Garowe(pp) Hay’adda wadaniga ah ee TADAMUN ayaa wada barnaamij ballaaran oo lagu dhiiri galinayo haweenka Puntland si ay uga qayb noqdaan kumanaanka qof ee waxbarashada u jihaystay,kulan arrintaasi ku saabsan ayay Garowe ku qabatay.
Masuuliyiin ka socda wasaradda waxbarashada,haweenka macaliin iyo haween kala duwan ayaa kasoo qayb galay waxana haweenka lagu dhiirigaliyay inay fadhiga ka kacaan oo ay meel kasta aqoonta u gallaan si loo helo dumar waxbartay oo ka bad baaday jahliga.
Madaxa Hay’adda TADAMUN Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in guud ahaan-ba laga qayb galo waxbarashada haweenka iyo wacyi galintooda,wuxuna tilmaamay inay lama huraan tahay arrintaasi.
Cabiraxmaan ayaa muujiyay ka TADAMUN ahaan inay door ka qaadan doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada haweenka Puntland.
Qaar ka mid ah Haweenkii kasoo qayb galay ayaa codsaday in hay’addaha iyo dowladdu ay u raadshaan waxbarasho lacag la’aan ah oo ay aqoontooda kor ugu soo qaadaan.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah ay ugu soo badanayaan in haweenku ay ku dhiiradaan waxbarashada,inkastoo ay wali jirto habacsanaan waxbarashada haweenka ka muuqata hadana wasaradda waxbarashada iyo hay’addaha kala ee la jaarka ah ayaa wada dardar galin ku aadan kor u qaadiska waxbarashada Dumarka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe