Bosaso(pp) Qiimayn lagu sameeyay dhowaan jaamacadaha dalka ku yaala ayaa lagu sheegay inay kaalinta koowaad kaga jirta Jaamacadda Puntland State University (PSU) oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee Puntland.
Haddaba ardayda Jaamacadaasi wax ka barata qaybteeda magalada Bosaaso ayaa waxay qabteen kulan arrintaasi lagu muujinayo iyo darreenka ay ka qabeen PSU guusha ay jaamacadaha Puntland usoo hoyday.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay Aqoonyahano.arday waxgarad iyo mamulka Jaamacaddaha waxana laga soo jeedshay hadalo kala duwan oo xanbaarsan muhiimadda ay waxbarashu lee dahay iyo doorka ay PSU ka ciyaartay sanadkan jaamacadaha wadanka.
Gudoomiyaha Jaamacadda PSU qaybta Bosaaso Mudane Nuuraani Xaaji Maxamud aw Axmed hambalyey bahda PSU kaalinta wanaagsan oo ay sanadkaan lasoo xarootay wuxuna sheegay inay meel kasii wanaagsan rajaynayaan sanooyinka soo socda.
Gudoomiyaha Jaamacada Culumnta caafimaadka ee Boosaaso Prof. Crsaaq Xuseen Xasan ayaa isaguna sheegay in guusha Jaamacada PSU ay gaartay ay usoo hoyatay jaamacadaha Puntland oo idil.
Qaar kamid ah aqoonyahanadii, iyo marti sharaftii lagu casmay munasabada oo goobta ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horusocdka jaamacada PSU.
Gunaanadkii munasabadan lagu wayanayay kaalinta hore ee jaamacada PSU ay ka gashay jaamacadaha Soomaaliya ayaa kusoo dhamatay jwi diirran waxana ay kusoo aadaysaa iyado malintii shalay ahayd sidoo kale madaxwaynaha Puntland C,wali Maxad Cali Gaas uu ka qayb galay munaasbad wayn oo ka dhacday xarunta wayn ee jaamacada PSU garawe taas oo arday jaamacada ka tirsanayd ay kuqalin jabinayeen.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso