo baxay dhanka mamulka Jubba oo sharaxaya sababta dilka dadkaan maanta sababay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga mamulka Jubba Gen.Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa hadal uu sheegay ku tilmaamay inaysan kooxda Alshabab uga hari doonin falalka ammaan xumo ee ay ka wadaan magalada Kismaayo wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii gobalka looga sifayn lahaa.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa xili xalay nin la aaminsan yahay inay isku dhow yihin Kambooni uu ku dilay isagoo marayay wado ku taala xaafada Farjano waxana sidoo kale la dhintay labo ilaaladiisa ah.

Wararka madaxtooyadda Jubba naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Taliye cusub la magacaabay.

Shacabka Kismeeyo ayaa welwel ka qaba dilalka iyo gumaadka ay dadka wax ku oolka ah ku wadaan Kooxda Alshabab,ammaanka ayaana caawa si wayn loo adkeeyay.

Puntlandpost.com

Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>