Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maalinta Afka hooyo oo Garowe laga xusay (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Inkastoo waqtigii loogu talo galay xuska maalinta afka hooyo ay ka dib dhacday hadana guddiga arrintaasi Puntland u qaabilsan ayaa maanta Garowe ku qabtay kulan lagu xusayo maalintaasi oo ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed.

Masuuliyiin isigu jirta wasiiro,abwaano iyo xeel dheerayaal iyo dadwayne kale ayaa xuskaasi kasoo qayb galay oo ka dhacday hoolka shirarka Hay’adda PDRC.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac kana tirsan Abwaaniinta ilaaliya afka hooyo ee Soomaaliga ayaa ka mid ahaa dadkii munaasibadaasi ka hadlay wuxuna sheegay dadka Soomaaliyeed inay muhiim tahay inay ilaashadaan afkooda hooyo oo ay ka dhowraan dhibaatooyinka soo jiitamayay 23-sano.

Waxa uu ku taliyay in afka hooyo la bad baadiyo.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow oo si hufan ula socda taariikhaa caalamka ayaa sheegay afaf uu ku jira kan Soomaaliga inuu caalamka kasii dabar go’ayo balse loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay xil wayn iska saaraan.

Afkeena hooyo ee Soomaaliga ayaa ku jiro afafka ugu hodan san ee caalamka looga hadlo,inkastoo dad dalal kale u dhashay ay barteen hadana dadka Soomaaliyeed ayaa ka jiibtay inay xili kasta u taagnaadeen sidii afka loo hormarin lahaa isla markasna loogu faani lahaa nuxurka ku duugan.

 

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>