Garowe(pp) Masuuliyiinta wasaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa dabagal ku haya habka uu u socda tallaalka maalmaha caafimaadka caruurta oo labo bari ka hor lagu daah furay magalada Garowe.
Agaasimaha waaxda caafimaadka aasasiga ah ee wasaradda caafimaadka Cabdirisaaq Garwayne ayaa sheegay inuu socdaal ku tagay deegaano ka tirsan Gobalka Mudug oo uu ka socda tallaalka maalmaha caafimaadka caruurta wuxuna sheegay inuu si wanaagsan u socda dadkuna ay ka faa’iidaysteen tallaalka looga hortago sagaal cudur oo kala duwan.
Deegaano ka tirsan Gobaladda Mudug iyo Nugaal ayaa waxaa todobaadkii hore laga soo sheegay inuu ka dilaacay cudurka Jadeecada oo dad uu soo ritay la keenay isbitaalka magalada Garowe,Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu ka mid yahay cudurkaasi kuwa dadka dadka laga tallaalayo.
Cabdirisaaq ayaa sheegay cuduradda laga hortago inay ka mid yihiin cagaar showga,Jadeecada,Qiix dheerta Gowracatada iyo waliba kuwo kale.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe