Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe oo looga dhawaaqay Dalad ay ku midaysan yihiin Dugsiyada Qur’aanka (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Dalad ay ku midaysan yihiin Dugsiyada lagu dhigo qur’aanka kariimka ah ee ku yaala Gobaladda Puntland ayaa maanta looga dhawaaqay magalada Garowe.

Munaasibad lagu soo bandhigayay Daladaan oo magaceeda laga dhigay Al-xikma ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah macalimiinta dugsiyadda qur’aanka iyo masuuliyiin ka socda mamulka magalada Garowe.

Gudoomiyaha Daladda hormarinta madaarista qur’aanka Al-xigma Macalin Faarax Cabdi Jaamac oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay sababta loo aasasay Daladaan inay tahay sidii loo heli lahaa isku xirnaan dhex marta macalimiinta Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa goobaha Qur’aanka Kariimka ah ee alle lagu barto.

Waxa uu sheegay Macalin Faarax inay jirto baahiyo badan oo ka muuqda goobaha madaariista ee Puntland isla markasna dadka qaarkood aysan ahmiyad badan siin,wuxuna ku taliyay in la muujiyo isku xirnaan hufan si loosoo saaro jiilal xafidsan qur’aanka Alle wayne.

Gudoomiye ku xigeenka Daladda hormarinta madarista Alxigma Shiikh Cabdilaahi Cali Daahir ayaa dhankiisa sheegay arrintan inay tahay mid guul ah oo aan horay uga dhicin deegaanadda Puntland.

Dalladaan ayaa suurta galinaysa in laga warqabo goobaha qur’aanka lagu baro dadka iyo sidii xili kasta loo hormarin lahaa waana Daladdii ugu horaysay oo si hufan loogu dhawaaqo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>