Baydhabo(pp) Saddex haween ah oo saarnaa gaari xawaare xoogan ku socday isla markasna marayay bartamaha magalada Baydhabo ayaa ku dhintay dad kale oo intaasi ka badana way ku dhaawacmeen ka dib markuu gaarigu uu shil galay.
Haween kale oo dhaawac ahaan loo qaaday ayaa la sheegayaa inay markii danbe u dhimatay dhaawac culus oo soo gaaray wuxuna shilkaan yimi ka dib gaari oo wadada ka baxay ka dib markuu wadihii kaantarooli waayay xawaaraha gaari.
Dadka ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmayba ayaa la sheegayaa inay ka yimaadeen xaflad aroos halka wararka kalena ay sheegayaan inay ku socdeen tacsi sidaasi darteedna uu wadihii gaariga xawaaraha u badiyay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkayeen gaari oo xawaare aad ah ku socday.
Puntlandpost.com