Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Magalada Kismaayo oo waraysigii ugu horeeyay bixiyay (Dhagayso)

$
0
0

Kismaayo(pp) Gudoomiyaha magalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) oo maanta loo magacaabay masuulka ugu sareeyay magalada Kismayo ayaa sheegay marka hore inuu xooga saari doona ammaanka iyo dib u heshiisiinta dadka magalada dagay.

TIMAJILICWaxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyadda ka taagan degmada Kismaayo iyo sidii wada shaqayn wanaagsan u dhex mari lahayd mamulka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.

Gudoomiyaha magalada Kismaayo waxa uu sidoo kale ammaan usoo jeediyay dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo shacabkeeda,wuxuna sheegay inaysan ilaawi doonin kaalintii ay muujiyeen.

Mamulka cusub ee maanta la magacaabay ayaa laga sugayaa sidii wax looga qaban lahaa ammaan darida kasoo cusboonaatay magalada Kismaayo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>