Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka hadlay ammaanka Gobalka (Dhagayso)

$
0
0

London(pp) Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo safar shaqo ku jooga magalada London ayaa waraysi uu galabta siiyay BBC waxa uu kaga hadlay xaalada ammaanka ee Gobalka iyo sida ay u maareeyaan dagaal beeleedyadda Gobalka ka dhaca.

laqanyo-man
Laqanyo waxa uu sheegay ammaanka deegaanadda ay dowladdu gacnata ku hayso inuu yahay mid sugan oo la isku halayn ayna dagaal dabar goyn ah ay kula jiraan kooxda alshabab.

 
Gudoomiyaha sidoo kale waxa uu ka hadlay sababta uu wali hakad-ka ugu jiro dhismaha mamulka Gobalka Hiiraan oo si wayn looga dareemay gobalka,wuxuna sheegay arrintaasi inay ka socon la dahay dhanka dowladda dhexe ee Somalia.

 
Dhamaynta dagaaladda beelaha ee Gobalka ayuu sheegay inay meel wanaagsan marayaan.

 
Waraysiga Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa waxa uu imaanayaa xili si wayn Gobalka looga dareemayo howlgal ballaaran oo lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro kooxda Alshabab oo wali awood ku leh qaybo ka mid ah Gobaladda dhexe ee Dalka.

 
Puntlandpost.com
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>