Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Wasiirka warfaafinta Puntland oo xilka la wareegay

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka cusub ee wasaradda warfafinta Dowladda Puntland Cabdiwali Xirsi Indho-guran ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Abwaan Axmed Shiikh Jaamac ka dib munaasibad maanta Garowe ka dhacday.

Shaqalaha wasaradda,wariyaal iyo saraakiil ka socday hay’addo caalimaya ayaa munaasibadda kasoo qayb galay ,wasiirkii hore ee warfaafinta Abwaan Axmed Shiikh Jaamac ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xil wareejinta uu maanta samaynayo.

Abwaan Axmed Shiikh JaamacWaxa uu tilmaamay inta uu joogay xafiiska inuu qabtay arrimo badan oo muuqda ayna si hufan u wada shaqeeyeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta Puntland.

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Cabdiwali Xirsi Cabdulle ayaa docdiisa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay masuuliyadda wasaradda warfaafinta ee uu maanta la wareegay,wuxuna hadalkiisa ku daray inuu wax ka qaban doono arimaha warbaahinta iyadoo la ilaalinayo madax banaanida suxufiyiinta.

IndhoguranIndho-guran ayaa dowladdii hore ee CabdiRaxmaan Farole kasoo noqday wasiirka shaqadda iyo shaqalaha.

Wasaradda warfaafinta Puntland ayaa ka mid ah wasaradaha ugu liida dhanka shaqadda,waxana dowladdii hore ee Farole isaga kala danbeeyay dhowr wasiir oo ku guul daraystay wax ka qabashadda howlaha warbaahinta ee loo igmaday.

Arrinta sida wayn loo hadal hayo ee hortaala wasiirka cusub ee warfaafinta ayaa ah sidii warbaahinta Puntland loo midayn lahaa looguna dhaqmi lahaa xeerka saxaafadda oo ay sugaya ansixinta gollaha wakiiladda.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>