Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Wasiirka Maaliyadda PL oo la tashi la sameeyay Ganacsatadda (Sawirro&Muuqaal)

$
0
0

Bosaaso(pp) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magalada Bosaso ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta rugta ganacsiga qaar ka mid ah ganacsatada Puntlad.

16Ujeedka kulanka ayaa ah bal in la isku wacyi galiyo bixinta canshuurta waajibka ah iyo in laga qayb qaato hormarka deegaanadda Puntland maadama uu is-badal yimi,waxaa kulanka goob joog ahaa wasiirka maaliyada,ku xigeenkiisa,wasiirka ganacsiga,gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo ganacsato kale.

3Shire Xaaji Faarax wasiirka maaliyadda oo ka mid ah ganacsatadda Puntland ayaa kulanka ka sheegay inay ka go’an tahay sidii loo hormarin lagaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland,balse loo baahan yahay in si hufan loo baxsho canshuuraha oo dib loogu celiyo shacabka looguna addeego.

19Wasiirku waxa uu sheegay maadama Puntland ay tahay meel nabad ah oo kala danbayn leh in cid kasta ay xil iska saarto sidii ganacsiga iyo hormarka looga qayb qaadan lahaa.

 

2Dadkii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay wada shaqayn hufan oo dhexmarta ganacsatada iyo wasaaraha ku shuqulka leh arrimaha hormarka.

13Ganacsatadu waxay dhankooda soo jeediyeen la keeno siyaasada cad oo maalgashi iyo mid dalka lagu dhisayo si dadku ay doorkooda u qaataan.

15Ma ahan kulankii ugu horeeyay uu wasiirka Maaliyadda Puntland la qaato ganacsatada,hase yeeshee tan iyo markii uu Bosaso soo gaaray waxa uu waday kulamo kala duwan oo arrimaha maaliyadda looga hadlayay.

19 18 16 17 12 11 9 10 4 5 8 7 1

Cabdinasir Axmed Daacad
Puntlandpost.com
Xafiiska Gobalka Bari


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>