Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha DFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano ka socda Uganda (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda dhexe ee Muqdisho ayaa maanta madaxtooyadda ku qaabilay wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka Dalka Uganda.

5Xildhibaanadaan yimi Muqdisho ayaa ka mid ah guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamanka Uganda waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin booqashada ay Muqdisho ku yimaadeen.

Madaxwaynaha DFS oo fadhigeedu yahay Xamar Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dib kulanka warbaahinta la hadlay sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdigaan Muqdisho yimi wuxuna sheegay Dowladda Uganda inay ka mid tahay saaxiibka koowaad ee dalka isla markasna aan la ilaawi karin doorkaay ay nabadgalaydda ka qaateen.

“Waxaa naga go’an inaan dadaalkii wallaalaha AMISOM u gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya ku soo dabaalno amni iyo kala danbeyn. Waxaan hiigsaneynaa in 2016 aan doorashooyin xor ah qabano isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku laheyn aan soo ceshano. ”Xasan Shiikh ayaa yiri.

Kulanka uu Xasan Shiikh wafdigaan kulanka la qaatay waxaa ku weheliyay saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM.

1 2 3 4 6

6

7

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>