Muqdisho(pp) Degmadda Huriwaa oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka bilowday in qoysas faro badan ay go’aan ku gaareen inaysan kusii noolayn karin ka dib markii habeenadii lasoo dhaafay la sheegay inay degmada soo galeen ciidamo ka tirsan kuwo Kooxda Alshabab.
Xalay Degmada xaafado ka mid ah waxaa ka dhacay dagaalo culus oo khasaaro gaystay waxana dagaalkaasi bar bar socday madaafiic xoogan oo dhawaqyaadooda xaafado badan laga maqlayay.
Qoysaskaan ka bacarakay degmada Huriwaa ayaa waxay noqonsaa kuwii ugu badnaa abid tan iyo markii ay gacanta dowladdu soo gashay,dadka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan u adkaysan karin dagaaladda u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Alshabab sidaasi darteedna ay guryahoodii ugu barakaceen.
Waxana u badan Haween iyo caruur dadka maanta xaafadooda isaga cararay.
Gudoomiyaha degmada Huriwaa ayaa xaqiijiyay degmada inay soo galleen dagaal yahano Alshabab ka tirsan ayna fariimo kala duwan wadooyinka ku daadiyeen.
Arrintaan ayaa waxay daliil u tahay awooda ay wali kooxda Alshabab ku lee dahay qaybo ka mid ah gobalka Banaadir,walina dowladdu tilaabooyin muuqda kama aysan qaadin.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho